Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha hay’adaha kala duwan oo ay ka mid tahay wasaaradda maaliyadda ayaa booqday Horumarinta marinada laga hirgeliyay xaafadda Kaasaanjiis

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 15/2017 (ENA): Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adaha ay khusayso iyo sidoo kale Maal-gashiga iyo hay’adaha ay xidhiidhka la leeyihiin ayaa booqasho ku tagay Waddada Kasaanjiis.


 

Waxaa la sheegay in mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha ay booqdeen dhismaha Waddada Kaasaanjiis, sidoo kalena ay booqan doonaan howlaha horumarineed ee la soo gaba gabeeyay iyo kuwa ka socda magaalada.


 

Waxa kale oo la xusay in socdaalkan uu ka mid yahay horumarinta marinada, xarunta shirarka caalamiga ah ee Addis, mashaariicda dhinaca webiyada ah oo ay ka mid tahay xarun warshadayneed oo isku dhafan, iyo mashaariic kale oo badan oo horumarineed. 


 

Waxa kale oo la sheegay in mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo caasimadda Addis Ababa ay yihiin kuwo is-dhexgal ah, isku xidhan, isla markaana awood u leh inay muujiyaan muhiimadda ay u leeyihiin ka midho-dhalinta himilooyinka horumarineed ee waara iyo xaqiijinta barwaaqada Itoobiya.

#Kazanchis

Wakaalada Warka Itoobiya
2015