In ka badan 359,000 oo muwaadiniin ah ayaa ka faa'iideystey fursadaha shaqo-abuur ee dalka dibaddiisa sagaalkii bilood ee lasoo dhafaay sannad-maaliyadeedka - Wasiir Mufarixaat Kaamil - ENA Af-Soomaali
In ka badan 359,000 oo muwaadiniin ah ayaa ka faa'iideystey fursadaha shaqo-abuur ee dalka dibaddiisa sagaalkii bilood ee lasoo dhafaay sannad-maaliyadeedka - Wasiir Mufarixaat Kaamil

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 15/2017 (ENA):- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadda, Mufarixaat Kaamil, ayaa sheegtay in in ka badan 359,000 oo muwaadiniin ah ay ka faa’iidaysteen fursadaha shaqo-abuur shisheeye sagaalkii bilood ee ugu horreeyay ee sannad-maaliyadeedka 2017-ka.
Waxaa la sameeyay qiimeyn ku saabsan dhaqan gelinta qorshaha shaqo abuurka dalka dibaddiisa, waxaana goob joog ka ahaa La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka dhaqaalaha Danjire Girma Biru iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxaana lagaga hadlay shaqada laga qabtay dhanka sahayda shaqaalaha xirfada leh, baahida suuqa shaqada iyo bixinta adeega.
Wasiirka shaqada iyo xirfadda, Mufarixaat Kaamil, ayaa fariin ay soo dhigtay barteeda bulshada ku sheegtay in 359,291 muwaadiniin ah ay ka faa’iidaysteen fursadaha shaqo oo dibadda ah sagaalkii bilood ee ugu horeeyay sanad miisaaniyeedka.
Waxayna tilmaamtay in isfaham guud laga gaaray in lagu dadaalo sidii loo wanaajin lahaa natiijada isla markaana loo kordhin lahaa faa’iidada muwaadiniinta iyadoo wax laga qabanayo dhibaatooyinka xagga saadka iyo tayada iyadoo la eegayo baahida suuqa shaqada ee jirta.
Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in tababaradda ay bixinayaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee qeybta ka ah ay yihiin kuwo daboolaya baahida suuqa shaqada isla markaana ay la jaanqaadi karaan baahida iyo saadka iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira iyo in la abuuro xaalado wanaagsan.
Gabagabadii, wasiirka ayaa kale oo sheegtay in shaqada la bilaabay ee lagu sugayo amniga iyo helida xuquuqda muwaadinka iyo ka hortagga sharci-darrada iyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambaynta ay sii socon doonto si gaar ah; Si taas loo gaarana in qaybaha ay khuseyso iyo hay’adaha fulinta ee heer walba in ay sameeyaan dadaallo dhan walba ah.