Horumarka Jidadka ee Addis Ababa iyo Mashaariicda Kale Waa Tusaale ay Qaaradaha Afrika Ka Faa’iidaysan Karaan – Martida Afrikaanka ah - ENA Af-Soomaali
Horumarka Jidadka ee Addis Ababa iyo Mashaariicda Kale Waa Tusaale ay Qaaradaha Afrika Ka Faa’iidaysan Karaan – Martida Afrikaanka ah

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 15, 2017 (ENA) – Marti Afrikaanka ah ee booqatay mashaariicda horumarka Marrinada iyo mashaariicda waaweyn ee ka socda magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in ay tusaale wanaagsan u noqon karaan dalalka kale ee Afrika.
Waxay sidoo kale xuseen in Addis Ababa ay qaadaysay tallaabooyin muuqda oo ay ku noqonayso xarun dalxiiska iyo shirarka ee Afrika.
Ka qaybgalayaashii Shirweynihii Alxanka Afrika ee ay soo qabanqaabiyay Itoobiya ayaa booqday mashaariic horumarineed ee kala duwan ee laga hirgeliyay Addis Ababa.
Mashaariicda ay booqdeen waxaa ka mid ahaa horumarinta Marinada maggaalada, Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Africa, iyo xuska Guushii Adwa – kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo aad u sareeya.
Waxay sheegeen in magaaladu ay si xawli ah u horumarayso.
Professor Hamed Abdel Halim oo u dhashay Masar ayaa u sheegay ENA in uu la dhacay horumarka baaxadda leh ee ka socda magaalo Afrikaan ah sida Addis Ababa.
Wuxuu sheegay in dhismayaasha quruxda badan ee laga dhisay magaalada, horumarinta jidadka, iyo mashaariicda kale ay sare u qaadeen soo jiidashada magaalada.
Sidoo kale, Ayo Adeniyi oo u dhashay Uganda ayaa xusay in Xusuusta Guushii Adwa iyo Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Africa ay muujinayaan sharafka qaaradda Afrika.
Wuxuu sheegay in Xusuusta Guushii Adwa si qurux badan u muujinayso taariikhda Itoobiya, isla markaana ay Astaan u tahay dhaxalka wadajirka ah ee Afrika, taas oo dhiirrigelin karta horumarka qaaradda dhan.
Wuxuu intaa ku daray in Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Africa ay buuxisay heerarka caalamiga ah ee looga baahan yahay xarun weyn oo loogu talagalay dalxiiska shirarka, martigelinta, iyo bandhigyada.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mashaariicdan horumarineed ay yihiin aragti fog oo tusaale u noqon kara dalal kale oo Afrikaan ah.
Confidence Lekwane oo u dhalatay Koonfur Afrika ayaa iyaduna xustay in Itoobiya si firfircoon uga shaqaynayso in ay noqoto xarun dalxiiska iyo shirarka.
Waxay muujisay sida ay ugu riyaaqday aragtida ah in Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Africa laga dhisay dhulka Afrika.
Shoten Sechiwa oo isna u dhashay Koonfur Afrika, kana uu yahay safarkiisii saddexaad ee Addis Ababa, ayaa sheegay inuu arkay mashaariic horumarineed oo ballaaran oo ka socda magaalada.
Wuxuu sidoo kale ammaanay dhismayaasha badan ee la dhisay, wadooyinka cusub, iyo bilicda nadiifta ah ee magaalada oo soo jiidasho leh.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA #Itoobiya #Horumarinta Marrinada #Horumar