Shirweynaha dhallinyarada Deegaanka Soomaalida oo ka furmay magaalada Jigjiga

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 15,2017 ((ENA) Madaxweynaha DDS,Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxweynaha Dhallinyarada Dalka, Mudane Fu’aad Gana, Wasiirka Xafiiska Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DDS, Mudane Maxammed Mahdi, masuuliyiin iyo dhallinyaro ka kala yimid 11-ka gobol ee deegaanka ayaa shirweynahan kasoo qayb’galay.


 

Kulanweynahan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayay dhallinyaradu kaga arrinsan doonaan Arimaha hoose:

Waxbarashada; Aqoon korodhsi la xidhiidha dhinaca waxbarashada, sidii loola jaanqaadi lahaa isbaddelka lagu tayaynayo waxbarashada deegaanka iyo doorka dhallinyaradu ay ku leeyihiin dhinaca wacyigelinta.


 

Shaqo’abuurka: Kulankan ayaa sida oo kale lagu falanqayn doonaa fursadaha ka jira dhanka shaqo’abuurka iyo caqabadaha soo wajaha dhallinyarada iyo qaabkii looga gudbi lahaa.


 

Nabadgalyada: Sidii dhallinyaradu kaalintooda uga qaadan lahaayeen amniga iyo xasiloonida deegaanka, hay’adaha amnigana loogala shaqayn lahaa gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ugu danbayn masuuliyiinta waxaa warbixinno laga siiyay ganacsiyo iyo hal’abuuro ay dhallinyarada deegaanku ku soo bandhigeen madasha.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015