Itoobiya iyo Ruushku waxay sii wadi doonaan xoojjinta iskaashigooda dhinaca caafimaadka - Dr. Maqdhas Dhaaba - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Ruushku waxay sii wadi doonaan xoojjinta iskaashigooda dhinaca caafimaadka - Dr. Maqdhas Dhaaba

Addis Ababa; Diugato/Miyaaziya15/2017 (ENA): Wasiirka Cafimaadka Dr. Maqdhas Dhaaba ayaa sheegtay, in Itoobiya iyo Ruushka waxay sii wadi doonaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dhanka caafimaadka.
Dawladda Ruushka ayaa ugu deeqday taageero ka kooban shaybaadhka guurguura ee casriga ah si loo casriyeeyo waaxda caafimaadka ee Itoobiya.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Maqdhas Dhaba ayaa taageerada ka guddoontay Madaxa Adeegga Federaalka ee Ruushka ee Ilaalinta Xuquuqda Macaamilka iyo Badbaadada Aadanaha Aana Bobova,
Dr. Maqdhas ayaa xiligaasi sheegtay in shaybaadhka guurguura uu yahay qalab casri ah oo lagu baari karo boqollaal cudur, iyana in tani aysan wax badan kordhin doonto kaliya awoodda baaritaanka cudurrada ee Itoobiya, balse ay sidoo kale u oggolaan doonto inay bixiso adeegyada dalalka deriska ah.
Waxa kale ay sheegtay in taageeradaasi ay muujinayso saaxiibtinimada xooggan ee ka dhaxaysa Itoobiya iyo Ruushka, isla markaana ay sii xoojin doonto iskaashiga dhammaystiran ee labada dal.