Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa daahfuray tartanka 4aad ee xirfadaha, farsamooyinka casriga ah iyo daraasaadka ficilka ah

Addis Ababa,Duugato/Miyaasiya 15/2017(ENA) Tartankani 4aad oo halkudheg looga dhigay “Maskax Fayow iyo muwaadiniin xirfad leh”. ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo’abuurka, Mudane Xuseen Gaydh iyo Marti sharaf kale. 

Tartankan waxaa kasoo qayb’galay 12 kuliyadood oo deegaanku leeyahay, waxaana ku tartamaya 38 farsamo (technology), waxaana ku tartamaya farsamada 34 Macalin, 7 Arday iyo 2 shirkadood. 


 

Dhanka xirfadaha waxaa ku loolamaya 59 Arday, halka tirada daraasaadka ficilka ku salaysan ee tartanku ay yihiin 30 daraasaad. Tartankan ayay shaqsiyaadka gudba kasoo qayb’galay qayb’gali doonaan tartanka heer dal.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo daah furay tartankani ayaa sheegay in deegaanku si buuxda ugu heelan yahay sii xoojinta barnaamijyada horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.


 

Ujeeddada tartankan ayaa ah in la xaqiijiyo tartannada xirfadaha, farsamooyinka casriga ah iyo daraasaadka ficilka ah, iyada oo kor loo qaadayo doorka bahda horumarinta xirfadaha heer deegaan, heer qaran iyo heer caalami, laguna daddaalayo cudud shaqaale oo tayo leh; Kuwaasi oo badali kara dakhliga waxsoosaarka dalka dibaddiisa, soona saari kara waxsoosaar aynnu dhoofin karno.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015