Dhulgariir Cabirkiisu Yahay 6.2 ayaa ku Dhuftay magaalada Istanbul ee dalka Türkiga

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 15, 2017 (ENA) – Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.2 ayaa maanta ku dhuftay magaalada Istanbul ee dalka Türkiye.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday wakaaladda wararka Anadolu, dhulgariirka ayaa dhacay waaberigii hore ee saaka, taasoo keentay in dadweynaha ku nool Istanbul iyo deegaannada ku xeeran ay si cabsi leh uga cararaan guryahooda.

Sidoo kale, dhulgariir kale oo cabirkiisu gaarayo 4.9 ayaa laga diiwaangeliyey agagaarka xeebta Büyükçekmece oo u dhow magaalada Istanbul. Anadolu waxay xustay in maamulka gurmadka degdegga ah ee dalka uu xaqiijiyey dhul gariirka labaad.


 

Illaa hadda wax khasaare ah lagama soo sheegin Balse, hay’adaha ammaanku waxay shacabka kula taliyeen in aanay dib ugu noqon dhismayaasha waxyeelladu soo gaartay haddii aysan muhiim ahayn, in aysan isticmaalin gaadiidka haddii aysan muhiim ahayn, iyo in ay raacaan tallaabooyinka taxaddarka ah ee la bixinayo.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa la sheegayaa inuu si dhow ula socdo xaaladda, islamarkaana uu muujiyey dareenkiisa ku aaddan badbaadada iyo wanaagga muwaadiniinta dalka.

Warbixinta sidoo kale waxa lagu sheegay in Madaxweynaha si joogto ah u helayo warbixinno la xiriira xaaladda, iyadoo ay siinayaan mas’uuliyiinta maamulka gurmadka degdegga ah iyo hay’adaha kale ee ay khuseeya.

#Ethiopia #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA #Türkiye

Wakaalada Warka Itoobiya
2015