Hawlaha Dal dhiska, Qurxinta, iyo Casriyeynta Ayaa Si Balaadhan U Sii Socon Doona – Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (D.r) - ENA Af-Soomaali
Hawlaha Dal dhiska, Qurxinta, iyo Casriyeynta Ayaa Si Balaadhan U Sii Socon Doona – Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (D.r)

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 15, 2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed (PhD) ayaa sheegay in dadaallada dib loogu dhisayo, lagu qurxinayo, loona casriyeynayo dalka ay u sii socon doonaan si baxaad leh.
Shalay, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu booqday Mashruuca Horumarinta Marrinada ee xaafada Kazanchis ee magaalada Addis Ababa.
Wuxuu xusay in dhowr bilood ka hor xaafadda Kazanchis ay ahayd meel si weyn u dayacan oo aan muuqaal wanaagsan lahayn, isla markaana aan ku habboonayn nolol.
Wuxuu sheegay in wejiga labaad ee Mashruuca Horumarinta marrinada uu billowday, kaasoo uu Kazanchis qeyb ka ahayd, wuxuuna tilmaamay in horumarka laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu yahay mid si weyn u taabanaya.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay inuu booqday goobaha ay deggan yihiin dadkii laga raray Kazanchis. Markuu barbar dhigay xaaladoodii hore iyo ta hadda, wuxuu caddeeyey in heerka noloshoodu uu si weyn u isubadashay.
Dadkii laga raray ayaa iyaguna xaqiijiyey in guryahooda cusub iyo xaaladdooda nololeed ay ka wanaagsan taay tii hore.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carabka ku adkeeyey in casriyeynta, dib u habaynta, iyo horumarka lagu gaadho ee Dal kasta ay ku yimaadaan dadaallo sidan oo kale ah. Wuxuu faahfaahiyey in magaalooyinka casriga ah lagu garto cagaarnaanta iyo nadaafada.
Wuxuu xusay in si muwaadiniinta magaalada uga gudbaan xaalad adag uguna gudbaan nolol wanaagsan oo Ku haboon ay u baahan tahay dadaal joogto ah iyo go'aan adag.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la fahmo in dhisidda dal barwaaqo ah—si carruurteennu ay ugu noolaadaan dal horumarsan—ay tahay in dadaal dheeraad ah la galiyo.
Wuxuu adkeeyey in sii wadidda shaqada dhismaha, qurxinta, iyo casriyeynta dalku in ay muhiim u tahay sidii looga dhabayn lahaa riyooyinkeenna iyo himilooyinka dal.
Sidoo kale, wuxuu Ku booriyay hoggaaminta heerarka kala duwan inay ku dadaalaan in si ficil ah oo hal abuurnimo, degdegsiimo leh u shaqeeyaan.
Ugu dambeyntii, wuxuu carrabka ku adkeeyey in dadaalku muhiim yahay, wuxuuna sheegay in hawlo taabo gal laga dhigo,in ay tahay in qoshaha horumarka xiga la bilaabo.
#Ethiopia #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA