Wafdiga Heerka Sare ah ayaa Ku Guda jira Booqasho lagu Xoojinayo Iskaashiga Beeraha ee Itoobiya iyo Baraasiil

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 15, 2017 (ENA) – Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha, Dr. Meles Mekonnen, ayaa booqasho shaqo ku jooga dalka Baraasiil.


 

Wafdigan ayaa isugu jira Xubno ka socda Wasaaradda Beeraha, hay’adaha hoos yimaada wasaarada, Machadka Caalamiga ah ee Cilmi-baarista Xoolaha, iyo Bangiga Adduunka.

Wafdiga ayaa wadahadal la yeeshay Marcel Moreira oo ah ku xigeenka xoghayaha ganacsiga iyo xiriirka caalamiga ee Brazil. 


 

Xogta laga helayo Wasaaradda Beeraha,ayaa tilmaamaysa in ujeeddada booqashadani ay tahay in la is dhaafsado khibrado waayo-aragnimo oo ku saabsan fidinta iyo cilmi-baarista beeraha, lana xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA #Beeraha

Wakaalada Warka Itoobiya
2015