Sayniska Iyo Teknoloojiyada - ENA Af-Soomaali
Sayniska Iyo Teknoloojiyada
Qorshayaal lagu casriyaynayo Magaalada Jigjiga ayaa la soo bandhigay
Apr 22, 2025 25
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 14/2017 (ENA): Madaxweyne ku-xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Ibraahim Cusmaan, ayaa dhageystay warbixinno muhiim ah oo ay soo jeediyeen shirkadaha Skylink Technologies iyo Softvally Technology PLC. Warbixinnadaasi ayaa ku saabsanayd barnaamijyo tignoolajiyadeed oo ay shirkaduhu hadda ka hirgeliyeen Ismaamulka Diridhabe, iyo sidii barnaamijyadan oo kale looga hirgelin lahaa magaalada Jigjiga si ay u noqoto magaalo casri ah. Iyada oo la tixraacayo dib u dhiska iyo horumarinta waddooyinka ee magaalada ka socda, waxaa la isku raacay in lagu daro barnaamijyo casriyayn ah oo looga gudbayo nidaamkii hore, si caasimadda Jigjiga ay uga mid noqoto magaalooyinka waaweyn ee ku horumaray dhinaca tiknoolajiyada casriga ah. Kulankan ayaa u gogol xaadhaya qorsheyaasha lagu horumarinayo magaalada, si loo xaqiijiyo kor u qaadista adeegyada, maamulka, iyo hab-nololeedka dadweynaha iyadoo la adeegsanayo xalal dijitaal ah.
Waaxda Tiknoolajiyadda waxay door muhiim ah ka qaadataa horumarinta dhaqaalaha Itoobiya – Marwo Jaaltu Saani
Apr 17, 2025 76
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 9/2017 (ENA): Marwo Jaaltu Saani, Wasiirka Magaalooyinka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Itoobiya , ayaa sheegtay in waaxda tiknoolajiyadda ay door weyn ku leedahay horumarinta dhaqaalaha Itoobiya. Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda iyo hay’adaha la bahwadaagta la ah ayaa kulan is-xogwaraysi ah ka yeeshay waxqabadkii sagaalkii bilood ee sanad-miisaaniyadeedkan 2017. Marwo Jaaltu Saani oo hadal ka jeedisay kulanka ayaa tilmaantay in isbeddelka dhaqaale ee dalka ka socda uu u baahan yahay ka-qaybgal toos ah iyo mid dadban oo ay ka qayb qaataan dhammaan muwaadiniinta, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la fahmo shaqooyinka la qabtay. Waxay intaas ku dartay in marka la shaqaynayo horumarinta dhaqaalaha qaranka, ay muhiim tahay in la baabi’iyo caqabadaha jira lana abuuro jawi wadajir loogu shaqaynayo. Dhanka kale, Wasiirka Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda Dr. Belete Molla ayaa xusay in wax badan la qabtay oo la xiriira isbeddelka dhaqaale, horumarinta kaabayaasha, tayeynta awoodda shaqaalaha, iyo fulinta siyaasado iyo istaraatiijiyado muhiim ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in barnaamijka tababarka “Etho Coders” uu gacan weyn ka geystay kobcinta dhaqaalaha dhijitaalka ah, nidaamka maaliyadeed, iyo abuurista fursado shaqo. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dhiso Itoobiya horumarsan oo dhanka tiknoolajiyadda kaga horreysa wadamada kale, taasina waxay u baahan tahay dadaal xooggan iyo qorshe mideysan.
GITEX waa madal ay Itoobiya ku soo bandhigtay karti ay leedahay si ay heer caalami ah ugu tartami oo dhanka horumarinta tignoolajiyada - Hal-abuurayaasha Tignoolojiyadda Itoobiya
Apr 17, 2025 80
Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 8/2017 (ENA):- Hal-abuurayaasha tignoolajiyada Itoobiya oo la hadlay wakaaladda wararka ee ENA ayaa sheegay in Madasha GITEX Africa ee 2025 uu ahaa madal ay Itoobiya ku soo bandhigtay awoodda ay u leedahay inay caalamka kula tartanto horumarinta tignoolajiyada. Madasha teknolojiyadda qaaradda ee ballaaran oo ka socota magaalada Marraakesh ee dalka Morooko, ayaa maanta socota maalintii saddexaad. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 4,500 oo ergo ah oo ka kala socday in ka badan 130 dal oo ay ku jirto Itoobiya, in ka badan 1,400 shirkadood iyo shirkado bilow ah oo bixiya adeegyadooda, in ka badan 650 hay’ado dowladeed ah, iyo in ka badan 350 maalgashadayaal. Amniga internetka, waxbarashada, isgaarsiinta, maaliyadda, caafimaadka, isboortiga, iyo tignoolajiyada beeraha ayaa ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee hal-abuurnimada tignoolajiyada ee ay bixiyaan shirkado iyo shaqsiyaad. Itoobiyaanka awooday in ay abuuraan teknoolojiyad la taaban karo oo xaliya mashaakilaadka bulshada, noloshana fududeeya ayaa iyaguna ka qaybqaata madaashan. Mudane Shimelis Gebremedhin ayaa ah aasaasihii iyo maamulaha shirkadda E-Tech Stock Company. Ururku waxa uu GITEX Africa ku soo bandhigayaa 12 adeeg oo kala duwan oo internet ku salaysan, wuxuuna sheegay in GITEX ay tahay meesha aan ka kasbannay khibrado badan oo caalami ah, waxaana uu madalku muujiyay in Itoobiya ay sidoo kale gacan ka geysatay horumarinta tignoolajiyada adduunka. Waxa kale uu sheegay mudane shimelis in, mararka qaar garwaaqsanahay inay jiraan meelo aanan gaarin, xaaladdan, waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan u buuxin lahayn meelaha naga maqan, anagoo abuurayna wadashaqeyn. Munaasabadda teknolojiyadda, oo socotay tan iyo cirir 6, 2017, ayaa la soo gabagabeyn doonaa maanta.
Shirkada Guryeynta Federaalka ayaa Qorsheyneysa Inay Soo Bandhigto Farsamada Dhismaha 3D ee Itoobiya
Apr 16, 2025 89
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 8, 2017 (ENA) — Shirkada Guryeynta Federaalka ayaa heshiis la saxiixatay Baumeister Group, oo ah shirkad weyn oo fadhigeedu yahay Austria kana shaqeysa farsamada dhismaha casriga ah, si dalka Itoobiya loogu soo bandhigo tiknoolajiyadda dhismaha ee 3D. Maareeyaha Sshirkada, Mudane Reshad Kemal, ayaa kulan wadatashi ah kula yeeshay magaalada Wopfing ee dalka Austria Masuuliyiinta sare ee shirkadda farsamada dhismaha, si looga wada hadlo hirgelinta tiknoolajiyadda dhismaha ee 3D oo ay Sshirkada damacsan tahay inay isticmaasho. Sidoo kale, Mudane Reshad Kemal wuxuu ka qeybgalay Bandhigga Caalamiga ah ee Mashiinnada iyo Farsamada Dhismaha oo lagu qabtay magaalada Munich ee dalka Jarmalka, iyadoo ay arrintani qeyb ka ah istiraatiijiyadda Sshirkada ee ballaarinta iyo casriyeynta adeegsiga tiknoolajiyadda dhismaha horumarsan. Shirkada ayaa horey si ballaaran ugu isticmaashay dalka tiknoolajiyadda dhismaha ee Aluminum Formwork, iyada oo iskaashi la samaysay shirkadda OVID ee iyada ka keenaysa dalka Kuuriyada Koonfureed, waxaana sidoo kale ay dadaal ugu jirtaa hirgelinta dhismaha habka Precast iyada oo la kaashaneysa shirkadda Wanko ee dalka Talyaaniga. Heshiiskan cusub kadib, waxaa la filayaa in soo bandhigida tiknoolajiyadda dhismaha ee 3D ay Sshirkada ka dhigto mid ka mid ah bixiyeyaasha tiknoolajiyadda dhismaha casriga ah ee jiilka saddexaad ee gudaha warshadaha dhismaha Itoobiya.
Waxaa la tilmaamay in shaqo wanaagsan laga qabtay fidinta nidaamka dhijitaalka ah iyo kobcinta awoodda shaqaale karti leh
Apr 14, 2025 90
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 6/2017 (ENA): Wasiirka Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada, Dr. Balate Molla, ayaa sheegay in muddo sagaal bilood ah oo sanad-miisaaniyadeedka ah ay si wanaagsan uga shaqeeyeen fidinta nidaamka dhijitaalka ah iyo kobcinta awooda shaqaale xirfad leh. Dr. Balate waxa uu sheegay in guulaha la gaaray ee la xiriira hirgelinta qorshayaasha qaran iyo dhaqangelinta qorshaha dhaqaalaha guud muddadaas sagaalka bilood ah ee rubuca saddexaad ee sanad-miisaaniyadeedkan. Wasiirku wuxuu ku nuux-nuuxsaday in yoolasha wasaaraddu ay ka mid yihiin fidinta dhijitaalka, ballaarinta kaabayaasha aasaasiga ah, horumarinta nidaamka casriga ah ee maamulka, iyo xoojinta hal-abuurka la xiriira abuurista shaqooyinka. Wuxuu sidoo kale sheegay in ay jiraan hawlo ballaaran oo si wadajir ah looga wado qaybta gaarka loo leeyahay, isla markaana isbeddello la taaban karo laga sameeyay dhanka dhijitaalka. Waxaa uu tilmaamay in dhaqaalaha dhijitaalka ah, oo ay ku jirto adeegsiga adeegyada sida Telebirr, uu suurta geliyey socodsiinta lacag dhan 800 bilyan oo birr muddo sagaal bilood ah gudaheed, taasoo uu ku tilmaamay guul weyn. Sidoo kale wuxuu sheegay in fidinta nidaamka dhijitaalka ah ay yareynayso kharashaadka badan ee dhaqaalaha ku baxa, taasina ay tahay faa’iido weyn oo la gaarey. Dhinaca horumarinta awooda shaqaalaha, ayuu xusay in laga soo bilaabo bishii Hamle ee la soo dhaafay, mashruuca “5 Million Coders Initiative” ay iska diiwaan geliyeen 688,000 Itoobiyaan ah oo tababar qaadanaya, halka 270,000 oo ka mid ahna ay tababarkooda dhammaysteen oo ay heleen shahaadooyin caalami ah. Dr. Balete ayaa sidoo kale sheegay in tani ay caddeyn u tahay in shaqooyin la taaban karo laga qabtay dhismaha dhaqaalaha dhijitaalka ah. Ugu dambeyn, wuxuu xusay in la wado diyaarin iyo hirgelin istiraatiijiyado qaran oo cusub si loo gaaro mustaqbalka natiijooyin ka sii wanaagsan.
Dhismeyaasha Qolalka Isgaarsiinta Casriga ah ee yoban hay’adood oo heer Federaalka ah iyo Dhammaan Dowlad-deegaannada ayaa gabagabo maraya – Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda
Apr 4, 2025 81
Addis Ababa, Cuur/Megabit 26, 2017 T.I. (ENA): Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda ayaa sheegay in dhismaha qolal isgaarsiineed ee casri ah laga hirgelinayo toban hay’adood oo federaal ah, dhammaan dowlad-deegaanada iyo labada maamul magaalo, isla markaana ay marayaan heer gabagabo ah. Qolalkan isgaarsiinta casriga ah waxaa lagu qalabeeyay teknoloojiyad casri ah, nalal smart ah, qalab horumarsan oo loogu talagalay shirarka fogaan-aragga ah iyo kuwa codka, kaabeyaasha shabakadaha, iyo qalab dhimiya dhawaaqa. Waxaa kale oo lagu daray jawi qurxoon oo leh qaboojiye hawada ah. In ka badan labo sano kahor, iyadoo la kaashanayo maalgelin uu sameeyay Bangiga Adduunka isla markaana ay hagayso Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda, ayaa la dhisay qolal smart ah oo ku yaalla shan hay’adood oo heer federaal ah, kuwaas oo haatan shaqaynaya isla markaana adeegyo bixinaya. Wasiiru dawlaha wasaarada Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda,,Yeshurun Alamayo ayaa sheegay in qolalkan smart-gu ay yihiin kuwo casri ah oo wax ka tari kara dhimista kharashaadka iyo waqti lumiska. Qolalkan waxaa loo qaabeeyay inay taageeraan shirarka iyo tababarada kala duwan, waxaana ku rakiban qalab digital ah oo ka caawiya bandhigyada qoraalka ah. Ilaa iyo hadda, shan hay’adood ayaa leh dhismayaaha smartiga ah oo shaqaynaya. Waxaana socda dhismaha 24 dhismo oo smart ah oo laga hirgelinayo Deegaanada iyo hay’ado federaal ah oo la xulay. Wasiiru dawlaha wuxuu intaas ku daray in mashruuca dhismaha oo lagu fulinayo miisaaniyad dhan 4 milyan oo doolar oo uu bixiyay Bangiga Adduunka,taas ol la filayo in lagu soo gabagabeeyo muddo hal sano gudahood ah. Dhismaha haatan wuxuu ka socdaa deegaanada, maamulada magaalooyinka, iyo toban hay’adood oo heer federaal ah. Surafel Dhiriba, oo ah Injineer dhinaca Amniga Internet-ka (Cybersecurity) ah oo ka tirsan Barnaamijka Aqoonsiga Qaranka, ayaa u sheegay ENA in qolalka isgaarsiinta smart-ku aysan ahayn oo kaliya kuwo ku dhisan tignoolajiyad, balse sidoo kale ay qaadi karaan illaa 25 qof mar qura. Wuxuu intaas ku daray in qolku u suurogeliyo in shirar lagu qabto iyadoo aysan jirin wax caqabada ah oo dhinaca khadka ah, isla markaana uu door weyn ka ciyaaro sugidda amniga xogta. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya
Itoobiya waxay doonaysaa inay sare u qaaddo iskaashiga ay la leedahay Qaramada midoobya ee tignoolajiyada dhijitaalka ah - Balade Molla (Dr)
Apr 1, 2025 96
Addis Ababa; Cuur/Megabit 23/2017 (ENA):- Itoobiya waxay danaynaysaa in ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Qaramada Midoobay ee dhinaca tignoolajiyada dhijitaalka ah,"ayuu yiri Wasiirka Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada Balade Molla (Dr). Wasiirka Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada Balade Molla (Dr) ayaa wadahadal la yeeshay Wafti uu hogaaminayo Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Ergeyga Gaarka ah ee Teknolojiyada Dijitalka Amandeep Singh Gill (Dr). Wakiilo ka kala socday hay’adaha kala duwan ee dowladda ayaa ka qeyb galay wadahadalka. Wasiirka Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada Balade Mola (Dr.) ayaa sheegay in Itoobiya ay xoojinayso kordhinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada dhaqaalaha, tignoolajiyada iyo kala guurka hal-abuurka iyo sidoo kale dhinacyo kale. Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in tignoolajiyada xogaha iyo isgaarsiinta, ee ay ka midka yihiin garaadka macmalka ah ay ka shaqeyn doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa faa'iidooyinka Qaramada Midoobay iyada oo loo marayo qaab-dhismeedka ay abuurtay tignoolajiyada dhijitaalka ah. Waxa uu sheegay in laga shaqayn doono sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ay la leeyihiin waaxaha United Technology. Dhinaca kale, Itoobiya waxay diiradda saartay kaabayaasha dhaqaalaha, maamulka iyo tayaynta xirfada, waxaana uu xusay intii ay uu kalankani in la dejiyay siyaasado iyo hay’ado xooggan oo kor u qaadaya kobaca dhaqaalaha dhijitaalka ah. Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Ergeyga Gaarka ah ee Tiknoolajiyada Dijitalka, Amadeep Singh Gill (Dr.) ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay hagaajinta qaab-dhismeedyada si loo hubiyo in dalalka soo koraya, oo ay ku jirto Itoobiya, ay noqdaan ka qaybqaata iyo ka faa'iidaystayaal la siman dunida dijitaalka ah. Xogta laga helayo wasaaradda, ayaa sheegaysa in dalalka soo koraya oo ay ku jirto Itoobiya in loogu baaqay inay ka faa'iidaystaan fursadaha qaybta dhijitaalka ah ee Qaramada Midoobay. #Wakaalladda Wararka_Itoobiya #ENA #Itoobiya
Horumarka Kaabayaasha Dijitaalka ah ee Itoobiya ayaa cashar u noqonaya dalalka Afrika
Mar 26, 2025 113
Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 17/2017 (ENA): Komishinka Dhaqalaha Afrika u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNECA) ayaa amaantay dadaalka Itoobiya ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dijitaalka ah. Dr. Maktar Sak, oo ah madaxa waaxda hal-abuurka iyo teknoolojiyadda ee Guddiga Dhaqaalaha ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika (UNECA), ayaa sheegay in dadaalka Itoobiya ee dhismaha kaabayaasha dijitaalka ahi uu cashar u noqon doono dalalka kale ee Afrika. Dr-ka oo Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa sheegay in dalalka Afrika waxaa looga baahan yahay inay horumariyaan siyaasad dijitaal ah oo adag, ballaariyaan isku xirka tignoolajiyada magaalooyinka iyo miyiga, isla markaana ay si xooggan uga shaqeeyaan kor u qaadista isku xirka dhijitaalka. Itoobiya ayaa dadaal xooggan ku bixisay horumarinta dhaqaalaha dijitaalka ah, iyadoo abuuraysa fursado shaqo, xoojinaysa maalgashiga, una gogol xaaraysa isbeddel dhaqaale oo muuqda. Dowladda Itoobiya ayaa xoogga saartay casriyaynta, taasoo horseedday in si weyn loo ballaariyo kaabayaasha internet-ka ee dalka, taasoo sare u qaadaysa helitaanka adeegyada tignoolajiyada. Sidoo kale, waxaa la diyaarinayaa hannaan casri ah oo ku saleysan isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada, taasoo kor u qaadi doonta ka-faa'iidaysiga heshiiska Suuqa Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA). Dhismaha xiriirka internet-ka iyo ballaadhinta isku xirka dijitaalka ayaa muhiim u ah hirgelinta heshiiska suuqa xorta ah ee Afrika, si dhammaan dalalka Afrika uga faa’iidaystaan adeegyada casriga ah ee tignoolajiyada. Dadaalkan ay Itoobiya waddo ayaa suurta-gelinaya in dalka uu noqdo tusaale lagu daydo oo ay dalalka kale ee Afrika wax ka bartaan, gaar ahaan dhismaha dhaqaalaha dijitaalka ah iyo kaabayaasha teknolojiyadda. Sida uu sheegay khabiirka dhanka horumarinta ganacsiga iyo teknolojiyadda, Sergey Gasbaryan, horumarinta kaabayaasha teknolojiyadda ayaa muhiim u ah kordhinta dakhliga gudaha ee dalka, taasoo kor u qaadaysa kobaca dhaqaale. Dijitaalaynta dhaqaalaha ayaa lagu xoojinayaa nidaamka maaliyadda, maamulka canshuuraha, iyo isla-xisaabtanka dakhliga iyo kharashka, taasoo sare u qaadaysa daah-furnaanta nidaamka maaliyadeed. Itoobiya ayaa dejisay istaraatiijiyad shan sano ah oo ku aaddan horumarinta dhaqaalaha dijitaalka, iyadoo guulo la taaban karo ka gaartay dadaalladii ay horey u qaaday. Dowladda Itoobiya ayaa qorsheyneysa inay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay shirkadaha caalamiga ah ee dhinaca tiknoolajiyada, si loo horumariyo xirfadaha iyo aqoonta dhanka dijitaalka. Dadaalkan oo dhammaanaya ayaa Itoobiya ka dhigay mid leh awood dowladeed oo xooggan, dhaqaale kobcaya, iyo horumar muuqda oo dhinaca tiknoolajiyada ah. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bandhigga Tiknoolajiyada Caalamiga ah ee 2025 ayaa lagu qaban doonaa Addis Ababa bisha miicaad ee soo socota
Mar 26, 2025 99
Addis Ababa, Cuur/Magaabiit 17, 2017 (ENA): Bandhigga Tiknoolajiyada Caalamiga ah ee Itoobiya 2025 ayaa lagu qaban doonaa Xarunta Shirarka Caalamiga ee Addis, muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabmaysa miicaad 8, 2017. Bandhigan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka amniga shabakadda sirdoonka iyo machadka garaadka macmalka ee Itoobiya ayaa lagu sheegay inuu yahay kii ugu ballaarnaa ee dhinaca tignoolajiyada ee bariga Afrika. Bandhiggan ayaa waxaa si wada jir ah faahfaahin ka bixiyay agaasimaha guud ee maamulka amniga shabakadaha sirdoonka Tigist Xaamid iyo agaasimaha guud ee machadka garaadka macmalka itoobiya Injineer Warqu Gachana. Agaasimaha guud ee maamulka amniga shabakadda sirdoonka, Tigist Xaamid ayaa sheegtay, in bandhiga ayaa ujeedadiisu tahay in lagu soo bandhigo guulaha Itoobiya ee isbeddelka dhijitaalka ah ee adduunka; iyo waxqabadyada la sameeyay si loo abuuro bulsho iyo dal barwaaqo ah iyadoo la fududeeyay dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Itoobiya laga helay natiijooyin aad u wanaagsan. Waxa kale ay sheegtay in isbeddelka dhijitaalka ah uu door wax ku ool ah ka qaatay geeddi-socodka dhisidda tignoolajiyada dhijitaalka ah ee isku-dhafan oo kharash-ku-ool ah. Laguna soo bandhigi doono amniga internetka, sirdoonka macmalka ah, amniga maaliyadda, magaalooyinka casriyaysan iyo waxbarashada tignoolajiyada. Waxa ay sheegtay in mar haddii bandhigga la isugu keenay shantan qodob ee diiradda lagu saarayo ay ka dhigi doonto dhacdadii ugu ballaarnayd ee dhinaca tignoolajiyada ee Bariga Afrika. Agaasimaha ayaa sheegtay in ka badan 10,000 oo qof ay ka qeyb galayaan bandhigga, kuwaasoo lagu qaban doono shirar dhinacya ah, bandhigyo, dood-cilmiyeedyo iyo tartamo. Injineer Worqu Gaachana oo ah agaasimaha fulinta ee machadka garaadka macmalka ee Itoobiya ayaa sheegay, in bandhiggan uu yahay mid dhanka teknoolojiyadda ah oo Itoobiya ay caalamka ku bari karto tignoolajiyadeeda, isla markaana ay wax ka baran karto caalamka. Injineer warqu ayaa kale oo sheegay, in la samaynayo jilayaasha qaybta tignoolajiyada gaarka loo leeyahay si weyn uga qaybqaataan, waxaa la abuuri doonaa xaalad ay isku weydaarsadaan khibradaha qaybta; Islamarkaana bandhiggan uu yahay mid la jaan qaadaya Ajendaha midowga Afrika ee 2063-ka ee dhijitaaleynta, isagoo sheegay in la qaban doono tartan garaadka macmalka ah.
Casriyeynta Nidaamyada Tiknoolojiyaddu ay Taageerto ayaa Door Muhiim ah ka qaadata Dhaqan-gelinta hab shaqeedka La-dagaallanka Musuqmaasuqa – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen Temesgen Tiruneh
Mar 25, 2025 64
Addis Ababa, Cuur/Megabit 16, 2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Temesgen Tiruneh, ayaa sheegay in casriyeynta nidaamyada ay taageerto tiknoolojiyaddu ay muhiim u tahay xaqiijinta dhaqan-gelinta waxtarka leh ee habka shaqo ee la-dagaallanka musuqmaasuqa. Shir wadatashi ah oo ay ka qayb galeen daneeyayaasha la xiriira hirgelinta nidaamyada la-dagaallanka musuqmaasuqa ayaa maanta la qabtay. Farriin uu ku baahiyay bartiisa baraha bulshada ayaa, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku wuxuu ku adkeeyay in shirka diiradda lagu saaray dib-u-habaynta hay’adaha iyo waxqabadkooda hawleed. Wuxuu tilmaamay in hay’aduhu ay xoojiyaan shaqadooda iyagoo casriyeynaya nidaamyada hal-abuurka leh ee tiknoolojiyadda ku saleysan, isla markaana ay dadaalkooda u huraan howlaha qaran ee wadajirka ah ee ka dhanka ah musuqmaasuqa. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya
Xafiisku ayaa daahfuray xarun wicitaan oo qaabilsan amniga iyo nabadda magaalada
Mar 13, 2025 100
Addis Ababa, Cuur/Megabit 4, 2017 (ENA): Xafiiska Maamulka Nabadda iyo Amniga Magaalada Addis Ababa ayaa daah-furay xarun wicitaan oo u oggolaanaysa shacabka inay la wadaagaan arrimaha la xiriira amniga iyo nabadda magaalada, iyo sidoo kale 10 teknooloji oo kala duwan oo fududeynaya. Teknoolojiyadan ayaa u sahlaya shacabka inay soo gudbiyaan cabashooyinka la xiriira amniga, xogaha la xiriira arrimaha nabadda iyo amniga magaalada, iyo sidoo kale adeegyada uu xafiisku bixiyo. Xafiisku wuxuu si rasmi ah u shaaciyey adeegyada kala duwan oo ay ka midkayihiin lambarka wicitaanka bilaashka ah ee 8882, website rasmi ah, app ay dadweynuhu uga qaybqaadan karaan maamulka, nidaam maareynta, iyo adeegyada shirarka muuqaalka ah (video conferencing), iyo adeegyo kale oo farsamo casri ah. Waxaa la fulinayaa qorshe wacyigelin ah si dadweynaha ay ugu fududaato adeegsiga adeegyada ay bixiyaan, loona hubiyo in adeegyadaasi noqdaan kuwo degdeg ah, sahlan, oo si ballaaran loo heli karo. Madaxa Xafiiska Maamulka Nabadda iyo Amniga Addis Ababa, Lydia Girma, oo ka hadlaysay xilliga la daah-furayay teknoolojiyadan cusub, ayaa sheegtay in dadaalladii hore ee lagu xoojinayay nabadda magaalada ay guulo ka gaareen iyada oo shacabka lagu dhiirrigeliyay inay ka qaybqaataan sugidda nabadda iyo xasilloonida magaalada. #Ethiopian_News_Agency #ENA
Itoobiya iyo Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirkooda dhanka dhijitaalka ah
Mar 7, 2025 112
Addis Ababa; cirir/yakaatiit 28/2017 (ENA): Itoobiya iyo Ururka Isgaadhsiinta Caalamiga ayaa ku dhawaaqay inay ka shaqayn doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen iskaashigooda dhinaca isbeddelka dhijitaalka ah. Wasiirka Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada, Belete Molla (Dr.) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha gobolka Afrika ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga Imaanu'eel Manaasse (Dr.). Kulankan ayaa diiradda lagu saaray suurtogalnimada in la iska kaashado hirgelinta istaraatiijiyadda isbeddelka dhijitaalka ah ee Itoobiya. Wasiirka Hal-abuurka iyo Tignoolajiyadda, Belete Molla (Dr.), ayaa sheegay in Itoobiya ay la shaqaynayso xubnaha ay khussayso, iyadoo fiiro gaar ah siinaysa dhismaha dhaqaalaha dhijitaalka ah. Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in kobaca dhaqaalaha Itoobiya uu dardargeliyo, lagana dhabeeyo isbadalka dhijitaalka ah, wuxuuna tilmaamay in si wada jir ah looga shaqeeyo dhaqaalaha dhijitaalka ah, ayna suurtogal tahay in la xaqiijiyo isticmaalka iyo lahaanshaha tignoolajiyadda casriga ah. Waxa uu sheegay in laga shaqayn doono sidii loo gaadhi lahaa horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah, iyadoo la xoojinayo hawlaha wada shaqayneed ee keeni kara koboc wax soo saar leh oo ku aaddan waaxda teknoolajiyadda casriga ah taas oo u sahlaysa Itoobiya in ay u dhaqaaqdo horumar dhaqaale oo caalami ah. Wasiirku waxa uu sheegay in Itoobiya ay qabanayso shaqo dhamaystiran oo dhanka dhijitaalka ah, sidoo kalena in halbeegyada teknoolojiyadda macluumaadka iyo isgaarsiinta ee ay soo saarto Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) looga baahan yahay inay tixgeliyaan cadaaladda iyo howlaha hadda socda ee dalalka. Agaasimaha Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) ee Gobolka Afrika Imaanu'eel Manaase (Dr.) ayaa tilmaamay in hay’addiisu ay kaashan doonto waddaaradda sidii loo gaari lahaa yoolka ay Itoobiya dejisay ee dhanka dhijitaalka ah. Waxa uu sheegay in isbahaysigu uu danaynayo in la taageero hawlaha la qabanayo si loo fududeeyo hirgelinta isbeddelka dhijitaalka ah ee Itoobiya. Wassaaradda ayaa sheegtay in midiwgu uu si dhaw ula shaqayn doono Itoobiya iyo xogta ku saabsan Itoobiya ee ka soo bixi doonta heer caalami.
Waxaa la go'aamiyay in la hirgeliyo sharciga lagu hawl-galinayo nidaamka dhijitaalka ee hal-xarunta ahee adeegga dawladda ah si loo dhiso
Feb 28, 2025 127
Addis Ababa; cirir/yakatit 21/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Temesgen Tiruneh ayaa shaaca ka qaaday go’aanka lagu dhaqan gelinayo sharciga lagu hawl-galinayo nidaamka dhijitaalka ee lagu dhisayo adeega dowladda ee hal-xarunta ah. Sida lagu sheegay fariinta uu ra’iisul wasaare ku xigeenka soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada, in guddiga hoggaanka dib u habeynta adeegga dowladda iyo maamulka ayaa yeeshay kulankii afaraad ee caadiga ahaa. Shirkaas oo ay ku go’aamiyeen in ay ka soo talo bixiyaan waxyaabaha looga baahan yahay in la sameeyo nidaam lagu bixin karo adeegyada dawladda ee fudud iyo hufnaanta leh iyadoo la kaashanayo farsamada hal-xarunta ah. Waxa uu sheegay in ay ka wada hadaleen sharciga lagu hawl-galinayo nidaamka dhijitaalka ah ee hal-xarunta ee adeegyada dawladeed, waxayna go’aan ku gaadheen in nidaamka la ansixiyo oo lagu dhaqmo.
Xubnaha Kooxda Kormeerka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Booqday Machadka garaadka Macmalka ah ee Itoobiya
Feb 26, 2025 115
Addis Ababa, Cirir/yekatit 19, 2017 (ENA) – Xubnaha kooxda kormeerka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho shaqo ku tagay Machadka sirdoonka macmalka ah ee Itoobiya. kooxda kormeerka ayaa qiimeysay howlaha horumarka ee Machadka sirdoonka macmalka ah, iyagoo sidoo kale soo kormeeray hawlaha kala duwan ee machadka. Maareeyaha guud ee machadka sirdoonka macmalka ah ee Itoobiya, Warku Gachna (Dr.) ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey hawlaha shaqo ee machadka. Dr. Kena Yadeta oo ah hogaamiyaha kooxda kormeerka ayaa tilmaamay in machadku uu qabtay howlo ka balaadhan da’diisa, waxa uuna tilmaamay in machadku uu yahay mid wax weyn ka taraya dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si dhow loola shaqeeyo hay'adaha kale si awooddan looga dhigo furaha xallinta dhibaatooyinka qaybaha kala duwan. Sidoo kale waxaa la sheegay in su’aalo ay weydiiyeen xubnaha kooxda kormeerka oo uu ka jawaabay Maareeyaha guud, kuwaas oo la xiriira sidii loo xaqiijin lahaa faa’iidada uu u leeyahay machadku bulshada iyadoo loo marayo teknoolojiyadda casriga ah ee machadku leeyahay, iyo habka uu machadku ula shaqeeyo hay’adaha kale. #Itoobiya #Wakaalladda Wararka_Itoobiya #ENA
Itoobiya-Telecom oo Daahfurtay Adeegyo Cusub oo Isgaarsiineed
Feb 26, 2025 94
Addis Ababa, Cirir/yekatit 19, 2017 (ENA): Shirkadda isgaadhsiinta ee EthioTelecom ayaa shaacisay adeegyo cusub oo isgaarsiineed oo loogu talagalay macaamiisha ganacsiyada (Enterprise), si ay u fududeeyaan howlahooda shaqo. Maareeyaha Guud ee Shirkadda isgaadhsiinta ee EthioTelecom, Ferehiwot Tamiru, ayaa sheegtay in adeegyada cusub ay macaamiisha u suurta gelinayaan in ay si sahlan u helaan adeegyada isgaarsiinta iyada oo aan loo baahnayn in ay dhistaan xarumo horumarin ah. Waxay intaa ku dartay in horumarinta wax-soosaarka ganacsiyada ay door muhiim ah ka qaadanayaan kobaca dhaqaalaha dalka, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in adeegsiga teknoolojiyad casriga ah si loo helo adeegyo degdeg ah oo hufan. Adeegyada Cusub ee La Daahfuray waxaa ka mid ah nidaam lagu kaydiyo xogta xoolaha dalka iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad casri ah. shrikada Ethio-Telecom ayaa sheegtay in nidaamkan uu xoolo-dhaqatada ka caawin doono in ay helaan macluumaad sax ah oo ku saabsan xoolaha, diiwaangelinta,maamulka xogtooda iyo adeegsiga. Sidoo kale, waxaa la daahfuray xal teknoolojiyadeed oo u suurta gelinaya xoolo-dhaqatada in ay helaan caymis iyo taageero dhaqaale iyada oo loo marayo adeegyo dijitaal ah. Tiknoolojiyada Loogu Adeegayo Ganacsiyada Shirkaddu waxay sheegtay muhiimadda ay tiknoolojiyaddu u leedahay xaqiijinta himilada ah in la hirgeliyo "Dijitaal Itoobiya". Waxay xustay in tiknoolojiyaddu ay muhiim u tahay in ganacsiyada la gaarsiiyo heer ay noqdaan kuwo tartami kara. Ethio-Telecom ayaa sidoo kale hirgelisay adeegyo dhijitaal ah oo wax-ku-ool u ah waaxaha caafimaadka, amniga, dhismaha iyo adeegyada kale ee muhiimka ah. Adeegyadan ayaa shirkadaha u sahlaya in ay si fudud oo degdeg ah u helaan adeegyada codka iyo muuqaalka ah meal kasta oo ay ku sugan yihiin. Shirkadu waxay xustag in bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed ee yaryar ay awood u yeelan doonaan inay ballaariyaan adeeggooda, korna u qaadaan wacyigelinta, oo ay siiyaan bulshada adeeg degdeg ah oo la heli karo iyaga oo ka faa'iidaysanaya kaabayaasha shirkadda Ethio-Telecom, iyaga oo aan u baahnayn inay samaystaan kaabayaal u gaar ah. Dhanka kale, adeeg cusub ayaa la daahfuray kaas oo u sahlaya iskuullada, ardayda, waalidiinta iyo bulshada waxbarashada inay si sahlan iskugu xirmaan iyaga oo kaashanaya tignoolajiyada. Shirkadda Ethio-Telecom ayaa sidoo kale shaacisay adeeg u fududaynaya ganacsiyada inay si toos ah u gaaraan macaamiishooda oo ay helaan jawaab celin degdeg ah iyagoo adeegsanaya tignoolajiyada. #Ethiopian_News_Agency #Ethiopia #ENA
Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) oo la kulmay Maareeyaha Guud ee Gafi
Feb 15, 2025 106
Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 8/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, ayaa kulan gaar ah la qaatay Maareeyaha Guud ee Gafi – Fakine Alliyanse, Sanya Nishtar, inta lagu guda jiray Shir-madaxeedka 38-aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika. Intii uu socday wadahadalkooda, waxay diiradda saareen xoojinta dadaallada tallaalka ee Itoobiya, kor u qaadista awoodda dhismaha nidaamka caafimaadka, iyo horumarka qorshaha isbeddelka ee waaxda caafimaadka. Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in ay sii xoojinayaan iskaashigooda.
Waxaa la qabtay howlihii aasaaska muhiimka u ahaa dhismaha dhaqaalaha dhijitaalka ah – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Tamasgen Tiruneh
Jan 27, 2025 174
Addis Ababa; Dharrabley/Tir 19/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Tamasgen Tiruneh ayaa sheegay in sanadihii lasoo dhaafay la qabtay shaqooyin dhidibada u taagay dhismaha dhaqaalaha dhijitaalka ah. Raisul wasaare kuxigeenka ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada waxa uu ku yidhi''waxaan maanta qabanay bandhig iyo siminaar ku saabsan socdaalka isbadalka dhijitaalka ah ee Itoobiya iyo hindisayaasha". Waxa uu sheegay in tan iyo maalintii uu isbedelku dhacay ee 2012kii ay dawladdu fulisay hawlo u sahlaya dalkeena in uu ka faa’iidaysto fursadaha horumarinta tignoolajiyada ee Istaraatiijiyada Digital Ethiopia 2025ka. Wuxuu sheegay in iyadoo la ballaarinayo kaabayaasha dhijitaalka ah, nidaamka maaliyadeed iyo lacag-ku bixinta uu si xawli ah u korayo. Waxa kale oo uu xusay inay kordheen ka qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay ee casriyaynta iyo digital-garaynta adeegyada dawladda. Wuxuu xaqiijiyay in dowladdu ay sii wadi doonto shaqada ay billowday si howlaha isbeddelka dhijitaalka ah ay u noqdaan kuwo isku xiran, loo sugo, aysan u horseedin khasaare hantiyeed, loo xaqiijiyo faa'iidada muwaadiniinta. Waxa uu sheegay in la dhamaystireyo hirgalinta isbadalka dhijitaalka ah ee ugu horeeyaysidok kale waxa uu tilmaamay in la dhamaystirayo diyaarinta Istaraatiijiyada Digital Ethiopia edition 2030 ee la fulin doono 5ta sano ee soo socota. #WAKAALADA_WARARKA_ITOOBIAY #ITOOBIYA
Barnaamijka Ethio-Coders ee Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ka faa'iidaysanaysa dhalinyarao badan
Jan 1, 2025 238
Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 23/2017 (ENA): Masuuliyiinta Xafiiska Curinta iyo Tiknoolojiyada, Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo Abuurka, Kuliyadda xirfadaha kala duwan ee Jigjiga iyo xubno ka socday Wasaaradda Curinta iyo Tiknoolojiyada ee JDFI ayaa soo kormeeray geedisocodka barnaamijka Ethio-Coders ee Deegaanka Soomaalida. Kormeerkan oo daaran sidii loogu kuurgali lahaa habsami u socodka barnaamijka Ethio-Coders ayay ardaydu ku baranayaan afar xirfadood oo ay ka mid yihiin borogaraaminta moobilada, qaabka website-ka loo sameeyo, barashada caqliga macmalka ah (AI) iyo xirfado kale. Barnaamijkan oo Deegaanka Soomaalida loogu talogalay inay ka faa'iidaystaan dhalinyaro kor u dhaafaysa 350 kun oo qof ayaa socon doona muddo saddex sano ah iyadoo sanadkan ay qorsheysan tahay in dhalinyaro ka badan 88 kun ay si rasmi ah qaab onlineka ah ugu bartaan xirfadahani, iyagoo qaar ka mid ah dhalinyaradan ay dhamaystireen xirfadihii ay baranayeen, islamarkaasina ay qaateen shahaadooyin diploma ah. Xubnaha ka socday Wasaaradda Curinta iyo Tiknoolojiyada ee JDFI oo Deegaanka Soomaalida usoo gaadhay ukuurgalida iyo geedi socodka barnaamijka, kulamo kala duwana la yeeshay xafiisyada bahwadaagta ah ee uu quseeyo barnaamijkan ayaa sheegay inay bogaadinayaan habsami usocodkiisa iyagoo intaasi ku daray in dhalinyarada lagu sii baraarujiyo barashada xirfadahan si ay uga faa'iideystaan fursadahan.
Shaqooyinka horumarinta ee socda waxay kor u qaadayaan abuurista fursadaha shaqo- Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha
Jan 1, 2025 457
Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 23/2017 (ENA): Wasaarada Shaqada iyo Xirfadaha, Itoobiya ayaa sheegtay in shaqooyinka kala duwan ee horumarineed ee ka socda dalka ay si weyn uga qayb qaadanayaan abuurista fursadaha shaqo iyo xaqiijinta horumarka waara. Wasaaraddu waxay ku hawlan tahay sidii loo horumarin lahaa xirfadaha muwaadiniinta si loo ballaariyo ka faa’iidaysiga fursadaha shaqo, iyadoo hirgelinaysa tallaabooyin dhowr ah. Wasiiru Dowlaha Shaqada iyo Xirfadaha, Salamuun Sokaa, oo u waramay Wakaaladda Wararka ee Itoobiya (ENA), wuxuu sheegay in nidaamka xogta suuqa shaqada ee Itoobiya la casriyeeyay si loo fududeeyo hubinta iyo xaqiijinta xirfadaha shaqo ee dibadda. Wuxuu tilmaamay in gudaha dalka la abuuray jawi ku habboon oo lagu abuuro fursado shaqo, taasoo natiijooyin wanaagsan dhalisay. Waxa kale oo uu xusay in shaqooyinka horumarinta heer qaran ay si weyn uga qayb qaadanayaan abuurista fursadaha shaqo. Gaar ahaan, dhalinyarada ayaa ka faa'iidaysanaya baraha xirfadaha teknoolajiyadaha kuwaasoo dhan 5 milyan oo dhalinyaro ah, iyadoo lagu booriyay inay qaataan tababarradaas si loo kordhiyo baahida xirfadaha caalamiga ah. Dhinacyada la xiriira ilaha horumarinta, kobcinta wax-soo-saarka xilliga xagaaga, iyo kobcinta warshadaha gudaha Itoobiya ayaa dhammaantood qayb ka ah dadaallada lagu abuurayo fursado shaqo. Wuxuu sheegay in tababarro gaagaaban oo xirfadeed la bixinayo si ay looga faa'iidaysto fursadaha shaqo, taas oo fursad siinaysa muwaadiniinta inay ku horumariyaan xirfadahooda shaqo si heer caalami looga aqoonsado xorfadooda iyagoo helaya shahaadooyin heer caalami ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay inay tahay in muwaadin kasta uu ugu yaraan yeesho hal xirfad, si ay ugu fududaato inay ka faa’iidaystaan fursadaha shaqo ee gudaha iyo dibadda. Ugu dambayntii, waxa kale oo uu tilmaamay in hirgelinta qorshahan "hal badeeco, hal aag" iyo suuqgeynta wax-soo-saarka si loo abuuro bulsho isku dhafan oo awood dhaqaale iyo siyaasadeedba leh ay ka mid yihiin waxyaabaha xoogga la saarayo.
Adeegyo casriga ah oo qayb ka ah Suuqa Shaqada Itoobiya ayaa la daah-furay
Dec 23, 2024 271
Addis Ababa, Xorrey/Tahsaas 14/2017 (ENA): Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha, Mufarixaat Kaamil, ayaa ku dhawaaqday bilowga adeegyo cusub oo casro ah oo ka caawin doona horumarinta suuqa shaqada iyo xirfadaha ee gudaha dalka. Wasiirka ayaa ku xustay barteeda baraha bulshada in adeegyada cusub ay ka kooban yihiin mareeg Qaran oo Shaqada abuurka ah iyo Bangiga Fikradaha iyo Xirfadaha, oo loo abuuray si loo fududeeyo isu keenidda fursadaha shaqo iyo hal-abuurka bulshada. Bogga Qaranka ee Shaqada, oo hadda shaqeynaya, waa nidaam u fududeynaya muwaadiniinta inay hal meel ka helaan fursadaha shaqo ee gudaha dalka, kuwa caalamiga ah, iyo shaqooyinka meelaha fog fog laga qaban karo. Bangiga Fikradaha iyo Xirfadaha ayaa sidoo kale u oggolaanaya muwaadiniinta leh hal-abuur iyo xirfado inay fikradahooda iyo xirfadahooda ku soo bandhigaan, oo suuqa ay ku soo bandhigaan, una abuuraan shaqo iyagoo kaashanaya nidaamkan. Adeegyadan cusub ayaa la sheegay inay qayb ka yihiin dadaallada lagu hagaajinayo suuqa shaqada, iyadoo lagu darayo hab cusub, casri ah, iyo mid caddaalad ah oo shaqo abuurka lagu horumarinayo. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in adeeggan uu yahay tallaabo dheeraad ah oo lagu taageerayo istaraatiijiyadda casriga ah ee Itoobiya.