Ilaalinta Deegaanka - ENA Af-Soomaali
Ilaalinta Deegaanka
Itoobiya iyo Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay iska kaashan doonaan sidii codka Afrika looga maqli lahaa Shirka Isbeddelka Cimilada
Apr 22, 2025 27
Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 13/2017 (ENA): Itoobiya iyo Guddiga Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay inay iska kaashan doonaan sidii codka Qaaradda Afrika looga maqli lahaa shirka labaad ee isbedelka Cimilada Afrika. Labada dhinac ayaa yeeshay kulan ay dib u eegis ugu sameynayaan howlaha socda si loogu diyaar garoobo shirka isbeddelka cimillada ee ka furmaya Itoobiya. Intii ay socotay dooddu waxay Itoobiya iyo guddigu is waydaarsadeen fikrado ku saabsan diyaargarowga istiraatijiyadeed ee shirka. Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta ayaa tilmaamtay in uu socdo diyaar garowga lagama maarmaanka u ah in la xaqiijiyo in shirka labaad ee isbedelka Cimilada Afrika uu yahay dhacdo xal waara u heli doonta caqabadaha isbedalka cimilada ee qaaradda. Dawladda Itoobiya iyo guddiga Midowga Afrika ayaa ka wada shaqeynaya sidii shir madaxeedka uu u yeelan lahaa doodo dhaxal gal ah oo wax badan ka bedeli kara. Sida lagu sheegay xogta wasaaradda, shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii codka Afrika loo maqli lahaa iyo in la abuuro madal lagu dhisayo u adkaysiga isbeddelka cimilada iyo dajinta istaraatiijiyad lagu xaqiijinayo horumar waara. Shirkii labaad ee isbedelka Cimilada Afrika ayaa lagu qaban doonaa Addis Ababa bisha Kooxdin/Maskaram 2018 T.I.
Roobab waxtar leh ayaa la saadaaliyay in ay ka da'aan deegaanada muhiimka u ah xilliga gu'ga
Apr 22, 2025 27
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 14/2017 (ENA): Machadka Saadaasha Hawada ee Itoobiya ayaa shaaciyey in sawirrada saadaasha hawada ee roob bixinaya tobanka maalmood ee soo socda ay muujinayaan in roobabku uu sii socon doono, isla markaana ay ka da’i doonaan inta badan deegaanada dalka ee waxtarka u leh xilliga gu’ga. Machadku waxa uu arrintan ku sheegay warbixin uu ku faafiyey saadaasha cimilada ee muddada u dhaxaysa Duugato/Miyaasiya 13 ilaa 22, sanadkan 2017 T.I., Warbixintaas ayaa lagu xusay in sawirrada saadaasha hawada ee tobanka maalmood ee soo socda ay muujinayaan sii socoshada roobabka xilliga gu’ga ee muhiimka u ah nolosha bulshada iyo wax-soo-saarka dalka. Si kastaba ha ahaatee, machadku waxa uu intaa ku daray in maalmo kala go'an ay jiri doonaan cimilo qalalan. Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in daruuro farabadan laga filayo koonfurta, koonfur-galbeed, galbeedka, bariga iyo dooxada Rifty-ka ee dalka. Sidaa darteed, waxaa la filayaa in deegaanada ku yaalla dhul-beereedka xilliga gu’ga ay heli doonaan roobab fudud oo dabooli doona qaybo badan oo dhulkooda ah, sida uu sheegay machadka.
Madal dhir-beerista saaxiibtinimada Itoobiya-Pakistan ayaa la qabtay
Apr 21, 2025 31
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 13/2017 (ENA): Xaflad dhir-beeris ah oo loogu magac daray Dhir-beerista Saaxiibtinimada Itoobiya-Pakistan ayaa lagu qabtay Jaamacadda Sialkot, halkaasoo uu goobjoog ka ahaa Safiirka Itoobiya ee Pakistan, Jamaal Beker (PhD). War kasoo baxay safaaradda ayaa tilmaamaya in in ka badan 1,000 arday iyo xubno ka tirsan bulshada waxbarashada sare ee dalkaasi ay ka qaybqaateen munaasabadda. Danjire Jamaal (Dr.) ayaa munaasabadda ka sheegay in barnaamijka dhir-beerista ee Itoobiya ay waday sanadadii la soo dhaafay uu tusaale fiican u yahay la dagaalanka isbedelka cimilada. Waxa uu sidoo kale xusay in Itoobiya ay la shaqeyso hay’adaha Pakistan si ay ugu faafiso khibraddeeda dhanka la dagaalanka isbedelka cimilada. Danjiruhu waxa uu sheegay in lixdii sano ee la soo dhaafay, Itoobiya ay beertay in ka badan 40 bilyan oo geed, taasoo qayb ka ah dadaallada wax looga qabanayo isbedelka cimilada. Barnaamijkani waxa uu horseeday kobcinta deegaanka, ballaarinta kaymaha, iyo abuurista fursado shaqo oo ballaaran, gaar ahaan dhanka beeraha. Ugu dambeyntii, dhir-beerista saaxiibtinimada ayaa lagu sheegay in ay fursad u tahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyadoo la mideynayo dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka iyo hawada.
Isbedelka Cimilada wuxuu baahan yahay hoggaamin wadajir ah iyo tallaabooyin degdeg ah” – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr)
Apr 18, 2025 73
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 10/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in isbeddelka cimilada uu yahay dhibaato caalami ah oo u baahan hoggaan wadajir ah iyo qaadashada tallaabooyin degdeg ah si wax looga qabto. Dr. Abiy wuxuu hadalkan ka jeediyay shirweynaha P4G ee 2025 oo ka dhacay dalka Fiitnaam, kaas oo halku-dhigg looga dhigay ah "Isbedel Cagaaran oo Waara oo Dadka Dhex-dhexaad ka dhigay." Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu uga mahadceliyay dowladda Fiitnaam soo dhaweynta wanaagsan iyo qabanqaabada shirkan muhiimka ah, isaga oo farriin u gudbiyay ka qeybgalayaasha ku saabsan la-dagaalanka isbeddelka cimilada iyo wax ka qabashada arrimaha la xiriira. Shirkan P4G ee 2025 ayaa diiradda saaray xoojinta horumarinta cagaaran, kobcinta iskaashiga cusub, iyo xaqiijinta yoolalka horumar waara. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in maalmahan danbe la arkay awoodda midnimada iyo kala-duwanaanta si loo gaaro yoolal wadajir ah. Dr. Abiy wuxuu carabka ku dhuftay in mashruucyada P4G ay leeyihiin natiijooyin muuqda oo wax-ku-ool ah, isla markaana ay haystaan awood ay ku sii xoojiyaan isbeddelka. Wuxuu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay si rasmi ah u codsatay inay martigeliso shirweynaha shanaad ee P4G ee 2027, iyadoo ku hanweyn in ay si wanaagsan u qaban doonto. Shirka 2027-ka ee Itoobiya martigelin doonto, ayaa la qorsheeyay in lagu xoojiyo warshadaha cagaaran, wax ka qabashada isbeddelka cimilada, horumarinta dhallinyarada iyo haweenka, iyadoo isbeddelka cagaaran lagu saleeyn doono sidii qalab muhiim ah. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale xusay in Itoobiya ay ka mid tahay dalalka sida weyn ugu nugul isbeddelka cimilada, balse ay muujinayso dadaal dhab ah oo wax lagaga qabanayo. Wuxuu tilmaamay in qorshaha Itoobiya ee ilaalinta deegaanka uu si buuxda ula jaanqaadayo ajandaha Qaramada Midoobay ee 2030 iyo ajandaha Midowga Afrika ee 2063, isaga oo xusay in Itoobiya ay diyaar u tahay hirgelinta nidaam wax-ku-ool ah oo ka hortaga cawaaqibka isbeddelka cimilada marka la gaaro 2050. Waxay Itoobiya dejisay istaraatiijiyad dhaqaale cagaaran, barnaamijyo qaran oo cagaaran, iyo kobcin joogto ah oo dhanka tamarta la cusboonaysiin karo ah, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dhisidda mustaqbal cagaaran. Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in waddan keliya uusan awoodin inuu xalliyo dhibaatooyinka cimilada, sidaas darteedna xal u helidda arrintan ay u baahan tahay hoggaan caalami ah iyo is-kaashi degdeg ah.
Shirka Madasha Saadaasha Cimilada Geeska Afrika ayaa ka furmaya Addis Ababa
Apr 17, 2025 60
Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 8/2017 (ENA):-Shirka 70-aad ee Madasha Aragtida Cimilada Geeska Afrika (GHACOF-70) ayaa ka furmaya Addis Ababa Miicaad/Ginboot 11 iyo 12, 2017 t.i, waxaana madasha lagu qabtaa mawduuca "Adeegyada Cimilada: Xoojinta Awoodaha Digniinta Hore ee Wadajir." Madashan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay urur goboleedka IGAD oo ay ka mid tahay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha cimilada iyo saadaasha cimilada ee ICPAC oo kaashanaysa hay’adaha horumarinta. Urur goboleedka IGAD ayaa war qoraal ah oo ay u direen ENA ku sheegay in laga wadahadli doono waxqabadka saadaasha cimilada ee muddada u dhaxaysa Cirir ilaa Miicaad 2025 t.y; iyana in saadaasha cimilada gobollada June ilaa Sebtembar 2025 lagaga dhawaaqi doono madasha. Waxa kale oo jiri doona dood ku saabsan faa'iidooyinka saadaasha cimilada iyo xeeladaha maamulka. Madashu waxay kulmin doontaa wadamada xubnaha ka ah IGAD, cilmi-baarayaal, siyaasad-dejiyayaal, bah-wadaagta horumarinta, iyo daneeyayaasha. IGAD ayaa ku dhawaaqday in saadaasha cimilada iyo aqoon-is-weydaarsiyada la xiriira la qaban doono ka hor madasha ugu weyn. Gabagabadii, waxaa xusid mudan in shirkii 69-aad ee Saadaasha Cimilada Geeska Afrika lagu qabtay Adis Ababa Dharabley/Maskaram 2017.
Waa ina qaado tallaabooyin lagu ilaalinayo deegaanka— Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
Apr 16, 2025 76
Waa in la qaado tillaabooyin deg-deg ah oo lagu ilaalinayo deegaanka iyadoo lala dagaallamayo luminta noolaha iyo xaalufka dhulka. Tan waxaa ka mid ah maalgelinta hawlaha guud sida raadka cagaaran, si loo xaqiijiyo faa'iidooyinka iyo sinnaanta ee bulshooyinka.
Shaqsiyaad ku kaadiyay hareeraha waddooyinka ayaa lagu ganaaxay 100,000 birr
Apr 16, 2025 74
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 8/2017 (ENA): Maamulka Magaalada Addis Ababa ayaa shaaciyay in 50 qof oo lagu qabtay iyagoo ku kaadinaya meelaha dadweynuhu maraan sida suuqa Markaato iyo meelo kale, gaar ahaan agagaarka xarumaha dadku isugu yimaadaan, mid walba lagu ganaaxay 2,000 birr, taasoo guud ahaan ka dhigaysa 100,000 birr. Masuulka ka tirsan waaxda kormeerka iyo fulinta xeerarka magaalada ayaa sheegay in tallaabadan lagu qaaday dadka jebiyay xeerka lambarkiisu yahay 167/2016, kaas oo mamnuucaya in si furan waddooyinka loogu kaajo ama loo wasakheeyo. Wuxuu sidoo kale xusay in ol’ole wacyigelin ah oo baaxad leh laga sameeyay qaybo kala duwan oo bulshada ah si loo gaarsiiyo muhiimadda nadaafadda iyo ilaalinta bilicda magaalada. Tallaabooyinka fulinta sharciga ayaana si adag u sii socon doona, sida ay xaqiijiyeen maamulka magaaladu.
Shir wax ku ool ah oo ku saabsan isbeddelka cimilada ayaa loo diyaargaroobayaa in lagu qabto Itoobiya
Apr 11, 2025 66
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 3/2017 (ENA): Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Itoobiya ayaa sheegtay in diyaar garow lagu jiro si si hufan loo qabto shirweynaha labaad ee Afrika ee isbeddelka cimilada. Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dr. Fitsum Asafaa iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Gedhiyoon Timootiwoas ayaa yeeshay wadahadal la xiriira qabsoomidda shirkan, iyadoo ay weheliyaan Guddoomiyaha Beeraha iyo Horumarinta Miyiga ee Komishinka Midowga Afrika Moosas Filakati. Wadahadalkaasi waxaa lagu caddeeyay in shirkaasi uu qayb ka noqon doono dadaallada lagu horumarinayo ajandaha Afrika ee isbeddelka cimilada. Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay inay si wadajir ah u shaqeeyaan si shirkaasi uu u noqdo mid miro dhal ah. Sidoo kale, waxaa la sheegay in shirkaasi uu muhiim u yahay xallinta saameynta taban ee isbeddelka cimilada hawada, isla markaana uu gacan ka geysan doono horumarka waara ee dalka. Intaa waxaa dheer, shirka ayaa loo arkaa fursad weyn oo lagu mideeyo codka Afrika si si wadajir ah loola tacaalo caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada. Shirka labaad ee Midowga Afrika ee isbeddelka cimilada ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Addis Ababa bisha Kodxin/Maskerem ee foodda inagu soo haysa.
Roob ka badan midka caadiga ah ayaa laga filayaa inay ka da'aan Itoobiya iyo toddoba dal oo kale oo Bariga Afrika ah
Apr 10, 2025 67
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 2/2017 (ENA): Adeegga Warbixinta Cimilada Bariga Afrika (ICPAC) ayaa sheegtay in roob ka badan kan caadiga ah la filayo inuu ka da’o Itoobiya iyo toddoba dal oo kale oo Bariga Afrika ah. Sida ay tilmaamayso saadaasha cimilada ee siddeeda maalmood ee soo socda, waxaa la filayaa in dalalka Bariga Afrika ay helaan roobab heerkiisu sareeyo, dhexdhexaad ah iyo xitaa kuwo hooseeya, marka la barbar dhigo heerarka roob ee caadiga ah. Roobkan ayaa si gaar ah looga filayaa koonfurta iyo bartamaha Itoobiya, koonfurta Suudaan, Yugaandha, Ruwandha, Burundi, galbeedka Tansaaniya, qaybo badan oo Kenya ah, iyo koonfurta Soomaaliya. Dhinaca kale, heerkul sare ayaa laga filayaa qeybo badan oo Tansaaniya ah, Soomaaliya, Jabuuti, Ereteriya, bariga Kenya, koonfurta Suudaan iyo koonfurta Soomaaliya. Waxaa sidoo kale laga digay in daadad halis ah ay dhici karaan sababtoo ah roobabka xooggan, waxaana loogu baaqay bulshada inay feejignaadaan. Ugu dambay tii, ICPAC ayaa ah hay’ad hoos timaadda IGAD, oo qaabilsan saadaasha cimilada iyo hawlo kale oo la xiriira deegaanka ee Bariga Afrika. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya
Waxaa bilowday Madashii Lixaad ee Wada-tashiga Cimilada iyo Hiigsiga Horumarka Waara ee Afrika
Apr 7, 2025 67
Addis Ababa; Cuur/Magaabiit 29/2017 (ENA): Madashi Lixaad ee Wada-tashiga Cimilada Afrika iyo Hiigsiga Horumarka Waarta ee Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Kambaala ee dalka Ugaandha. Madasha ayaa halku-dhiggeedu yahay “Maalgelinta ku aaddan Isbeddelka Cimilada ee Kobaca Cagaaran iyo Horumarka Joogtada ah Afrika waa Dacwad Caddaaladeed.” Xafladda furitaanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Horumarka Joogtada ah, Moses Vilakati, madaxda Midowga, wakiilo ka socda dalalka Afrika, siyaasiyiin, cilmi-baarayaal, hay’ado iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Xogta ay ENA ka heshay Midowga Afrika (AU) ayaa tilmaamaysa, in la tashiyo laga yeelan doono saamaynta go'aannadii ka soo baxay shirkii 29-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP29) ee lagu qabtay magaalada Baaku ee dalka Asarbayjan. Isbaheysiga ayaa sheegay in go’aannadii lagu gaaray COP29 ee ku saabsanaa maalgelinta isbeddelka cimilada aysan jawaab wanaagsan ka bixin walaaca Afrika, ayaa sheegay in dalalku ay codkooda ka dhiiban doonaan arrintan. Maxay tahay mawqifka guud ee Afrika ee shirka 30-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP30) ee lagu qabanayo Belem, Brazil sanadka soo socda, Waxaana la filayaa in laga doodo arrintan. Waxaa sidoo kale laga wada-tashan doonaa arrimaha isbeddelka cimilada ee saameeya Afrika sanadka 2024 iyo ajendaha 2025. Shir madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika iyo Guddiga Madaxda Afrika iyo Madaxda Afrika ee Isbeddelka Cimilada (CAHOSCC) ayaa dib u eegis ku sameyn doona go'aannadii laga gaaray dhimista iyo la qabsiga isbeddelka cimilada ee Addis Ababa. Hirgelinta Yoolalka Horumarin Waara ee Afrika iyo jihooyinka mustaqbalka ayaa sidoo kale ku jira ajendaha doodda. Hirgelinta mashruuca Nadaafadda iyo Nadaafadda oo xoogga saaraya biyo nadiif ah oo la cabo iyo nadaafadda bulshada ayaa loo soo bandhigi doonaa ka qeyb galayaasha, waxaana laga soo jeedin doonaa talooyin. Madashan ayaana lagu soo saari doonaa qaraar ku saabsan ka hortagga isbeddelka cimilada iyo yoolalka horumarineed ee waara. Shirka Lixaad ee Wada-tashiga Cimilada Afrika iyo Madasha Yoolalka Horumarin Waara ayaa socon doona ilaa berri.
Roobka la filayo 10-ka maalmood ee soo socda wuxuu u abuuri doonaa jawi wanaagsan oo ay beeraleydu wax ku beertaan xilliga gu’ga
Apr 2, 2025 83
Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 24/2017 (ENA): Machadka Saadaasha Hawada Qaranka ayaa sheegtay in roobka la filayo 10-ka maalmood ee soo socda uu abuuri doono xaalad ku habboon dhulka beeraleyda ee xilliga gu’ga in si wanaagsan wax loo beerto Machadku waxay fariin ay ku baahisay boggeeda baraha bulshada ku xustay in roobka la filayo uu sababi karo fatahaado, sidaas darteedna loo baahan yahay taxadar. Sida ay sheegtay hay’addu, roobka gu’ga ee la filayo wuxuu sare u qaadi doonaa qoyaanka dhulka, taasoo faa’iido u yeelan doonta wax-soosaarka beeraha iyo keydka biyaha dhulka hoostiisa ku jira. Sidoo kale, waxaa jirta khatar ah in roobka uu sababi karo fatahaado, sidaas darteedna la rabo in la nadiifiyo biyo-mareennada si looga hortago waxyeelo ka dhalata roobka. Ugu dambayntii, Machadka ayaa xusay in meelaha ay biyuhu yaraan karaan ay lagama maarmaan tahay in la qaato tallaabooyin lagu keydinayo biyaha roobka, si sare loogu qaado awoodda kaydka biyaha ee deegaanka. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Beesha caalamku waa inay taageero ku haboon siiyaan hindisayaasha waddaniga ee lagaga hortagayo isbeddelka cimillada. - Wasiir Fitsum Assefa (Dr.)
Mar 27, 2025 139
Addis Ababa; Cuur/Magaabiit 18/2017 (ENA): Wasiirka qorshaynta iyo horumarinta Dr. Fitsum Asefa, ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay taageero ku haboon siiyaan hindisayaasha wadaniga ah ee la fulinayo si looga hortago is bedelka cimilada ee wadamada kale ee soo koraya oo ay ku jirto Itoobiya. Wadatashiga Isbeddelka Cimilada St. Petersburg ee sannadka 2025 ayaa lagu qabanayo magaalada Barliin ee dalka Jarmalka, ayaa socda. Waxaa madaasha ka hadashay wasiirka Fitsum Asefa oo ka warbixisay tallaabooyinka wadaniga ah ee ay Itoobiya qaadayso si loo yareeyo loogana hortago saamaynta isbadalka cimilada. Guulaha laga gaaray raadka cagaaran ayaa lagu amaanay kulanka, waxaana lagu sheegay in hindisahaasi ay mudan tahay in la taageero oo laga fuliyo wadamada kale. Wasiirka ayaa hadalkeeda ku sheegtay in dhulka kaynta ku daboolan ee Itoobiya uu gaadhay boqolkiiba 23.6 sanadka 2023, waxa uuna ahaan jiray 6 boqolkiiba 6 sannadkii 2019 markii barnaamijka raadka cagaaran ee Itoobiya laga bilaabay. Waxa kale oo ay sheegtay in hindisahani uu ka qayb qaatay wax ka bedelka nolosha iyo hab nololeedka bulshooyinka ku dhaqan deegaanada kala duwan; Waxaana isla hidisaha lagu hirgaliyay beerista khudaar iyo geedo isku dhaf ah oo kayn ah, loona abuuray jawi wanaagsan oo beeralaydu ay u dhoofin karaan badeecado kala duwan oo ay ka mid tahay avokaadhada. Waxa kale ay sheegtay in khibradaha ka hortagga isbeddelka cimilada ee waddaniga ah aysan kaliya hoos u dhigi karin saameynta laakiin ay sidoo kale soo celin karto baahida dhaqaale ee muwaadiniinta. Waxayna ugu baaqday beesha caalamka in ay taageero dhaqaale u fidiyaan wadamada kale ee ay dhibaatada ka taagan tahay isbadalka cimilada oo ay Itoobiya ka mid tahay. Sidoo kale, Wasiir Fitsum Asefa (Dr.) ayaa wadahadal la yeelatay Selwayn Hart, oo ah la-taliyaha gaarka ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada ee xoghayaha guud ee Qlqaramada midoobay. Doodooda waxay ku sheegeen inay ka wada shaqayn doonaan geeddi-socodka qorshaynta siyaasadda isbeddelka cimilada oo ay ku jirto wareegga saddexaad ee qorshaha la-qabsiga isbeddelka cimilada. Itoobiya ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqday qorshaheeda yaraynta diqowga hawada, waxaana la tilmaamay inay ku hawlan tahay sidii ay qorshahan u soo gudbin lahayd ka hor shirka 30-aad ee Qaramada midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP 30) ee ka dhacaya Braaziil. Doodda, ayaa sidoo kale lagu sheegay in xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antoniyo Guutareez ay gaareen is-afgarad si wadajir ah u fududeynaya qaabka ay Itoobiya uga qayb-qaadan karto Shir-madaxeedka labaad ee Is-beddelka cimilada ee Afrika oo la qaban-qaabinayo kooxdin ee sannadkan. Wasiirka ayaa sidoo kale kala hadashay Paablo Vee'ira, Agaasimaha Caalamiga ah ee Kooxda taageerada qorshaha la-qabsiga isbeddelka cimilada. Sida xogta aan kuhelayno wassaaradda, agaasimuhu ayaa sheegay in ay Itoobiya ka taageeri doonaan qorshaha la qabsiga isbadalka cimilada iyo hirgalinta si uu u noqdo mid wax ku ool ah oo si guul leh loogu diyaariyo shirwaynaha labaad ee isbadalka cimilada Afrika. Wadatashiga Isbeddelka Cimilada ee St. Petersburg ee sannadka 2025-ka waxaa si wada jir ah u soo qabanqaabiyay dawladaha Jarmalka iyo Braaziil.
Go'aamadii lagu gaaray shirkii COP30 waxaa lagu taliyay in ficil loo bedelo
Mar 25, 2025 74
Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 16/2017 (ENA): Itoobiya ayaa ku baaqday in qodobadii lagu heshiiyay shirweynaha 30-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbedelka Cimilada (COP30), oo lagu qabtay Brazil, loo beddelo ficil dhab ah. Baaqaas waxaa jeedisay Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta, Dr. Fitsum Assefa, oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Berlin, Germany, oo lagu diyaarinayo shirweynaha Petersburg 2025. Wasiiradu waxay xustay in Itoobiya ay si buuxda uga go'an tahay hirgelinta ujeeddooyinka Heshiiskii Cimilada ee Paris, iyadoo ay muhiim tahay in la xoojiyo dadaalka wadajirka ah ee wax looga qabanayo saamaynta sii kordheysa ee isbedelka cimilada. Sidoo kale, waxay shaacisay in Itoobiya ay martigelin doonto shirweynaha labaad ee Afrika ee Isbedelka Cimilada bisha Sebtembar 2025, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka saameynta cimilada. Intii lagu guda jiray shirka, Wasiirka ayaa kulamo gaar ah la yeelatay Andre Korea Do Lago, Madaxweynaha COP30, iyo Simon Stiell, Xoghayaha Guud ee Heshiiska Cimilada ee Qaramada Midoobay (UNFCCC). Waxay labada mas'uul ku casuuntay inay ka qeybgalaan shirweynaha Itoobiya ay qaban doonto. Shirka hordhaca ah ee Petersburg 2025, oo ka socda Berlin, ayaa la filayaa inuu sii socdo maalinta xigta.
Awoodda sare u kacaysa ee Saadaasha Hawada ee Itoobiya
Mar 24, 2025 90
Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 15/2017 (ENA): Machadka Saadaasha Hawada ee Itoobiya ayaa sare u qaaday awooddiisa la xiriirta bixinta saadaasha cimilada iyo digniinaha hore ee la xiriira khataraha suurtagalka ah. Arrintan ayaa lagu shaaciyay xilli la xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Saadaasha Hawada, oo sanadkan markii 44-aad laga xusayo Itoobiya. Xuska sannadkan ayaa lagu qabtay halku-dhigga ah “Aan si wadajir ah u buuxinno galdaloolooyinka digniinaha hore”. Agaasimaha Guud ee Machadka Saadaasha Hawada ee Itoobiya, Fataa Tashooma, ayaa sheegay in machadku uu dadaal badan geliyay sidii ay bulshada u heli lahaayeen xog dhammaystiran oo la xiriirta xaaladdaha hawada, laga soo bilaabo saadaasha maalinlaha ah ilaa tan muddada dheer. Machadku waxa uu xoogga saaray horumarinta cududdiisa shaqaale iyo adeegsiga tignoolajiyadaha casriga ah, si loo horumariyo nidaamka digniinaha hore ee khataraha dabiiciga ah, taasoo gacan ka geysanaysa horumarka qaranka. Ugu dambayntii, xuska maalintan ayaa waxaa ka qaybgalay khubaro, madax ka tirsan hay’adaha caalamiga ah ee saadaasha hawada, iyo mas’uuliyiin sare, kuwaas oo ka wada hadlay horumarka iyo caqabadaha horyaalla qaybta saadaasha hawada ee Itoobiya.
Barnaamijaka Raadka Cagaaran oo Door Muhiim ah Ka Qaatay Badbaadada iyo Ilaalinta Kheyraadka Biyaha – Wasiir Inj. Habtamu Itefa (Dr.)
Mar 22, 2025 91
Addis Ababa, Cuur/Megabit 13, 2017 (ENA): Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Inj. Habtamu Itefa (Dr.), ayaa sheegay in Barnaamijka Raadka cagaaran uu door muhiim ah ka ciyaaray Sugida iyo ilaalinta kheyraadka biyaha. Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa u Xusaysa Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha oo sanadkan lagu xusay halku-dhegga "Fahanka iyo Ilaalinta Biyaha." Wasiirku wuxuu tilmaamay in xuska maalintan ay fursad u tahay in la gorfeeyo arrimaha la xiriira biyaha, lagana shaqeeyo ilaalintooda. Waxa uu xusay in ay lagama maarmaan tahay in si masuuliyad leh loo isticmaalo biyaha guryaha, si loo xaqiijiyo in la badbaadiyo lana xaqiijiyo in dadku si waxtar leh uga faa’iidaystaan biyaha. Sidoo kale, wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta kheyraadka biyaha ee dalka ay tahay arrin muhiim ah, ayna si dhab ah ugu xiran tahay horumarka cagaaran ee dalka. Wuxuu intaa ku daray in dadaallada ay wado itoobiya ay yihiin kuwo waxtar u leh dunida oo dhan. Isagoo ka hadlayay muhiimada maalinta caalamiga ah ee biyaha, wuxuu wasiirku sheegay in loo baahan yahay in la dhiirrigeliyo ilaalinta iyo daryeelka biyaha. Waxa uu sheegay iyada oo waddanka loogu yeero "hooyada biyaha ," ayaa ay jiritaan deegaanno u nugul abaaro iyo biyo yari. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in si hufan loo ilaaliyo loona maareeyo kheyraadka biyaha, si kor loogu qaado faa'iidada aynu ka helno. Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee biyaha waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta wasaaradda, hoggaaminta hay’adaha kala duwan, iyo marti sharaf kale. #ENA #Ethiopian_News_Agency #Ethiopia #BiyahaIyoTamarta
Dhul gariir lagu qiyaasay 5.5 ayaa ka dhacay deegaanka Canfarta
Mar 17, 2025 76
Addis Ababa, Cuur/Magaabiit 08, 2017 (ENA) — Dhulgariir lagu qiyaasay 5.5 ayaa ka dhacay deegaanka Canfarta agagaarka dhul-dillaaca wayn. Sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulk-gariirka ee Maraykanka, dhulgariirkii dhacay fiidnimadii caawa ayaa ka dhacay meel 45 Kiilomitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Awaash. Dhulgariirkii ugu horreeyay wuxuu dhacay 9:53 habeennimo, mid kalena wuxuu dhacay 12:21 habeennimo. Gariirka dhul-gariirkan oo aad u xoogganaa ayaa laga dareemay dhowr magaalo oo ay kamid tahay caasimadda Addis Ababa. In kasta oo ay todobaadyadii hore ay jirin; Dhulgariirrada ayaa la ogyahay in ay si joogto ah uga dhacayeen sannadkan agagaarka dhul-dillaaca wayn.
Maalmaha soo socda, goobo badan ayaa lagu wadaa inay helaan roob fudud iyo kuwo dhexdhexaad ah
Mar 12, 2025 113
Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 3/2017 (ENA): Maalmaha soo socda, goobo badan ayaa lagu wadaa inay helaan roobab fudud iyo mid dhexdhexaad ah, sida ay sheegtay Machadka Saadaasha Hawada ee Itoobiya. Warsaxaafadeed Machadka Saadaasha Hawada ee Itoobiya ay u soo direen wakaaladda wararka Itoobiya (ENA), machadku wuxuu sheegay in roobabka ay ka di'i doonaan koonfurta iyo bariga koonfureed ee Itoobiya, iyadoo la filayo roobab culus iyo duufaanno. Gaar ahaan, meelaha ay ka jiri doonaan duufaannada xooggan waxaa lagu wadaa inay helaan roobab badan maalmaha soo socda. Warbixinnada saadaasha hawadu waxay muujinaysaa in roobab wanaagsan ay sidoo kale heli doonaan koonfurta, bariga, iyo bartamaha Itoobiya. Sidoo kale, koonfurta, galbeedka koonfureed, badhtamaha, waqooyiga bari, iyo galbeedka Itoobiya, goobaha ay kamidka yihiin Gaambeella, Addis Ababa, Harar, iyo Diri Dhaba ayaa lagu wadaa inay helaan roob fudud iyo kuwo dhexdhexaad ah, sida uu sheegay machadku. Sida ku xusan warbixinta Machadka Saadaasha Hawada ee Itoobiya, deegaannada Gaambeella, Canfarta, Soomaalida, Benishangul-Gumus, iyo galbeedka Amxaarada ayaa lagu wadaa in bishan dhexdeeda heerkulku uu sare u kaco. Xaaladda roobabka ayaa kordhin doonta heerarka biyaha dhulka, taasoo lagu qiyaasayo inay hagaajiso diyaarinta dalagga, bixinta biyo cabitaan iyo sidoo kale biyo loogu talagalay xoolaha. Ugu dambayntii, goobaha sida Abaay, Omo Gibe, Awash, Simit Sheleko, Baro, iyo Wabi Shebele, waxaa lagu wadaa inay helaan roobab kala duwan, oo fudud iyo dhexdhexaadba.
Bulshadu waxay door muhiim ah ka ciyaartaa ka-qaybgalka ilaalinta deegaanka
Mar 5, 2025 103
Addis Ababa, Cirir/yekatit 26, 2017 (ENA) – Agaasimaha Guud ee Hay'adda Ilaalinta Deegaanka, Injineer Lelise Neme ayaa sheegtay in Bulshada oo yeelata wacyigelin ku filan waxay door muhiim ah ka ciyaari kartaa ka-qaybgalka dadaallada ilaalinta deegaanka, Wakaalada Wararka Itoobiya (ENA) iyo Hay’adda Ilaalinta Deegaanka ee Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan arrimaha la xiriira wacyigelinta ilaalinta deegaanka. Heshiiskan waxaa kala saxiixday Maareeyaha ENA, Seyfe Derbe, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ilaalinta Deegaanka, Inj. Lelise Neme. Agaasimaha Guud ayaa hoosta ka xariiqay in aanay suuragal ahayn in la hirgeliyo dadaallada ilaalinta deegaanka iyada oo aan la helin ka-qaybgalka bulshada. waxayna xustay in warbaahinta guud ay door weyn ka ciyaari karto wacyigelinta bulshada si ay u hesho wacyiga ilaalinta deegaanka. Waxay intaas ku dartay in iskaashiga ENA, oo ah warbaahin muhiim ah oo la isku halleyn karo oo dalka oo dhan laga heli karo, ay gacan ka geysan doono xaqiijinta yoolalka hay’adda. waxay sheegtay in qorshaha Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) uu bilaabay ay muhiimad u leedahay in si joogto ah loo xoojiyo dadaallada wacyigelinta bulshada si kor loogu qaado hindisayaasha ilaalinta deegaanka iyo barnaamijka Raadka Caggaaran "Green Legacy". waxay sidoo kale carabka ku adkaysay in iskaashigan ENA lala yeeshay uu gacan ka geysan doono baahinta hindisayaasha Ilaalinta Deegaanka ee Itoobiya si loo gaarsiiyo dhammaan bulshada. Maareeyaha ENA, Seyfe Dharbe, ayaa dhankiisa ballanqaaday in ENA ay dadaal ku bixin doonto baahinta warar iyo barnaamijyo kala duwan ee kor u qaadaya wacyiga bulshada ee ilaalinta deegaanka. Wuxuu xusay in ENA ay dhowaan bilowday baahinta macluumaad luqado kala duwan si ay u gaarto balshada kala duwan, taasoo gacan ka geysanaysa hirgelinta yoolalka hay’adda.
Japan oo bixisay $7.2 milyan si loo xoojiyo la-dagaallanka isbeddelka cimilada iyo horumarinta wax-soosaarka beeraha
Feb 25, 2025 124
Addis Ababa, Cirir/ Yakaatiit 18/2017 (ENA): Japan ayaa taageero lacageed oo gaaraysa $7.2 milyan siisay Itoobiya si loo caawiyo deegaannada ay colaadaha waxyeelleeyeen, loo xoojiyo dadaallada ka dhanka ah isbeddelka cimilada, loona horumariyo wax-soosaarka beeraha. Taageeradan ayaa lagu fulinayaa mashaariic muddo afar sano ah ka socda kilillada Amxaarada, Tigray, iyo Canfarta. Japan waxay mashaariicdan u hirgelin doontaa iyada oo la kaashanaysa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee JICA, hay’adda cuntada adduunka (WFP), iyo Wasaaradda Beeraha ee Itoobiya. Mashruucan oo diiradda saaraya ka hortagga cawaaqibka isbeddelka cimilada iyo horumarinta horumarka deegaanka ayaa lagu maalgelin doonaa lacag dhan $7.2 milyan.
Wax yar oo ku saabsan taxaddarrada ay tahay in la sameeyo haddii uu dhaco dhulgariir:
Feb 24, 2025 130
Haddii aadan guri dhex joogin: 👉Ka fogow geedaha, daaraha, tiirarka korontada iyo waxyaabaha kale ee soo dhici kara waxyeeladana keeni kara, joogna meel banaan ah. Haddii aad guriga dhex joogtid: 👉 ka fogoow daaqadaha, geesaha gidaarrada iyo marinnada. 👉 Ka fogow meelaha dabka lagu shido, xargaha sudhan iyo qurxinta gidaarada, shelfyada buugaagta, iyo meelaha daaqadaha. 👉 Dami shooladaha gaaska sida ugu dhaqsaha badan, haddii kale ka fogow aagga. Haddii aad ku jirto dhismo weyn: 👉 Aan isku dayin inaad ka baxdo dhismayaasha, waligaa ha isticmaalin wiishka. Ka fogow jaranjarada. Haddii aad gaadhi wadato: 👉 Ha istaagin meel u dhow tiirarka gudbinta korontada, geedaha iyo fiilooyinka. 👉Ha isku dayin in aad ka degto baabuurka haddii xadhkaha korontada iyo fiilooyinka ay ku dhacaan baabuurka. 👉Baabuurka dhig meel bannaan ah sida ugu dhakhsaha badan. Waxa la ogyahay In dhulgariirrada isdaba joog ah uga dhacaan dalkeena Awash Fentaale sanadkan; Taas oo la xasuusan yahay in machadka Geology-ga Itoobiya uu wado daraasad iyo cilmi baadhis aad u balaadhan. Waxa uu gudbinayey fariimo ku saabsan taxadarka loo baahan yahay in la sameeyo haddii uu dhul-gariir dhaco isagoo si joogto ah ula tashanaya dhinacyada ay khuseyso. Maanta oo ay taariikhdu tahay Cirir/Yakaatiit 16/2017 saacadu markay tahay 2:44 PM waxaa la xasuustaa in hay’adda sahanka dhulka ee Maraykanka ay shaacisay in dhul gariir lagu qiyaasay 5.3 uu ka dhacay magaalada Addis Ababa.