Dhaqaalaha - ENA Af-Soomaali
Dhaqaalaha
Wafdiga Heerka Sare ah ayaa Ku Guda jira Booqasho lagu Xoojinayo Iskaashiga Beeraha ee Itoobiya iyo Baraasiil
Apr 23, 2025 20
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 15, 2017 (ENA) – Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha, Dr. Meles Mekonnen, ayaa booqasho shaqo ku jooga dalka Baraasiil. Wafdigan ayaa isugu jira Xubno ka socda Wasaaradda Beeraha, hay’adaha hoos yimaada wasaarada, Machadka Caalamiga ah ee Cilmi-baarista Xoolaha, iyo Bangiga Adduunka. Wafdiga ayaa wadahadal la yeeshay Marcel Moreira oo ah ku xigeenka xoghayaha ganacsiga iyo xiriirka caalamiga ee Brazil. Xogta laga helayo Wasaaradda Beeraha,ayaa tilmaamaysa in ujeeddada booqashadani ay tahay in la is dhaafsado khibrado waayo-aragnimo oo ku saabsan fidinta iyo cilmi-baarista beeraha, lana xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA #Beeraha
Hawlaha Dal dhiska, Qurxinta, iyo Casriyeynta Ayaa Si Balaadhan U Sii Socon Doona – Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (D.r)
Apr 23, 2025 16
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 15, 2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed (PhD) ayaa sheegay in dadaallada dib loogu dhisayo, lagu qurxinayo, loona casriyeynayo dalka ay u sii socon doonaan si baxaad leh. Shalay, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu booqday Mashruuca Horumarinta Marrinada ee xaafada Kazanchis ee magaalada Addis Ababa. Wuxuu xusay in dhowr bilood ka hor xaafadda Kazanchis ay ahayd meel si weyn u dayacan oo aan muuqaal wanaagsan lahayn, isla markaana aan ku habboonayn nolol. Wuxuu sheegay in wejiga labaad ee Mashruuca Horumarinta marrinada uu billowday, kaasoo uu Kazanchis qeyb ka ahayd, wuxuuna tilmaamay in horumarka laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu yahay mid si weyn u taabanaya. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay inuu booqday goobaha ay deggan yihiin dadkii laga raray Kazanchis. Markuu barbar dhigay xaaladoodii hore iyo ta hadda, wuxuu caddeeyey in heerka noloshoodu uu si weyn u isubadashay. Dadkii laga raray ayaa iyaguna xaqiijiyey in guryahooda cusub iyo xaaladdooda nololeed ay ka wanaagsan taay tii hore. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carabka ku adkeeyey in casriyeynta, dib u habaynta, iyo horumarka lagu gaadho ee Dal kasta ay ku yimaadaan dadaallo sidan oo kale ah. Wuxuu faahfaahiyey in magaalooyinka casriga ah lagu garto cagaarnaanta iyo nadaafada. Wuxuu xusay in si muwaadiniinta magaalada uga gudbaan xaalad adag uguna gudbaan nolol wanaagsan oo Ku haboon ay u baahan tahay dadaal joogto ah iyo go'aan adag. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la fahmo in dhisidda dal barwaaqo ah—si carruurteennu ay ugu noolaadaan dal horumarsan—ay tahay in dadaal dheeraad ah la galiyo. Wuxuu adkeeyey in sii wadidda shaqada dhismaha, qurxinta, iyo casriyeynta dalku in ay muhiim u tahay sidii looga dhabayn lahaa riyooyinkeenna iyo himilooyinka dal. Sidoo kale, wuxuu Ku booriyay hoggaaminta heerarka kala duwan inay ku dadaalaan in si ficil ah oo hal abuurnimo, degdegsiimo leh u shaqeeyaan. Ugu dambeyntii, wuxuu carrabka ku adkeeyey in dadaalku muhiim yahay, wuxuuna sheegay in hawlo taabo gal laga dhigo,in ay tahay in qoshaha horumarka xiga la bilaabo. #Ethiopia #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA
Horumarka Jidadka ee Addis Ababa iyo Mashaariicda Kale Waa Tusaale ay Qaaradaha Afrika Ka Faa’iidaysan Karaan – Martida Afrikaanka ah
Apr 23, 2025 18
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 15, 2017 (ENA) – Marti Afrikaanka ah ee booqatay mashaariicda horumarka Marrinada iyo mashaariicda waaweyn ee ka socda magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in ay tusaale wanaagsan u noqon karaan dalalka kale ee Afrika. Waxay sidoo kale xuseen in Addis Ababa ay qaadaysay tallaabooyin muuqda oo ay ku noqonayso xarun dalxiiska iyo shirarka ee Afrika. Ka qaybgalayaashii Shirweynihii Alxanka Afrika ee ay soo qabanqaabiyay Itoobiya ayaa booqday mashaariic horumarineed ee kala duwan ee laga hirgeliyay Addis Ababa. Mashaariicda ay booqdeen waxaa ka mid ahaa horumarinta Marinada maggaalada, Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Africa, iyo xuska Guushii Adwa – kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo aad u sareeya. Waxay sheegeen in magaaladu ay si xawli ah u horumarayso. Professor Hamed Abdel Halim oo u dhashay Masar ayaa u sheegay ENA in uu la dhacay horumarka baaxadda leh ee ka socda magaalo Afrikaan ah sida Addis Ababa. Wuxuu sheegay in dhismayaasha quruxda badan ee laga dhisay magaalada, horumarinta jidadka, iyo mashaariicda kale ay sare u qaadeen soo jiidashada magaalada. Sidoo kale, Ayo Adeniyi oo u dhashay Uganda ayaa xusay in Xusuusta Guushii Adwa iyo Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Africa ay muujinayaan sharafka qaaradda Afrika. Wuxuu sheegay in Xusuusta Guushii Adwa si qurux badan u muujinayso taariikhda Itoobiya, isla markaana ay Astaan u tahay dhaxalka wadajirka ah ee Afrika, taas oo dhiirrigelin karta horumarka qaaradda dhan. Wuxuu intaa ku daray in Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Africa ay buuxisay heerarka caalamiga ah ee looga baahan yahay xarun weyn oo loogu talagalay dalxiiska shirarka, martigelinta, iyo bandhigyada. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mashaariicdan horumarineed ay yihiin aragti fog oo tusaale u noqon kara dalal kale oo Afrikaan ah. Confidence Lekwane oo u dhalatay Koonfur Afrika ayaa iyaduna xustay in Itoobiya si firfircoon uga shaqaynayso in ay noqoto xarun dalxiiska iyo shirarka. Waxay muujisay sida ay ugu riyaaqday aragtida ah in Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Africa laga dhisay dhulka Afrika. Shoten Sechiwa oo isna u dhashay Koonfur Afrika, kana uu yahay safarkiisii saddexaad ee Addis Ababa, ayaa sheegay inuu arkay mashaariic horumarineed oo ballaaran oo ka socda magaalada. Wuxuu sidoo kale ammaanay dhismayaasha badan ee la dhisay, wadooyinka cusub, iyo bilicda nadiifta ah ee magaalada oo soo jiidasho leh. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA #Itoobiya #Horumarinta Marrinada #Horumar
Waxaa Adeeg Koronto helay 1,382 Magaalooyin Miyiga ah iyo Tuulooyin – Shirkadda Korontada Itoobiya
Apr 23, 2025 21
Addis Ababa, Abriil 15, 2017 (ENA): Shirkadda Korontada Itoobiya ayaa sheegtay in, kaddib dib-u-habaynta qaranka, 1,382 magaalooyin iyo tuulooyin miyiga ah ay heleen adeeg koronto. Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ENA, Madaxa Isgaarsiinta ee shirkadda , mudane. Melaku Taye, ayaa sheegay in tallaabooyin kala duwan la qaaday si loo horumariyo helitaanka adeegga korontada intii lagu guda jiray dib-u-habaynta. Wuxuu si gaar ah u xusay in dadaallada lagu gaarsiinayo koronto tuulooyinka iyo magaalooyinka miyiga ah ay natiijooyin muhiim ah keeneen. Tusaale ahaan, sannadihii dib-u-habaynta, waxaa Shirkada korontada lagu xidhay 1,382 magaalooyin iyo tuulooyin cusub oo miyiga ah. Wuxuu sheegay in tirada macaamiisha diiwaangashan ee adeegga korontada ay markii hore ka yarayd 3.2 milyan, balse hadda ay dhaaftay 5 milyan—wuxuu arrintan ku tilmaamay mid guul ah. Mudane. Melaku wuxuu carrabka ku adkeeyay in ballaarinta adeegga korontada ay tahay mid u baahan in la sii wado. Wuxuu si gaar ah u sheegay in deegaannada ka fog xarumaha dhexe ee korontada lagu gaarsiinayo addeega koronto iyada oo la adeegsanayo tamarta qoraxda, taas oo natiijo fiican laga helay. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in kaabayaal duugoobay ay sababeen go'naansho joogto ah oo adeegga ah iyo cabashooyin badan oo ka yimaada macaamiisha, maadaama aysan dabooli karin baahida maanta jirta iyadoo ay muddo dheer shaqaynayeen. Si xal waara loogu helo arrintan, waxa uu sheegay in la adeegsanayo dakhliga shirkadda iyo taageero maaliyadeed oo ka timid la-hawlgalayaal horumarineed si ay u fuliso mashruucyo dib-u-dhis iyo casriyeyn ah oo baaxad leh oo ka socda magaalooyin waaweyn. Wuxuu xusay in wejiga koowaad ee mashruucyadan dib-u-dhiska iyo casriyeynta ah laga hirgeliyay magaalooyinka Addis Ababa, Diridhaba, Adama, Mekelle, Bahir Dar, iyo Jimma. Sidoo kale, mashruucyo la mid ah ayaa laga waddaa lix magaalo oo kale—Wolaita Sodo, Harar, Shashemene, Debre Markos, Gondar, iyo Kombolcha. Mudane. Melaku wuxuu sharraxay in marka la dhammeeyo casriyeynta iyo dib-u-dhiskaasi, ay suurto-gelin doonto in macaamiisha ay helaan adeeg koronto oo la isku halleyn karo. Si kor loogu qaado qanacsanaanta macaamiisha, shirkaddu waxay adeegsanaysaa xeelado xal ah oo ku saleysan cilmi-baaris. Wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in shirkaddu ballaarinayso adeeg taleefan ah oo lagu ururiyo ra’yi-celinta macaamiisha si wax looga qabto caqabadaha maamulka. Wuxuu ugu baaqay macaamiisha inay si firfircoon uga qayb qaataan oo ay soo gudbiyaan aragtidooda si shirkaddu u horumariso adeeggeeda. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA #Ethiopia
Dadaalka xasilinta suuqa ayaa hoos u dhigay sicir bararka ilaa boqolkiiba 13.6– Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Gobolka
Apr 23, 2025 16
Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 15/2017 (ENA): Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Gobolka Dalka ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guulaysteen in ay hoos u dhigaan sicir-bararka oo ay gaarsiiyeen 13.6% kadib waxqabadyo ay sameeyeen oo lagu xasilinayo qiimaha maciishadda iyo daryeelka muwaadiniinta. Wasiiru-dawlaha Ganacsiga iyo Iskaashiga Gobolka, Cabdulxakiim Mulu (Dr.), ayaa ENA u sheegay in Awooda fulinta ee dawladu sagaalkii bilood ee ugu horeysay sanad miisaaniyeedka 2017 ay muujisay horumar dhinac walba ah. Wasaaraddu waxa kale oo ay sheegtay in 5.3 bilyan oo doollarka Maraykanka ah ee dakhliga dhoofinta la soo saaray sagaalkii bilood ee ugu horreeyey sannad-maaliyadeedka, Waxuuna xusay in waxqabadku uu ahaa mid aad u sareeya marka loo eego isla mudada sanadka iyo qorshaha; Sidaas darteed, wuxuu sheegay in dowladdu ay waddo howlo lagu xaqiijinayo daryeelka muwaadiniinta iyadoo iska caabineysa saameynta caalamiga ah. Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in dowladdu ay wax badan ka qabatay daryeelka shacabka iyo in la fududeeyo culeyska nolosha, Waxa uu sheegay in taasi ay keentay natiijooyin la taaban karo. Wuxuu sheegay in sicir bararka la gaarsiiyo 13.6% iyadoo dadaal badan loo galay sidii loo xasilin lahaa qiimaha maciishada oo caqabad ku ah muwaadiniinta Itoobiya. Waxa ay sheegeen in uu aad u hooseeyo marka loo eego sanadkii hore 29 boqolkiiba. Waxa kale oo uu sheegay in sicir-bararka lagu yarayn karo in wax soo saarka beeraha la kordhiyo iyadoo la adeegsanayo farsamaynta iyo xoojinta beeraha, horumarinta dhaqanka shaqada, samaynta hindiseyaal horumarineed oo kala duwan, iyo toosinta saadka. Ugu danbayntii, wasiiru dawlaha ayaa sheegay in sicir bararka lagu xakameeyay in tallaabo maamul iyo mid sharciga waafaqsan laga qaado shaqsiyaadka iyo hay’adaha ku howlan ganacsiga iyo tahriibka, iyana in tallaabo maamul iyo mid sharciga waafaqsan laga qaaday 512 Kaalmo Shidaal oo si sharci darro ah ku shaqeynayay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay.
Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha hay’adaha kala duwan oo ay ka mid tahay wasaaradda maaliyadda ayaa booqday Horumarinta marinada laga hirgeliyay xaafadda Kaasaanjiis
Apr 23, 2025 7
Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 15/2017 (ENA): Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adaha ay khusayso iyo sidoo kale Maal-gashiga iyo hay’adaha ay xidhiidhka la leeyihiin ayaa booqasho ku tagay Waddada Kasaanjiis. Waxaa la sheegay in mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha ay booqdeen dhismaha Waddada Kaasaanjiis, sidoo kalena ay booqan doonaan howlaha horumarineed ee la soo gaba gabeeyay iyo kuwa ka socda magaalada. Waxa kale oo la xusay in socdaalkan uu ka mid yahay horumarinta marinada, xarunta shirarka caalamiga ah ee Addis, mashaariicda dhinaca webiyada ah oo ay ka mid tahay xarun warshadayneed oo isku dhafan, iyo mashaariic kale oo badan oo horumarineed. Waxa kale oo la sheegay in mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo caasimadda Addis Ababa ay yihiin kuwo is-dhexgal ah, isku xidhan, isla markaana awood u leh inay muujiyaan muhiimadda ay u leeyihiin ka midho-dhalinta himilooyinka horumarineed ee waara iyo xaqiijinta barwaaqada Itoobiya. #Kazanchis
Waxaan si rasmi ah u daah-furnay horumarinta marinka ee Kaasanjis, taas oo daliil u ah dadaalka ballaaran ee lagu casriyeynayo magaalooyinkeena- Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
Apr 22, 2025 22
Kaasaanjis, oo mar ahaan jirtay meel burbursan oo burbur xooggan uu ka soo gaaray guryo iyo xaafado ayaa maanta u soo ifbaxday abaal-gudka dadaalkeenna iyo isbeddelka wadajirka ah. Maalmo ka hor, waxaan booqanay dadka deegaanka ee ka soo guuray una guuray meel ka wanaagsan in ay ku noolaadaan, anagoo muujinayna sida adag ee aan u aaminsanahay iyo sida ay uga go'an tahay in aan u abuurno deegaan nololeed oo sharaf leh bulshadeena. Waxaan aragnay in deegaankii loo raray uu yahay mid aad u raaxo badan. Waxaan maanta daah-furnay mashruuc horumarineed oo marinka xaafaddaas ay ku barbaareen laga hirgeliyay. Isbeddelka Kaasanjis oo lagu dhammeeyey waqti gaaban oo cajiib ah, ayaa dhidibbada u taagaya shaqadeenna horumarinta magaalooyinka ee casriga ah, taasoo muujinaysa aragtideena ku aaddan xarumo magaalo oo cagaaran, nadiif ah, iyo casri ah. Shaqada laga qabanayo goobtan waxay u baahan tahay dadaal badan. Raaxada ku meel gaadhka ahi waxay sidoo kale keeni kartaa caqabado, waana naf hurid lama huraan u ah danta weyn ee dalka. Wadadan horumarineed waa in ay sii socotaa; Waxayna siinaysaa rajo soo cusboonaatay caruurteena berrito.
Boeing ayaa Xafiiskeedii Afrika ka Furatay Addis Ababa
Apr 22, 2025 26
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 14, 2017 (ENA) — Shirkadda Boeing ayaa si rasmi ah uga furtay xafiiskeeda Afrika magaalada Addis Ababa. Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka Dr. Alemu Sime ayaa sheegay in furitaanka xafiiska ee Boeing ee Afrika ee Addis Ababa uu yahay tallaabo muhiim ah oo dhanka hirgelinta himilada caalamiga ah ee Itoobiya ah. Wasiirka oo ka hadlayay munaadibadii furitaanka, ayaa xusay in furitaanka xafiiskan uu muujinayo korodhka doorka Itoobiya ee dhinaca duulista caalamiga ah, isla markaana uu gacan ka geysanayo in Afrika ay noqoto qaarad isku xiran oo midaysan, si waafaqsan yoolalka caalamiga ah. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay dadaallada ay Itoobiya ku ballaarinayso awooddeeda gaadiid iyo saadka, Wasiirka wuxuu tilmaamay in dalka uu diyaariyey qorshe istaraatijiyadeed oo toban sano ah, oo uu hoggaaminayo Golaha Qaranka ee Gaadiidka, kaasoo lagu casriyeeynayo gaadiidka kaas oo lagu dhimayo kharashaadka gaadiidka ee la xiriira ganacsiga, isla markaana lagu fududeynayo isku xirka qaaradda Afrika. Xogta laga helayo Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka, ayaa tilmaamaysa in munaasibada furitaanka ay ka soo qeyb galay mudane. Kuljit Ghata-Aura oo ah Madaxweynaha Boeing ee Bariga Dhexe, Turkiga, Afrika iyo Bartamaha Aasiya; Danjiraha Mareykanka ee Itoobiya Ervin Massinga; Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Itoobiya Getachew Mengiste; Maareeyaha Guud Shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines Mesfin Tasew iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan shirkadda. #Wakaaladda_Wararka_ Itoobiya #ENA #Itoobiya
In ka badan 1.6 Milyan Hektar ayaa laga Goostay Qamadiga waraabka ee Xilliga jiilaalka ah – Wasaaradda Beeraha
Apr 22, 2025 24
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 14, 2017 (ENA): Wasaaradda Beeraha ayaa shaacisay in illaa iyo hadda qamadiga waraabka laga goostay in ka badan 1.6 milyan hektar oo dhul ah, kaasoo lagu beeray waraabka xilliga jiilaalka. Sidoo kale, waxaa socda diyaargarow lagu doonayo in lagu soo saaro 98 milyan oo kiintal oo qamadi ah inta lagu guda jiro xilli-beereedka roobka ee soo socda. Mudane Isayas Lema, oo ah Agaasimaha Guud ee Horumarinta Dalagyada ee Wasaaradda Beeraha, ayaa wareysi uu siiyay ENA ku sheegay in dadaallo xoog leh lagu bixinayo sidii beeraleyda loogu dhiirrigelin lahaa inay beertaan dalagyada labadaba xilli-roobaadka iyo xilli-jilaalka, si loo kordhiyo wax soo saarka iyo wax-soo-saarka isla markaana loo xaqiijiyo sugnaanta cunnada. Wuxuu xusay in ballaarinta dhul beereedka gaar ahaan in dhulka fadhiga ah loo beddelo mid wax-soo-saar leh, isticmaalka tignoolajiyada casriga ah ee beeraha, hababka beeraleyda ee horumarsan iyo abuur tayo leh ay si weyn uga qeyb qaateen kordhinta wax-soo-saarka. Sidoo kale, wuxuu intaa ku daray in barnaamijka beerista xilli-jiilaalka uu fursad siiyay beeraleyda inay saddex goor dalag goostaan sannad gudihiis. Mudane. Isayas wuxuu xusay in la filayo in qamadiga lagu beero xilliga jiilaalka uu gaaro wax-soo-saar dhan 172 milyan oo kiintal. Illaa iyo hadda, qamadi ayaa lagu beeray ku dhowaad 3.5 milyan hektar oo dhul ah, waxaana hadda socda goosashada qamadi hore loo beeray oo gaadhay xilligiin lo goosanayay. Waxaa ilaa hadda la goostay qamadi laga beeray in ka badan 1.6 milyan hektar. Isaga oo hadalkiisa sii wata, mudane. Isayas wuxuu tilmaamay in waqtigan uu yahay xilligii beerista xilli-roobaadka, waxaana howshan si weyn looga wadaa dhulka buuraleyda ah ee ku habboon xilli-beerista roobka. Wuxuu intaas ku daray in qorshuhu yahay in xilli-roobaadkan lagu beero qamadi dhul gaaraya 3.7 milyan hektar, iyadoo la rajeynayo in laga helo 98 milyan oo kiintal. Dhulka qamadiga ah ee horey loo beeray wuxuu sheegay inuu gaarayo 2 milyan hektar. Beeraleyda ayaa lagu dhiirrigelinayaa inay beeraan dhulka harsan ee aan weli lagu beerin inta uu roobku socdo, sidoo kalena ay si joogto ah u sameeyaan ka-hortagga haramaha iyo la socodka xaaladda dhirta dalagyada ee horey loo beeray.
Shirkii ugu horeeyay ee Madasha Duulista Itoobiya ayaa lagu qaban doonaa Addis Ababa.
Apr 22, 2025 27
Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 14/2017 (ENA):- Shirkii ugu horeeyay ee Madasha Duulista Itoobiya ayaa lagu qaban doonaa magaalada Addis Ababa 16 iyo 17ka bisha Duugato 2017. Madashan oo ay soo qabanqaabisay shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo kaashanaysa hay’ado caalami ah sida Normans Aerospace iyo GFOX Aviation. Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa la filayaa inay marti geliso madaasha duulimaadka ee ugu weynaa ee Afrika, iyadoo ay ka soo qeyb galayaan daneeyayaasha ugu waaweyn Afrika iyo caalamka. Madashan ayaa lagaga wada hadlayaa sidii loo kobcin lahaa warshadaha duulista hawada ee Itoobiya iyo dar-dar gelinta horumarka qaaradda ee dhinaca duulista. Waxaana lagaga doodi doonaa, mustaqbalka duulista Afrika gaar ahaan; iyo Arrimaha kale ee la xiriira, oo ay ka mid yihiin suuqa duulista hawada Afrika, xaaladda isku xirka hawada Afrika, iyo iskaashiga duulimaadyada, ayaa sidoo kale looga hadli doonaa. Madaxda sare ee waaxaha duulista iyo shaqsiyaad saameyn ku leh waaxda duulista Afrika iyo caalamka ayaa la filayaa inay madasha ka hadlaan.
Itoobiya iyo Ha'yada Lacagta Adduunka Ayaa Sheegay Inay Xoojinayaan Wada-shaqeyntooda
Apr 22, 2025 13
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 14, 2017 (ENA) — Itoobiya iyo Ha'yada Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay inay sii xoojinayaan iskaashigooda. Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee JDFI Itoobiya, Mudane Axmed Shide, ayaa ka qeybgalaya shirarka sanadlaha ah ee Kooxda Bangiga Adduunka iyo IMF oo ka socda magaalada Washington, D.C. Wafdiga waxaa ka mid ah Madaxweynaha Bangiga Qaranka ee Itoobiya, Mamo Mihretu, Lataliyaha Sare ee Ra’iisul Wasaaraha dhanka Dhaqaalaha Teklewoldhe Atnafu, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Dr. Eyob Tekalign, iyo mas’uuliyiin kale oo sare. Wafdiga ayaa wada-hadallo la yeeshay Agaasimaha Guud ee IMF, Kristalina Georgieva. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta dhaqaalaha Itoobiya iyo meelaha suurtagalka ah ee iskaashiga labada dhinac. Agaasimaha Guud ee IMF ayaa ammaanay sida ay Itoobiya uga go’an tahay hirgelinta ajandaha dib-u-habeynta, iyada oo ay jiraan caqabado caalami ah, waxayna qiratay horumarada la taaban karo ee Itoobiya ay ka gaadhay xasillinta dhaqaalaha. Agaasimaha IMF ayaa tilmaantay in horumarka laga gaadhay qiimeyntii u dambeysay ee barnaamijka dib u habaynta ee Itoobiya, hoose u dhiga sicir bararka, xoojinta anshaxa maaliyadeed, iyo xoojinta awood ururinta dakhliga. IMF ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Barnaamijka Dib-u-habeynta Dhaqaale ee Itoobiya. Wasiirka Maaliyadda, Axmed Shide, ayaa uga mahadceliyey IMF taageerada joogtada ah ee ay u fidiso ajandaha dib-u-habeynta Itoobiya. Wasiirku wuxuu xusay in dib-u-habeyntani ay ujeeddadeedu tahay xoojinta iyo casriyeynta dhaqaalaha dalka, abuurista fursado horumarineed, kordhinta shaqooyinka gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay, dhiirrigelinta ka-qaybgalka dhaqaalaha, iyo sare u qaadista heerka nolosha shacabka Itoobiya. Labada dhinac ayaa intii ay ku guda jireen wada-hadallada is-weydaarsaday fikrado ku saabsan tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo geedi-socodka dib-u-habeynta iyo abuurista jawi ku habboon maalgashiga. IMF ayaa mar kale xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay ka gaysato koboca iyo horumarka dhaqaalaha Itoobiya. Madasha Sannadlaha ah ee Kooxda Bangiga Adduunka iyo Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa socon doona illaa Duugato/Miyaasiya 18 2017ka. #Wakaalladda Wararka_Itoobiya#ENA #IMF
Shirkado Itoobiyaan ah oo ka Qaybgalaya Bandhigga Caalamiga ah ee Ganacsiga ee ka socda Bulawayo, Zimbabwe
Apr 22, 2025 14
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 14/2017 (ENA): Shirkado ka socda Itoobiya ayaa ka qaybgalaya bandhigga 65-aad ee caalamiga ah ee ganacsiga oo ka socda magaalada Bulawayo ee dalka Zimbabwe. Bandhiggan waxaa si firfircoon uga qaybqaadanaya shirkadda Ethiopian Airlines Group iyo shirkado kale oo ku howlan farsamaynta wax-soo-saarka dhinaca beeraha. Shirkadahan waxay sidoo kale ka qaybgalayaan barnaamijyo is-dhaafsi iyo wadatashi ah oo lagu qabanyo hareeraha bandhigga. Safaaradda Itoobiya ee Harare ayaa sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay ka qaybgalka ganacsatada Itoobiya si ay u sameeyaan xiriirro ganacsi iyo is-weydaarsi khibradeed oo miro-dhal ah. Bandhiggan caalamiga ah ee ganacsiga ayaa furmay shalay, wuxuuna socon doonaa ilaa 18-ka bisha May 2025. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya
Wafti Heer Sare oo uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa ka Qaybgalaya Shirwaynaha Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF
Apr 22, 2025 15
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 14/2017 (ENA): Wafti heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Mudane Axmed Shide ayaa ka qaybgalaya shirwaynaha 2025-ka ee ay wadajir u qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF). Waftiga Itoobiya ayaa ku sugan magaalada Washington D.C. ee dalka Mareykanka ayaa si balaadhan uga qaybgalaya shirkan muhiimka ah. Wasiir Axmed Shide waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka, Kristalina Georgiefa. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga maaliyadeed iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada hay’adda ee Itoobiya. Sidoo kale, maalintii ugu horraysay ee shirkan, waftigu waxay yeesheen wadahadallo miro-dhal ah oo ay la yeesheen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF). Waftiga uu hoggaaminayo Wasiir Axmed Shide waxaa sidoo kale ka mid ah Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Itoobiya Mudane Mamo Mihretu, Wakiilka Gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Mudane Teklewold Atnafu, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Dr. Eyob Tekalign, iyo mas’uuliyiin kale oo sare.
IMF waxay sii wadi doontaa xoojinta iskaashiga ay la leedahay Itoobiya - Agaasimaha Maamulka IMF
Apr 22, 2025 29
Addis Ababa ; Duugato/Miyaaziya 14/2017 (ENA): Agaasimaha Maamulka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Kiristalina Jiyorjiyeva ayaa sheegtay in ay hay'addu sii wadi doonto xoojjinta taageeradeeda kobaca iyo horumarka Itoobiya. Kulamada guga sanadlaha ah ee Kooxda Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa shalay ka furmay magaalada Waashingtan ee dalka Mareykanka. Agaasimaha Maamulka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa wada-hadallo dhinac socday la qaadatay Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide iyo Guddoomiyaha Bangiga Qaranka ee Itoobiya Maamo Mihratu. Agaasimaha maamulka ayaa fariin ay soo dhigtay boggeeda X waxay ku sheegtay inay dooddan kaga wada hadleen ajendaha dib u habaynta ee Itoobiya iyo in IMF ay ka go’an tahay inay taageerto kobaca iyo horumarka Itoobiya. Kulamada gu'ga ee sannadlaha ah ee Kooxda Bangiga Adduunka iyo Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa socon doona illaa Duugato 18, 2017 t.i.
Shirka Ganacsiga iyo Maalgelinta Itoobiya–Sacuudi Carabiya oo ka furmay Riyaad
Apr 22, 2025 31
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 14/2017 (ENA): Shirka ganacsiga iyo maalgelinta ee u dhexeeya Itoobiya iyo Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Riyaad. Shirkan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo labada dal ka kala socda, madaxda ganacsiga iyo xubno ka tirsan bulshada ganacsatada. Sidoo kale, shir wadareedka Golaha Ganacsiga ee Itoobiya–Sacuudi Carabiya ayaa lagu qabtay magaalada Riyaad. Shirkan waxaa si wadajir ah u guddoomiyey Dr. Xasan Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga ee Itoobiya iyo Cabdalla Al-Ajaami, Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga ee Sacuudiga. Intii lagu guda jiray wadahadalka, waxaa la carrabaabay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha. Shirkan ayaa loo arkaa inuu furo wejigii cusub ee iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada waddan. Sida ay sheegtay safaaradda Itoobiya ee Riyaad, labada dhinac ayaa heshiis ku gaaray inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhinacyada ganacsiga iyo maalgelinta, gaar ahaan warshadaha wax-soo-saarka, beeraha, macdanta, dalxiiska iyo dhismaha. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa sheegtay inay gaartay himiladii 2025 ee tirada diyaaradaha iyo garoomada – Mesfin Taasew
Apr 22, 2025 22
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 14/2017 (ENA): Maareeyaha guud ee Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya, Mesfin Taasew, ayaa sheegay in shirkaddu ay durba gaartay yoolkii 2025 ee la xiriiray tirada diyaaradaha iyo garoomada ay ka degto. Mesfin ayaa arrintan kaga hadlay barnaamijka BBC Focus on Africa isagoo wareysi siiyay Jewell Kiryungi. Intii uu wareysiga socday, wuxuu muujiyay in shirkaddu ay horey u xaqiijisay qorshihii 2025 ee korodhka diyaaradaha iyo garoomada ay shirkaddu ka degto. Wuxuu sidoo kale sheegay in Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ay sanad-miisaaniyadeedka 2023/24 ka heshay dakhli dhan 7 bilyan oo doolar, isla markaana la filayo in uu dakhligaasi gaaro 8 bilyan oo doolar marka la gaaro Juun 2025. Wuxuu xusay in iskaashiga shirkaddu la leedahay Boeing ay horseeday in diyaarado cusub la helo iyadoo la marayo habka lagu beddelanayo qalabka diyaaradaha, halkii laga iibsan lahaa kuwo cusub. Mudane Mesfin ayaa sidoo kale tilmaamay dadaalka shirkaddu ugu jirto in la ballaariyo awoodda iyo adeegyada ay bixiso. Wuxuu intaa ku daray in shirkaddu ay qorshaynayso dhismaha garoon caalami ah oo weyn oo ku yaalla Afrika, si ay uga jawaabto baahida sii kordheysa ee qaybta duulista hawada. Maareeyaha guud wuxuu sheegay in garoonka diyaaradaha ee Bole uu gaaray xadka ugu sarreeya ee uu qaadi karo, isagoo xusay in awoodda sannadlaha ah ee qaadista rakaabka ay haatan tahay 25 milyan. Ugu dambayntii, dhismaha garoon cusub ayuu ku sifeeyay mid lagama maarmaan u ah daboolista baahida sii kordhaysa ee qaybta duulista hawada. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Shirkadda_Diyaaradaha_Itoobiya
Furista waaxda Maalgashiga ee Hore Uga Xidhnayd Maalgashadayaasha Shisheeye ayaa Soo Jiidatay Maalgashadayaal Badan Oo Ay S Galaan Itoobiya – Koomishinka Maalgashiga Itoobiya
Apr 21, 2025 23
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 13, 2017 (ENA): Koomishinka Maalgashiga Itoobiya (EIC) ayaa shaaciyay in furitaanka qaybaha maalgashiga ee horey uga xirnaa maalgashadayaasha shisheeye ay suurtagal ka dhigtay in maalgashadayaal caalami ah oo badan ay yimaadaan Itoobiya. Wareysi gaar ah oo uu siisay wakaaladda wararka ENA, Komisheerka Koomishinka Maalgashiga Itoobiya, Dr. Zalaqe Temesgen, ayaa sheegtay in Itoobiya ay soo martay geeddi-socod dib-u-habeyn ballaaran toddobadii sano ee la soo dhaafay, isla markaana ay gaadhay guulo la taaban karo. Koomishinka ayaa xustay in xilliyadii dib-u-habaynta, qaybaha horey uga xidhnaa maalgashadayaasha shisheeye la furay, isla markaana tallaabooyin dib-u-habeyn dhaqaale oo kala duwan la qaaday si loo dhiirrigeliyo maalgashiga. Waxa uu intaa ku daray in wax-ka-beddelka lagu sameeyay sharciga maalgashiga uu fursad siiyay maalgashadayaasha shisheeye inay ka qaybqaataan qaybaha horey uga xidhnaa maalgashiga. Koomishineerka ayaa sidoo kale faahfaahiyay in koomishinka Maalgashiga Itoobiya uu u ogolaaday shirkadaha shisheeye inay si buuxda uga qaybqaataan ganacsiga jumlada, tafaariiqda, iyo ganacsiga soo dejinta iyo dhoofinta. Dowladda, oo sanado badan u xidhnaa qaar ka mid ah qaybaha maalgashiga ee shirkadaha shisheeye, ayaa hadda furtay, kuwaas oo ay ku jiraan qaybaha istiraatiijiga ah sida Ethio Telecom iyo aagagga dhaqaale ee gaarka ah, si loo dhiirrigeliyo ka qaybqaadashada maalgashadayaasha shisheeye oo loo kobciyo maalgashiga. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in koomishinka Maalgashiga uu gaadhay waxqabad sare sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, isaga oo tusaale ahaan sameeyay koror dhan 2.4% oo ku yimid maalgashiga tooska ah ee shisheeye (FDI) marka la barbardhigo isla muddadaas sannadkii hore. Sidoo kale, waxa uu xusay in furitaanka qaybaha ganacsiga jumlada, tafaariiqda, iyo soo dejinta/dhoofinta uu keenay in 40 maalgashade shisheeye ay heleen shatiga maalgashiga, halka 36 kale ay ku jiraan habraaca helitaanka shatiga. Waxa uu sheegay in Guddiga Maalgashiga Itoobiya uu awood u leeyahay in uu u beddelo dhammaan beeraha warshadaha ee Itoobiya goobo dhaqaale oo gaar ah. Waxa kale oo uu sheegay in tan iyo markii uu furay aagga ganacsiga xorta ah ee Diridhaba Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed (D.r) uu koomishinka maal-gashigu ku dhiirigelinayeen maalgashadayaasha inay soo galaan aaggaas. Waxa uu tilmaameen in 11 maalgashi ay galeen, qaarkoodna ay badeecooyin keeneen. Waxa uu sheegay in dowladdu ay suurtagelineyso in isbedel muuqda ay ku sameyso dib u habeynta dhaqaalaha, isgaarsiinta iyo ganacsigii horey u xirnaa.
Jawiga Habboon ee Ay Dowladdu Abuurtey Waxa Uu Midho Dhal Ka Noqday Qaybta Aan Ka Shaqeyno — Maalgashadayaasha
Apr 21, 2025 31
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 13, 2017 (ENA) — Maalgashadayaasha ka shaqeeya warshadaynta iyo ganacsiga dhoofinta ayaa sheegay in jawiga habboon ee ay dowladdu abuurtay uu u suurta geliyey inay noqdaan kuwo wax soo saar leh. Maalgashadayaal badan ayaa haatan ballaarinaya ganacsigooda iyaga oo ka faa’iidaysanaya jawiga ganacsi ee wanaagsan ee laga hirgaliyay Itoobiya. Gaar ahaan, xarumaha wax-soo-saar ee cusub ee ay dowladdu hirgelisay si loo xoojiyo qaybta warshadaynta ayaa durba bilaabay inay faa’iido ka helaan maalgashadayaal badan. Maalgashadayaashii la hadlay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa xusay in taageerada xooggan ee ay dowladdu siineyso, laga bilaabo xoojinta qaybta gaarka loo leeyahay illaa bixinta noocyo kala duwan oo gacan-siinta ah, ay gacan ka geysatay in ay gaaraan natiijooyin la taaban karo. Dr. Ayneshet Asres, oo ah Maamulaha Guud ee Shirkadda Sabia Water Bottling, ayaa sheegay in shirkaddoodu, oo lix sano ka hor loo aasaasay soo saarista biyaha dhalada lagu shubo, ay haatan marayso heer ay isugu diyaariso inay alaabteeda u dhoofiso dalal kala duwan oo Afrikaan ah. Wuxuu xusay in kormeerka iyo taageerada dowladda ay door muhiim ah ka ciyaareen guusha shirkaddooda, isaga oo tilmaamay in marka laga soo tago hagaajinta deegaanka ganacsiga, ay dowladdu si weyn u garab istaagtay shirkaddooda. Waxa uu intaa ku daray in shirkaddiisa loo qoondeeyey goob wax-soo-saar oo ku taalla aagga warshadaha, taas oo u suurta gelisay inay diiradda saaraan horumarinta wax-soo-saarka iyo waxtarka shirkadda. Fasil Tareken, oo ah Maareeyaha Guud ee Macro Farm, ayaa sidoo kale sheegay in xaaladaha wanaagsan ee ay dowladdu abuurtay ay u suurta geliyeen inay si guul leh u dhoofiyaan dalagyada kala duwan ee raashinka iyo miraha saliidda. Wuxuu sharaxay in dowladdu u fududeysay helitaanka lacagta qalaad, isla markaana ay hadda si habsami leh uga heli karaan badeecooyinka beeraleyda, alaab-qeybiyeyaasha, iyo ururrada iskaashatada. Sidoo kale, wuxuu xusay in dowladda ay si weyn u garab siisay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen beeraleyda si ay u keenaan badeecooyin u qalma heerka suuqyada caalamiga ah. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in taageerada dowladdu ay u suurta gelisay shirkaddooda inay si hufan ugu gaarsiiso badeecooyinkooda dalal kala duwan. Maareeyuhu waxa uu xusay in taageerada joogtada ah ee ay dowladdu bixiso ay muhiim u ahayd caawinta maalgashadayaasha ku hawlan qaybta si ay u noqdaan kuwo wax-soo-saar leh oo guul gaara. Wuxuu intaa ku daray in shirkaddoodu ay ka go’an tahay inay ka faa’iideysato jawiga habboon ee qaybta mirha iyo miraha saliidda si ay u gaaraan natiijooyin ka sii wanaagsan mustaqbalka.
Maalgashadayaasha Hindida ayaa loogu baaqay inay maalgashadaan waaxda caafimaadka Itoobiya
Apr 21, 2025 18
Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 13/2017 (ENA): Madasha Ganacsiga iyo Bulshada Aasiya ayaa lagu qabtay dalka Hindiya, waxaana ka soo qayb galay Danjire Fiseha Shaawal ayaa ugu baaqay maalgashadayaasha Hindiya inay maalgashadaan waaxda caafimaadka ee Itoobiya. Madashu waxay isu keentay maalgashadayaasha, diblumaasiyiinta, hay'adaha cilmi-baadhista, shakhsiyaad caan ah, iyo daneeyayaal kale oo ka kala socda Afrika, Ameerika, iyo Aasiya si ay uga wada hadlaan sidii loo beddeli lahaa nidaamka deegaanka ganacsiga caalamiga ah. Madashaas oo uu ka hadlay Danjire Fisaha ayaa sheegtay in Itoobiya ay tahay xarunta saddexaad ee ugu weyn diblomaasiyadda caalamka, isla markaana ah albaabka Afrika; wuxuuna uga warbixiyay xubnihii madasha ka soo qayb galay talaabooyinka ay xukuumadu u qaaday qaybaha kala duwan ee maalgashadayaasha shisheeye. Waxa uu sheegay in hindisaha cusboonaysiinta dhaqaale uu abuuray jawi wanaagsan oo lagu soo jiidan karo maalgashiga tooska ah ee shisheeye, gaar ahaan daryeelka caafimaadka iyo dalxiiska caafimaadka, taas oo Itoobiya ka dhigtay meesha ugu horeysa ee Afrikaanka ah ee u raadsada adeegyada caafimaadka. Danjire Fisaha ayaa ugu baaqay maalgashadayaasha Hindiya inay ka faa’iidaystaan fursadan maalgashi ee wanaagsan oo ay maalgashadaan dhinacyada daryeelka caafimaadka iyo dalxiiska caafimaadka ee Itoobiya. Madasha aya waxay diiradda saartay abuurista hanti waara ee muwaadiniinta iyo hay'adaha, isbeddelka tignoolajiyada, sirdoonka macmal, isbeddelka cimilada, iyo isbeddelka tamarta, sida lagu sheegay xogta safaaradda Itoobiya ee Niiw Delhi.
Itoobiya waxay waddaa shaqooyin horumarinta beeraha ah oo tusaale u noqon doona dalalka kale
Apr 21, 2025 18
Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 13/2017 (ENA): Qiimayn lagu sameeyay waxqabadka beeraha Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in Itoobiya ay waddo shaqooyin tusaale u noqon doona dalalka kale ee horumarinta beeraha. Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (AAP) ayaa labadii sanaba mar dib u eegis ku sameeya waxqabadka horumarinta beeraha dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD. Ka hor inta aan loo gudbin barnaamijka, dalalku waxa ay qaban doonaan wada hadal daneeyayaal ah si ay u qiimeeyaan waxqabadka dalkooda. Iyada oo taas ka duulaysa ayay Itoobiya sidoo kale qiimayn ku samaysay waxqabadkeeda horumarinta beeraha. Sida laga soo xigtay La-taliyaha Wasaaradda Beeraha, Dr. Zinaw Habtewaldh, Itoobiya waxay leedahay waxqabadka ugu wanaagsan ee barnaamijka horumarinta beeraha Afrika. Waxa uu xusay in fulinta barnaamijkan shuruudaha lagu dejiyay qorshihiisa horumarineed ay gacan weyn ka geysatay sidii uu u guulaysan lahaa. Waxa uu sheegay in guusha Itoobiya ay ka gaadhay horumarinta qamadiga, raadka cagaarka ah, hiddaha lemming, iyo dadaallada kale ee horumarinta beeraha ay tusaale u tahay dalalka kale ee Afrika. Isku duwaha Barnaamijka Nidaamka Cunnada IGAD Senait Regasa (PhD) ayaa sheegtay in taageero loo fidinaayo sidii wadamada xubnaha ka ah IGAD ay ugu dadaali lahaayeen horumarinta beeraha u adkeysan kara cimilada. Waxa uu sheegay in barnaamijkani uu ka caawin doono dhinaca farsamada kordhinta wax soo saarka iyo wax soo saarka, abuurista isku xidhka suuqa, samaynta siyaasadaha beeralayda mid shaqo leh, iyo maaraynta nidaamka macluumaadka habaysan. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in shaqada casriyeynta beeraha iyo ka taageerida farsamada ay sii wadi doonaan. Waxa uu xusay in gobolka ay ka jiraan dhibaatooyin dabiici ah iyo kuwo ay bani’aadamku sameeyeen, gaar ahaan dhanka beeraha oo ay saameyn taban ku yeesheen isbeddelka cimilada. Sida ay sheegtay Dr. Senayit, inkasta oo dalalka gobolka ay qayb yar ku leeyihiin isbeddelka cimilada, haddana waxay noqdeen kuwa qayb weyn ka qaata dhibaatada. Wuxuu sheegay in barnaamijka Raadka cagaaran ee Itoobiya ay bilowday si wax looga qabto dhibaatadan uu tusaale u noqon doono kuwa kale. Gabagabadii, Waxaa madasha lagu soo qaaday in Itoobiya ay sii xoojin doonto dadaalka ay bilowday si loo sii kordhiyo maalgashiga beeraha.