Arrimaha Bulshada
Dadaallada Lagu Xaqiijinayo Ka Qaybgalka iyo Ka Faa’iidaysiga Haweenka Ayaa Sii Soconaya: Wasiirad Ergoge Tesfaye (D.r)
Apr 23, 2025 12
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 15, 2017 (ENA): Wasiiradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada, Dr. Ergoge Tesfaye, ayaa sheegtay in dadaallada lagu xaqiijinayo ka qaybgalka iyo ka faa’iidaysiga haweenka ee si siman loo wajahayo ay sii socon doonaan iyadoo xoogga la saarayo. Wasiirka oo la hadashay wakaaladda wararka ee ENA, waxay sheegtay in la wado hawlo lagu xaqiijinayo ka faa’iidaysiga dhaqaale ee muwaadiniinta, iyadoo diiradda si gaar ah loo saarayo haweenka. Waxay xustay in isbahaysiyada horumarineed ee hadda la dhisayo ay ujeedadoodu tahay in haweenku ka faa’iidaystaan, taasoo ah hannaan nidaamsan oo lagu wajahayo caqabadaha jira isla markaana lagu xoojinayo hawlaha socda.   Wasiiraddu waxay sidoo kale tilmaantay in isbahaysiyadan horumarineed ee haweenka ay kaalin weyn ka qaadanayaan kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta wax-soo-saarka beeraha, sidoo kale ay gacan ka geysanayaan dadaallada nabadda, xasilloonida, iyo horumarinta adeegyada caafimaadka. Waxay xaqiijisay in habka laba-geesoodka ah ee horumarka iyo barwaaqada loo marayo isbahaysiyada haweenka in loo sii wadi doono si xooggan oo baaxad leh.   Alemat Amare, ku-xigeenka madaxa xafiiska Haweenka, Carruurta, iyo Arrimaha Bulshada ee deegaanka Tigray, ayaa sheegtay in dadaallo lagu ururinayo daneeyayaasha horumarinta haweenka iyo abuurista fursado shaqo ay socdaan si loo xaqiijiyo ka qaybgalka iyo ka faa’iidaysigooda.   Frehiwot Tibebu, madaxa arrimaha jinsiga ee xafiiska Haweenka, Carruurta, iyo Arrimaha Bulshada ee Diridhaba, ayaa sheegtay in haweenka dib u soo laabtay ee horey u barakacay la siinayo tababbar si ay u helaan fursado shaqo. Zina Getachew, ku-xigeenka madaxa xafiiska Haweenka, Carruurta, iyo Arrimaha Bulshada ee gobolka Axmaarada, ayaa sidoo kale xustay in si wadajir ah loola shaqeynayo daneeyayaasha si loo xaqiijiyo ka qaybgalka iyo ka faa’iidaysiga haweenka. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA
In ka badan 359,000 oo muwaadiniin ah ayaa ka faa'iideystey fursadaha shaqo-abuur ee dalka dibaddiisa sagaalkii bilood ee lasoo dhafaay sannad-maaliyadeedka - Wasiir Mufarixaat Kaamil
Apr 23, 2025 13
Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 15/2017 (ENA):- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadda, Mufarixaat Kaamil, ayaa sheegtay in in ka badan 359,000 oo muwaadiniin ah ay ka faa’iidaysteen fursadaha shaqo-abuur shisheeye sagaalkii bilood ee ugu horreeyay ee sannad-maaliyadeedka 2017-ka. Waxaa la sameeyay qiimeyn ku saabsan dhaqan gelinta qorshaha shaqo abuurka dalka dibaddiisa, waxaana goob joog ka ahaa La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka dhaqaalaha Danjire Girma Biru iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.   Waxaana lagaga hadlay shaqada laga qabtay dhanka sahayda shaqaalaha xirfada leh, baahida suuqa shaqada iyo bixinta adeega. Wasiirka shaqada iyo xirfadda, Mufarixaat Kaamil, ayaa fariin ay soo dhigtay barteeda bulshada ku sheegtay in 359,291 muwaadiniin ah ay ka faa’iidaysteen fursadaha shaqo oo dibadda ah sagaalkii bilood ee ugu horeeyay sanad miisaaniyeedka. Waxayna tilmaamtay in isfaham guud laga gaaray in lagu dadaalo sidii loo wanaajin lahaa natiijada isla markaana loo kordhin lahaa faa’iidada muwaadiniinta iyadoo wax laga qabanayo dhibaatooyinka xagga saadka iyo tayada iyadoo la eegayo baahida suuqa shaqada ee jirta.   Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in tababaradda ay bixinayaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee qeybta ka ah ay yihiin kuwo daboolaya baahida suuqa shaqada isla markaana ay la jaanqaadi karaan baahida iyo saadka iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira iyo in la abuuro xaalado wanaagsan. Gabagabadii, wasiirka ayaa kale oo sheegtay in shaqada la bilaabay ee lagu sugayo amniga iyo helida xuquuqda muwaadinka iyo ka hortagga sharci-darrada iyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambaynta ay sii socon doonto si gaar ah; Si taas loo gaarana in qaybaha ay khuseyso iyo hay’adaha fulinta ee heer walba in ay sameeyaan dadaallo dhan walba ah.
Bulshada ayaa lagu boorriyay in ay qaataan tallaabooyinka taxaddarka ah si looga hortago cudurka Duumada ee ka dhalan kara xilli Roobaadka — Wasaaradda Caafimaadka
Apr 22, 2025 20
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 14, 2017 (ENA) — Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtah in bulshada looga baahan yahay inay qaataan tallaabooyin ka hortag ah si looga fogaado faafitaanka cudurka duumada, ee xilli roobaadka hadda socda. Wasaaraddu waxay xustay in Maalinta Caalamiga ah ee Duumada lagu xusi doono hal-ku-dhigga: “Dardar-gelinta halganka lagula jiro Duumada iyadoo la adeegsanayo hal-abuur, maalgelin iyo dadaal mideysan”, inta u dhaxaysa miyaasiya 16 ilaa 18, 2017ka. Ujeeddada xuska Maalinta Duumada Ayaa ah kor u qaadidda dadaallada lagu xakameynayo ee looga hortagayo duumada, xoojinta guulaha la gaaray, buuxinta farqiga jira, iyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan duumada. Markii uu ka hadlayay arrintan iyo xaaladda duumada ee hadda taagan, Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka, Dr. Dereje Duguma, ayaa warbixin siiyay saxaafadda. Dr. Dereje wuxuu hadalkiisa ku sheegay in bilihii la soo dhaafay la qaaday dadaallo badan oo lagu yareynayo faafitaanka duumada, dadaalladaasna ay horey u muujiyeen natiijooyin dhiirigelin leh. Wuxuu xusay in sideedii bilood ee la soo dhaafay la baaray in ka badan 20 milyan oo qof, kuwaas oo laga helay duumada-na la siiyay daaweyn iyo dabagal caafimaad.   Sidoo kale, wuxuu sheegay in la sameeyay kormeer ku saabsan 202 degmo oo lagu yaqaan heerka sare ee faafitaanka duumada, islamarkaana cudurkaas lagu guuleystay in lagu dhimo in ka badan kala bar meelahaasi. Wuxuu carabka ku adkeeyay in guushan lagu gaadhay iskaashi wanaagsan oo ka dhexeeyay dawlad-deegaanada iyo daneeyayaasha. Dr. Dereje wuxuu sidoo kale xusay in sanadkan Maalinta Duumada lagu xusi doono barnaamijyo kala duwan. Waxaa ka mid ah xuskaas shir dood cilmiyeed ah iyo siminaar, oo ay si wadajir ah u qaban doonaan Wasaaradda Caafimaadka iyo Dowlad-deegaanka Oromiya kaas oo ka dhici doona magaalada Jimma intii u dhaxaysay miyaasiya 16 ilaa 18, 2017. Wasiir Ku-xigeenka wuxuu sidoo kale xusay in meelaha duumada sida joogto ah looga helo guud ahaan dalka Itoobiya, ay bulshada ka qaybqaadato tallaabooyinka ka hortagga, sida in la dhaqaajiyo biyaha fadhiya iyo in la nadiifiyo deegaanka. Wuxuu si gaar ah diiradda u saaray muhiimadda ay leedahay ka-qaybgalka bulshada xilli roobaadka, xilligaas oo halista faafitaanka duumadu kordho, isagoo ugu baaqay qof walba inuu kaalin ka qaato dadaallada ka hortagga cudurka.
Waqtiga dib ugu laabashada muwaadiniinta shisheeye ee aan haysan oggolaanshaha degenaansho ee sharciga ah laguma darin— Safiirka Itoobiya ee Jabuuti
Apr 21, 2025 24
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 13/2017 (ENA): Safaarada Itoobiya ee Jabuuti ayaa shaacisay in waqtiga dib ugu laabashada muwaadiniinta Itoobiya iyo kuwa dalal kale ee aan haysan warqadda degenaansho ee sharciga ah aan la kordhin. Safaarada ayaa xustay in dowladda Jabuuti ay sheegtay in muwaadiniinta shisheeye ee aan haysan oggolaanshaha sharciga ah ee degenaansho loo oggol yahay in si iskood ah ay ugu laabtaan dalkooda inta u dhexeysa bisha sideedaad 3-deeda ilaa iyo bisha sagaalaad 2-deeda, 2017TI. Kuwo aan arrintaas u hoggaansamin, ayaa la sheegay in Booliisku si qasab ah dib ugu celin doonaan dalkoodii. Safaaradda Itoobiya waxay la kulantay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti. Kulankaas ayaa lagu muujiyay tirada badan ee Itoobiyaan ah ee aan haysan oggolaansho sharci ah, iyo sidoo kale ardayda wax ka barata dalkaasi si aysan u joojin waxbarashadooda. Intaa waxaa dheer, safaaraddu waxay sheegtay in ganacsatada qaar ay wali alaabtooda iibinayaan, halka muwaadiniin kale ay shaqooyin kala duwan ka hayaan dalka. Waxaa sidoo kale la tilmaamay in dad badani aysan weli bixin lacagihii waajibaadka ahaa, sidaas darteed, safaaraddu waxay codsatay in dib ugu laabashada ugu yaraan lagu daro saddex bilood. Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti, dhankooda, waxay sheegeen in qorshaha ay u dejisay dowladda si ay uga saarto muwaadiniinta shisheeye ee aan sharci haysan aan la beddelin. Si kastaba ha ahaatee, muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee leh shirkado ganacsi oo sharci ah, waxay ku sii nagaan karaan dalka inta ay caddeynayaan xeer-hoosaadyada sharciyadooda, hase yeeshee waxaa la oggol yahay in ay hantidooda u dhiibaan cid kale oo ay ku aaminayaan si ay dalkooda ugu laabtaan. Wasaaraddu waxay kaloo sheegtay in loo baahan yahay in dadka shaqaalaha ah ay helaan xuquuqdooda, gaar ahaan kuwa aan wali loo bixin lacagihii ay shaqeeyeen. Dhanka kale, muwaadiniinta Itoobiya ee ku xiran maxkamadaha Jabuuti, ayaa lagu wargeliyay in haddii safaaraddu keento caddeymo la xiriira kiiskooda, si degdeg ah loo eegi doono si xal loogu helo. Ugu dambayntii, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti ayaa sidoo kale beenisay warar ay sheegtay inay yihiin been abuur oo sheegaya in warbixintan aysan ahayn mid cusub oo sanadkan la bixiyay.
Tababarka liisanka darawalnimo ee Magaalada Addis Ababa waxaa la ogolaaday inuu lagu Bixiyo Saddex Luqadood oo Qaran
Apr 21, 2025 22
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 13/2017 (ENA): Maamulka magaalada Addis Ababa ayaa ku dhawaaqay in la oggolaaday in tababarka liisanka darawalnimada lagu bixiyo saddex luqadood oo qaran oo dheeraad ah marka laga reebo afka Amxaariga, si loo xalliyo cabashada la xiriirta arrimaha luqadda ee jiray. Mas’uulka arrintan shaaciyey wuxuu sheegay in adeegyada kala duwan ee la bixiyo uu kamid yahay adeeg cusub oo lagu helo shatiga darawalnimo. Darawallada doonaya inay liisan helaan waxay tababarka iyo imtixaanka ku gali jireen oo keliya af Amxaariga. Waxaa muddo dheer la codsanayey in la oggolaado in dadku ay ku tababaran karaan kuna gali karaan imtixaanka afafka ay si fiican u fahmaan, si ay u helaan natiijo wanaagsan. Iyadoo lagu xeerinayo in Addis Ababa ay tahay hoyga wadajirka ah ee dhammaan shacabka Itoobiya, ayaa laga oggolaaday 137 xarumood oo bixiya tababarka darawalnimada in ay, marka laga reebo afka Amxaariga, ku bixiyaan tababarka saddex luqadood oo kale oo qaran: af Soomaaliga, afka Oromada, iyo afka Tigreega. Waxaa sidoo kale la siiyay oggolaansho 12 xarumood oo ah xarumo tusaale u ah kuwa kale, si ay tababarka ugu bixiyaan afafkan saddexda ah. Warbixinta laga helay mas’uulka ayaa sidoo kale muujinaysa in xilliyadii hore dadka doonayay liisanka darawalnimada ay codsiyo u gudbiyeen in tababarka iyo imtixaanka loo oggolaado in lagu bixiyo afaf kale oo aan ahayn af Amxaariga, arrintaasna hadda la oggolaaday.
In xeedho wadaaga dhaqan laga dhigto, waxaa lagu garab istaagayaa dadka baahan” – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr)
Apr 18, 2025 50
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 10/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in dhaqanka xeedhi wadaaga, gaar ahaan xilliyada ciidaha, uu yahay mid lagu garab istaagi karo dadka danyarta ah oo u baahan taageerada. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hadalkan jeediyay xilli xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu uu u qaybiyay cunto dadka danyarta ah iyo caruurta ay daryeelaan shaqaalaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taasoo la xiriirta munaasabadda ciidda Masiixiga ee Faasika. Wuxuu sidoo kale sheegay in sanad walba xilliya ciida sida Ciiddaha Islaamka, Ciida Masiixiga iyo isbeddelka xilliyada, xafiiskiisu bixin doono xeedho wadaag loogu talagalay dadka danyarta ah ee shaqeeya. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in aan loo arkin wax sahlan in la wadaago cuntada, balse waa dhaqan wanaagsan oo mudan in la ilaaliyo. Wuxuu xusay in ay jiraan dad badan oo isku howla inay taageeraan kuwa liita si ay uga farxiyaan xilliyada ciidaha.   Markay ciid timaado, dad badan ayaa ka walwala waxa ay ilmahooda siin lahaayeen, halka dadka hantida leh ay si fudud wax u cunaan. Taasoo ah mid u baahan in la saxo. Wuxuu ugu baaqay bulshada inay ka dhigaan dhaqan inay si wadajir ah u noolaadaan oo ay wax wadaagaan halkii cuntooyinka la khasaarin lahaa, loona sameeyo caado ah in xafiisyada iyo deriskaba la wadaago cuntada marka ciid timaado. Itoobiya waxay leedahay khayraad ku filan; iyada lafteedu wax kama sugeyso cid kale. Qof walba haddii uu la wadaago waxa uu hayo qof kale, nolol maalmeedka bulshada way buuxsami kartaa,” ayuu yiri.   Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in wadaagidda xeedhada ay tahay hawl muhiim ah. Dadka la siiyay taageerada ayaa la faray inay cuntada la wadaagaan deriskooda, si ay u muujiyaan wadajirka iyo dhaqanka Itoobiyanimo. Waxa uu sidoo lale sheegay in “Itoobiya waa dal leh rajo weyn. Adinku waxaad dhaxli doontaan Itoobiya ka wanaagsan mida hadda jirta.” Waxa uu sheegay in Haddii qalbiyadeennu ay noqdaan kuwa naxariis leh oo taageera dadka baahan, kana dhigtaan dhaqan in wax la wadaago, mustaqbalkeennu wuxuu ka fiicnaan doonaa kan hada. Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa mahadnaq u jeediyay dhammaan cidii gacan ka geysatay barnaamijkan, isagoo ku booriyay in si wadajir ah loogu dabaaldego munaasabaddan. #Itoobiya #Wakaaladda_Warka_Itoobiya
Magaalada Harar ayaa ah magaalo taariikhi ah oo nabada iyo dalxiiska ku caan Baxday Caalamka
Apr 17, 2025 42
Harar waa magaalo hodan ku ah dhaqanka, taariikhda iyo goobaha soo jiidashada dalxiiska ee ku yaalla Bariga Itoobiya.   Waa magaalada kaliya ee ka hooseysa saxaraha Afrika ee xubin ka ah Ururka Caalamiga ah ee Magaalooyinka Dhaxalka Adduunka.   Waxay sidoo kale ku qoran tahay liiska magaalooyinka dhaxalka adduunka ee hay’adda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan dhaqanka, sayniska iyo waxbarashada UNESCO, iyadoo loo aqoonsaday magaalada inay tahay mid dhaxal aduun oo la ilaaliyo.   UNESCO waxay sidoo kale ciida Shuwaal u diiwaangelisay inay tahay dhaxal aan la taaban karin, taasoo muujinaysa qiimaha dhaqameed ee ay leedahay.   Magaalada Harar waxay noqotay astaan u taagan nabadda, wada noolaanshaha iyo midnimada, iyadoo UNESCO ay si rasmi ah u aqoonsatay doorkeeda nabadeed. Sidoo kale, Harar waxay xubin ka tahay Ururka Magaalooyinka Dalxiiska ee Caalamiga.   Harar waa magaalada keliya ee leh afar matxaf oo si rasmi ah loo aqoonsaday heer qaran, taas oo muujinaysa qiimaha taariikheed iyo dhaqan ee ay leedahay.   Harar waxaa si caalami ah loo siiyay xuquuqda astaan ganacsiyeed iyo lahaanshaha fikirka hal-abuurka, waxaana ka mid ah laba hal-abuur oo heer caalami ah, oo uu ka mid yahay “Allala Space” ee Harari.   Harar waa magaalo cimiladeedu deggan tahay—kulayl aan xooganayn, qabow aana degen—taasoo ka dhigaysa meel dalxiiska ku habboon sannadka oo dhan.   Waa magaalo qurux badan oo ay dadka iyo xitaa waraabuhu si nabad ah ugu wada noolaadaan.   Magaalada Harar waa meel laga dhaxlo hidde, jacayl iyo wadajir, waana magaalo qadiimi ah oo ahayd xarun siyaasadeed iyo dhaqan. Xigasho: Xafiiska Isgaarsiinta Dawladda ee Dawlad-Deegaanka #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Xarunta Shaybaadhka Xoolaha ee gobolka Liibaan ayaa si rasmi ah xadhiga looga jaray
Apr 17, 2025 32
Filtu, Duugato/ Miyaasiya 9/2017 (ENA): Inj. Maxamed Shaale, madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida oo ay wehelinayaan Madaxa Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS Cabdiqaadir Iiman (PhD) iyo Gudoomiyaha Gobolka Liibaan mudane Cabdulaahi Yuusuf ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray Xarunta shaybaadhka caafimaadka xoolaha ee gobolka Liibaan oo laga hirgaliyay degmada Filtu.   Xaruntani shaybaadhka xoolaha oo ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 122 milyan oo birr ayaa lagu wadaa in ay adeegyada shaybaadhka & Daawaynta xoolaha siini doonto gobolada Af-dheer, Liibaan & Daawa.   Xaruntani Shaybaadhka Caafimaadka Xoolaha oo uu fuliyay mashruuca Horumarinta Hab-nololeedka Bulshada Xoolo-dhaqatada iyo Xoolo-dhaqato-beeralayda deegaanka ee LLRP ayaa adeega daawaynta iyo baadhitaanka caafimaadka xoolaha siindoontaa bulshada degmooyinka gobolada Liibaan, Afdheer iyo Daawa sida ay masuuliyintu ka sheegeen munasabadii xadhig-jarka xaruntan.   Intaas uun maahee, xaruntan oo noqonaysa mid heer gobol ah ayaa sidoo kale bixin doonta adeegyada ay kamid ka yihiin; sahminta iyo baadhista cudurada xoolaha, fulinta talaalada kaladuwan ee cudurada xoolaha, samaynta daraasadaha cudurada cusub, soosaarista tirada iyo liistada cudurada soo jireenka ah ee degmo kaste, taageerada xarumaha iyo rugaha caafimadka xoolaha ee goboladaasi, iyo sidoo kale ka qaybqaadashada soosaarida ardayda barata culuumta caafimaadka xoolaha ee kuliyadaha goboladaasi.
Tababarkii dhaqancelinta iyo dib u dejinta ee dagaalyahanadii hore, ee hakadka galay ee deegaanka Tigray ayaa bilowday
Apr 17, 2025 24
Meqele; Duugato/Miyaasiya 9/2017 (ENA): Waxaa dib u bilowday tababarkii dhaqancelinta iyo dib u dejinta dagaalyahanadii hore, ee deegaanka Tigray kaas oo hakad Ku yimid hada kahor. Kormeerayaal iyo wakiilo ka socda Midowga Afrika iyo ururada caalamiga ah ayaa u kuurgalayay habka tababarka dhaqancelinta iyo dib u dejinta ee dagaalyahanadii hore ee gobolka Tigray.   Munaasabadda kormeerka waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Dibu-heshiisiinta, Temesgen Tilahun, Madaxa Xafiiska Nabadda iyo Amniga ee Maamulka KMG ah ee Deegaanka Tigray, Lieutenant General Fiseha Kidanu, Madaxa Hawlgalka Kormeerka, Xaqiijinta iyo Ilaalinta Heshiiska Pretoria ee Midowga Afrika, Major General Samad Alade, iyo sidoo kale wakiillo ka socday bah-wadaagta horumarka gudaha iyo dibadda iyo safaaradaha.   Guddiga Qaran ee dhaqancelinta ayaa horey u hakiyay tababarka dib iyo dibu-heshiisiinta ee dagaalyahannadii hore ee deegaanka Tigray. Maanta, habka hub-ka-dhigista, diiwaangelinta, iyo bixinta tababarka dhaqancelinta ee dagaalyahannadii hore si ay bulshada dib ula midoobaan ayaa si rasmi ah uga bilowday Xarunta Tababarka dhaqancelinta iyo Dib u dejinta ee Mekelle. Waxaa la ogsoonahay in hawlaha tababarka dhaqancelinta iyo dib u dejinta ee loogu talagalay dagaalyahannadii hore ee deegaanka tigray ay si rasmi ah u bilaabatay Hidaar 14, 2017. #Wakaaladda_Wararka_Ethiopia #ENA #Ethiopia
Wakaalada Warka Itoobiya
2015