Siyaasada - ENA Af-Soomaali
Siyaasada
Tartanka Ciyaaraha ee Ururka Midowga Taliyayaasha Booliiska Bariga Afrika ayaa Furmi Doona Axadda Soo Socota
Apr 22, 2025 33
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 14, 2017 (ENA) — Tartanka 5-aad ee Ciyaaraha Ururka Midowga Taliyayaasha Booliiska Bariga Afrika (EAPCCO) ayaa lagu qaban doonaa garoonka Abebe Bikila ee magaalada Addis Ababa intii u dhaxaysa Duugato/Miyaasiya 19 ilaa 25 ka, 2017-ka. Tartankani waxa uu qayb ka yahay xuska sannad-guurada 116-aad ee aasaaska Booliiska Itoobiya. Ku xigeenka Taliyaha Hogaanka Horumarinta Booliska Federaalka Itoobiya Jen. Nebiyu Dhaanye, ayaa sheegay in diyaar garow ku filan la sameeyay si tartanka si uu si guul ah ugu qabsoomo. Sidoo kale, waxa uu xusay in Booliiska Federaalka Itoobiya dhammeystireen dhamaan diyaar garowgii lagama maarmaanka u ahaa tartanka. Dhankiisa, Kaaliyaha, Madaxa Maamulka Shaqaalaha ee hay’adda, Deribe Gabisa, ayaa sheegay in ujeeddada tartankani ay tahay in la xoojiyo is-weydaarsiga xogaha ee dalalka xubnaha ka ah, in la kordhiyo iskaashiga wadajirka ah ee lagula dagaallamayo dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba, isla markaana la sii adkeeyo wada-shaqeynta dalalka xubnaha ah. guud ahaan tirada dalalka Bariga Afrika ee ka qeyb galaya tartankani waa toddoba dal, oo ay Itoobiya ka midtahay, waxayna ku tartami doonaan lix nooc oo ciyaaraha kamida ah. Booliiska Federaalka Itoobiya waxa ay sidoo kale sheegeen in ciyaaraha lagu tartamayo ay kala yihiin: Oradka, Taekwondo-ga,shiishka Bartilmaameedka,Feerka iyo kubada gacanta.
Hawlaha Horumarineed ee Bulshada Anfacaya ayaa Laga Hirgeliyay Dhammaan Sectors-kii Sagaalkii Bilood ee la Soo Dhaafay — Madaxweynaha deegaanka Hararida Ordin Bedri
Apr 22, 2025 39
Harar, Duugato/Miyaasiya 14, 2017 (ENA) — Madaxweynaha deegaanka Hararida, mudane Ordin Bedri, ayaa sheegay in sagaalkii bilood ee la soo dhaafay laga hirgeliyay deegaanka mashaariic horumarineed oo dhammaan qaybaha kala duwan ah, kuwaas oo si toos ah faa’iidoo ugu keenay bulshadu. Waxaa socota qiimeynta warbixinta waxqabadka, taas oo diiradda lagu saarayo sagaalka bilood ee la soo dhaafay ee sannad-miisaaiiyadeedka 2017ka. Isagoo ka hadlayay madasha qiimeynta, Madaxweynaha deegaanka hararida Ordin Bedri ayaa xusay in muddadii sagaalka bilood ahayd in la hirgeliyay hawlo horumarineed oo si toos ah ugu faa’iideeyay shacabka degaanka miyiga iyo magaalooyinka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in mashaariicda laga fuliyay qaybaha bulshada, dhaqaalaha, iyo maamul wanaagga ay suurtagelisay in si wanaagsan loo isticmaalo kheyraadka taariikhiga ah, dabiiciga ah iyo ka sad sameega ah ee deegaanka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madasha qiimeynta ay muhiim u tahay xoojinta guulaha la gaaray, wuxuuna caddeeyay in tallooyinka iyo hawlaha harsan ee lagu ogaan doono qiimaynta oo la dhammeystiri doono ka hor dhammaadka sane 30, iyadoo si tayo leh loo fulinayo. Intii lagu guda jiray madasha qiimeynta, Guddoomiyaha koomishinka Qorsheynta ee deegaanka, Ibsa Ibrahim, ayaa soo bandhigay warbixinta waxqabadka mashaariicda maalgelinta ee sagaalka bilood. hogaaminta sare ee deegaanka, maamulayaasha degmooyinka, iyo khubaro kala duwan ayaa ka qaybgalaya madasha qiimeynta ayaa socon doonta muddo laba maalmood ah.
Xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha Xisbiga Barwaaqo oo Booqday Mashaariicda Horumarineed ee Magaalada
Apr 22, 2025 37
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 14, 2017 (ENA) — Mas’uuliyiin iyo hawlwadeeno ka socda hay’adaha hoos yimaada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan hogaaminta Xisbiga Barwaaqo ayaa booqanaya mashaariic horumarineed ee ka socda magaalada Addis Ababa. Booqashadan mashaariic kala duwan, ee la booqanayo waxaa ka mid ah horumarinta marrinada (corridor development), dib-u-habaynta iyo mashruuca qurxinta togaga magaalada, iyo mashaariic kale oo horumarineed ee ah kuwa dhammaaday iyo kuwa weli socda. Waxaa la xusay in mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada Addis Ababa ay abuurayaan deegaan nololeed oo haboon loogu talagalay shacabka, isla markaana si weyn baaxad leh kor ugu qaadaya tartanka caalamiga ah ee magaalada. Sidoo kale, mashaariicdan ayaa la sheegay in ay door muhiim ah ka ciyaarayaan sidii Addis Ababa loogu beddeli lahaa magaalo Qurxoon, oo casri ah. Sanadihii u dambeeyay, magaalada waxa ay dhammaystirtay mashaariic waaweyn oo ay ka mid yihiin Matxafka Xuska Guusha Adwa, Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Ababa, Xarunta Isbeddelka Haweenka, mashaariicyo badan oo diiradda saaraya bulshada, iyo mashaariic kale oo horumarineed. #Ethiopia #Wakaaladda_Warka_Ethiopia #ENA #Horumarinta_Waddooyinka
Itoobiya ayaa ogolaatay inay ganacsi ka bilawdo xuduudka Mooyaale iyada oo saqafkeedu yahay kun doolar
Apr 21, 2025 41
Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 13/2017 (ENA): Itoobiya iyo Kiinya ayaa ka dib wadahadalo socday laba sano kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu fududeynayo ganacsiga laba geesoodka ah ee ku jira Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, sidaas darteedna saqafkii hore ee ganacsiga badeecadaha ee xuduudka Mooyaale ayaa kor loogu qaaday ilaa Kun doolar. Heshiiskan, oo lagu soo gabagabeeyay Mombasa, ayaa looga golleeyahay in kor loogu qaado dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee bulshooyinka xuduudaha iyadoo la fududeynayo hababka ganacsiga. Heshiiska ayaa dhigaya in aagga ganacsiga Itoobiya uu 50 KiiloMitir u jiro Mooyaale, halka Kiinyana ay u jirto 100 KiiliMitir, waxaana ganacsatada ay awood u yeelan doonaan inay wax kala iibsadaan lacag dhan 1,000 Doolarka Mareykanka ah bishii afar jeer, iyadoo lagu saleynayo liiska badeecadaha la isku raacay. Heshiiskan ayaa ka dhashay wada-xaajood laba sano socday oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin saqafka qiimaha ganacsiga, inta jeer ee socdaalka, iyo aagagga ganacsiga xudduudaha. Xogta ayaa muujinaysa muhiimadda uu leeyahay xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya Kenya iyo Itoobiya ayaa tilmaamaya in sannadkii 2023-kii ay Itoobiya ahayd dalka ugu badan ee Kiinya wax looga dhoofiyo ee Bariga Afrika. Kiinya waxa ay ka heshay 86.2 milyan oo dollar badeecadaha ay u dhoofiso Itoobiya, halka Itoobiya laga keeno Kiinya ay u badan yihiin Bunka, Shaaha, Xoolaha Nool, iyo Saliida, taas oo gaadhaysa 36.7 milyan oo doolarka maraykanka.
Booliisku waxay sheegeen in ay qabteen hub sharci-darro ah oo badan iyo 146 eedeysane
Apr 21, 2025 44
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 13/2017 (ENA): Booliiska Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in ay qabteen hub sharci-darro ah oo badan mudadii 9-ka bilood ahayd ee sanadkan, iyadoo lala qabtay 146 qof oo loo haysto arrintaas. Howlgallo qorshaysan oo la qaaday si looga hortago ka ganacsiga hub sharci-darrada ah, waxaa lagu qabtay: 121 hub laga helay guryo, 8,989 hub oo lagu qabtay kooxo nabad-diid ah, 36 hub oo lagu qabtay keelaayada, Sidoo kale, booliisku waxay sheegeen in 6,351 xabbadood oo rasaas ah laga helay guryo shacab, 8,989 xabbadood oo rasaas ah lagu qabtay kooxo nabad-diid ah, 51,846 xabbadoodna lagu qabtay keelaayada. Waxaa intaa dheer in 236 qalabyo kale oo milatari ah khasnadaha hubka ayaa laga helay guryo, 148 kale oo lagu qabtay keelaayada. Sidoo kale 1 qoriga Brenka ah ayaa lagu qabtay kooxo nabad-diid ah, 2 qoriga Brenka ahna lagu qabtay keelaayada, halka 31 bambooyin laga helay guryo shacab, 25 bambooyin lagu qabtay kooxo nabad-diid ah, 122 bambooyin lagu qabtay keelaayada. Intaa waxaa dheer in 32 mastoolado sharci-darro ah laga helay guryo shacab, 128 lagu qabtay kooxo nabad-diid ah, halka 102 lagu qabtay keelaayada. Waxaa kaloo la helay: 1 qoriga sniberka ah oo laga helay guri shacab, 1 kalena lagu qabtay kooxo nabad-diid ah. Booliisku waxay sidoo kale caddeeyeen in 146 eedeysane loo hayo arrimahan laguna hayo gacanta sharciga. Ugu dambayn, booliisku waxay ugu baaqeen shacabka inay kaalin ka qaataan la dagaalanka hubka sharci-darrada ah iyagoo adeegsanaya mareegta EFPApp iyo lambarka bilaashka ah ee 991 si ay u soo sheegaan falalka noocaas ah.
Wasiir Muferixaat Kaamil ayaa sheegtay in ay khibrad ka heleen horumarinta kheyraadka aadanaha safarkii Feytnam
Apr 21, 2025 44
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 13/2017 (ENA): Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha, Marwo Muferixaat Kaamil, ayaa faahfaahin ka bixisay safarkii dhawaan uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ku tegay dalka VietnamFeytnam. Waxay sheegtay in Feytnam ay si xawli ah uga soo baxday saboolnimada iyada oo hirgelisay dib-u-habeynno waaweyn oo dhinacyo badan taabanaya, gaar ahaan kuwa la xiriira dhaqaalaha. Waxay tilmaantay in guusha Vietnam ee dhanka dhisidda dhaqaale tartan leh ay salka ku hayso horumarinta kheyraadka aadanaha, iyadoo xoogga la saaray waxbarashada iyo tababarka xirfadeed, lana dejiyay qorshe fog oo qaran oo lagu horumarinayo shaqaalaha. Muferixaat waxay intaas ku dartay in sidoo kale Itoobiya ay bilowday hawlo badan oo la xiriira horumarinta kheyraadka aadanaha, isla markaana ay la saxiixatay Feytnam heshiis ku saabsan iskaashi waxbarasho iyo tababar si loo horumariyo awoodda shaqaalaha. Waxay xustay in xoogga la saarayo abuurista shaqo iyo kobcinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, islamarkaana ay halkaas ka barteen khibrad weyn. Wasiir Muferixaat waxay sidoo kale sheegtay in Feytnam ay horumarinta kheyraadka aadanaha si toos ah ugu xirtay baahiyaha suuqyada shaqada, taasoo keentay in dadka la tababaro ay si fudud uga qaybqaataan horumarinta dhaqaalaha. Waxay sheegtay in Itoobiya ay la jaanqaadeyso jihadaas. Ugu dambayn, waxay carrabka ku dhufatay in nidaamka tababarka farsamooyinka iyo xirfadaha ee Feytnam uu yahay mid waxtar leh oo deegaanka ilaaliya, sidaas darteedna ay muhiim tahay in nidaamka waxbarasho ee farsamada gacanta iyo xirfadaha ee Itoobiya lagu daro mabda’a horumarka deegaanka u roon, iyadoo la xoojinayo dadaallada arrintaas lagu gaari karo.
Feytnam waxay Itoobiya uga faa’iidaysan doontaa albaabka ay ka galayso xidhiidhka Afrika – Lagasa Tulu (Dr.)
Apr 21, 2025 43
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 13/2017 (ENA): Wasiirka Adeegga Xidhiidhka Dowladda, Dr. Lagasa Tulu, ayaa sheegay in dalka Feytnam uu Itoobiya u arko in ay tahay waddo istiraatiijiyadeed oo uu Afrika kula xiriiro, halka Itoobiya ay iyaduna Feytnam uga faa’iidaysan doonto sidii waddan ay khibrad dhaqaale iyo horumarin uga baran karto. Wasiirku wuxuu hadalkan ka sheegay isagoo faallo ka bixinaya booqashadii rasmiga ahayd ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, uu toddobaadkii hore ku tagay dalka Feytnam. Dr. Lagasa wuxuu xusay in Feytnam ay tan iyo 1984 samaysay dib-u-habayn dhaqaale oo qoto dheer, taasoo keentay in boqolkiiba 70 ee saboolnimada shacabka dalku meesha ka baxdo, isla markaana dalkaasi maanta uu noqdo mid si weyn u dhoofiya badeecooyinka sida bariiska, bunka iyo khudradda. Wasiirku wuxuu sheegay in Feytnam ay gaartay horumar weyn oo ku saabsan warshadaha, gaar ahaan kuwa wax dhoofiya, taasoo ay ku timid maalgashi toos ah oo ka yimid shirkado iyo hay’ado caalami ah. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dalku uu horumarin ku sameeyay warshadaha ku saleysan dhoofinta. Intii ay socotay booqashada Ra’iisul Wasaaruhu, waxa laga wadahadlay sidii Itoobiya uga faa’iidaysan lahayd khibradda Feytnam ee dhinacyada wax-soo-saarka cuntada, gaar ahaan bariiska, maadaama ay doonayso inay sare u qaaddo madaxbannaanideeda dhanka cuntada. Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay in Feytnam ay khibrad dheer u leedahay dhinacyada beeralayda, khudaarta, bunka, iyo horumarinta warshadaha elektaroonigga, dharka iyo kabaha. Ugu dambayntii, wuxuu sheegay in labada dal ay wadaagaan qorsheyaal ku saleysan horumar waara ee cagaaran, warshado casri ah, iyo dhisidda kaabayaal dhaqaale sida waddooyinka iyo magaalooyinka waaweyn. Wuxuu hoosta ka xariiqay in iskaashiga labada dal uu horseedi karo is-dhaafsi khibradeed, gaar ahaan dhinacyada farsamada iyo tignoolajiyada.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) booqashadii uu ku tegay Vietnam waxay ahayd mid uu waayo-aragnimo badan uga helay dhinacyo badan – Bil-lene Siyum
Apr 21, 2025 44
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 13/2017 (ENA): Bil-lene Siyum oo ah Xoghayaha Saxaafada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegtay in booqashadii shaqo ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu toddobaadkii tegay ku tagay dalka Vietnam ay ahayd mid muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, isla markaana uu ku helay waayo-aragnimo ballaaran oo ku saabsan dhaqaalaha, warshadaha, beeraha iyo dhinacyo kale. Waxa uu tilmaamay in Ra’iisul Wasaaruhu uu kulammo muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Vietnam, islamarkaana ay si qoto dheer uga wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac. Ra’iisul Wasaaraha Vietnam, Fham Minh Jinh, ayaa si diirran u soo dhoweeyey Dr. Abiy, waxayna uga wada hadleen sidii ay labada dal uga wada shaqeyn lahaayeen arrimo badan oo horumarin ah. Bil-lene Siyum ayaa sheegtay in Vietnam ay caan ku tahay horumarka warshadaha fudud, isla markaana Itoobiya ay ka faa’iidi karto khibradda dalkaasi, gaar ahaan dhinacyada warshadaha, beeraha iyo wax-soo-saarka kale. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale booqday mashruuca “magaalada casriga ah” ee Hanoi, taasoo uu ku tilmaamay fursad ay Itoobiya ka baran karto khibradaha caalamiga ah si loo horumariyo mashaariicda magaalooyinka casriga ah ee dalka ka socda. Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynaha P4G kaga hadlay muhiimada ay leedahay in la tixgeliyo ballanqaadyadii la galay ee la xiriira isbeddelka cimilada, isagoo dalbaday in la sameeyo talaabooyin dhab ah oo lagu ilaalinayo deegaanka.
Kulan lagu adkaynayay nabadgalyada iyo arrimaha xuduudaha ee gobolka Shabeelle ayaa ka qabsoomay degmada Cadaadle
Apr 19, 2025 49
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 11/2017 (ENA): Kulankan oo ay shirgudoon ka ahaayeen Madaxa Xafiiska Arimaha Bulshada DDS, Madaxa Xafiiska Biyaha DDS iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelle ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka gobolka, kan degmada Cadaadle, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka. Masuuliyiinta ayaa bulshada usoo jeediyay muhiimada amniga, iyagoona faray in ka bulsho ahaan laga feejignaado fikiradaha xun-xun ee ururada argagixisada ah, nabadgalyadana lagala shaqeeyo hay'adaha amniga. Shacabka ayaa geestooda balanqaaday in ay ka shaqaynayaan amniga iyo hormarka gobalka. Masuuliyiinta ayaa ugu dambayntii sharaxaad dheer ka bixiyay waxqabadka muuqda ee isbadalkii kadib xukuumadu ka hirgalisay guud ahaan deeganka gaar ahaana gobolka Shabeelle.
Itoobiya ayaa Dooneysa Inay Xoojiso Iskaashiga Dalxiiska ee ay la Leedahay Talyaaniga — Danjire Dhamitu Hambisa
Apr 19, 2025 48
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 11, 2017 (ENA) — Danjiraha Itoobiya ee Talyaaniga, Demitu Hambisa Ayala sheegtay in Itoobiya ay doonayso inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay Talyaaniga, gaar ahaan dhanka dalxiiska. Danjire Dhamitu ayaa wadahadal la yeelatay Simone Landini oo ah La-taliyaha Wasaaradda Dalxiiska ee Talyaaniga iyo Filippo Mancuso (Dr.), Madaxweyne ku xigeenka Golaha Deegaanka Calabria. Intii lagu guda jiray wadahadalka, Danjiraha ayaa iftiimisay sida sare ee dowladda Itoobiya ay mudnaanta u siiso horumarinta qeybta dalxiiska. Sidoo kale, waxay adkaysay in Itoobiya ay aad ugu heelan tahay in ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Talyaaniga ee dhinaca warshadaha dalxiiska. Labada dhinacba waxay isla garteen in ay si wadajir ah ugu shaqeeyaan dhameystirka heshiis iskaashi oo dhex mara Wasaaradaha Dalxiiska ee labada dal. Xogta laga helayo safaaradda Itoobiya ee Roma ayaa sheegaysa in, Dnajire Dhamitu, ay wadahadala la yeelatay Madaxweyne ku-xigeenka Golaha Deegaanka Calabria, waxayna isku afgarteen in la iska kaashado sidii maalgashadayaasha gobolkaasi ay uga qayb qaadan lahaayeen ganacsiga iyo maalgashiga dalka Itoobiya,. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA
Booqashadii Rasmiga ahayd ee uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ku tagay Vietnam waxay muujisay muhiimadda weyn ee dalka Itoobiya leeyahay
Apr 18, 2025 88
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 10/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, oo ay weheliyaan wafdi sare, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka Vietnam, taas oo noqotay mid guul leh oo markale xaqiijisay in Itoobiya ay tahay dal aad muhiim u ah. Ma aha oo kaliya sababta juqraafiyeed ama siyaasad-goboleedka, balse sidoo kale waxaa jira aragti horumarineed oo casri ah iyo qaab-dhaqan wax-ku-ool ah oo dalka ka dhigay safar guul leh oo mudan in la xuso. Dr. Abiy iyo wafdigiisu waxay ahayd markii ugu horreysay muddo ku dhow 50 sano in hoggaamiye Itoobiyaan ah uu booqasho rasmi ah ku tago Vietnam tan iyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal ee soo bilowday sannadkii 1976. Sidaas darteed, booqashadani waxay ahayd mid dib u xoojisay xiriirkii labada dal ee aan heer sare gaadhin tan iyo waagaas. Dowladda Vietnam ayaa si diirran u soo dhoweysay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyadoo muujisay qaddarin weyn iyo tixgelin ay u hayaan isaga iyo shacabka Itoobiya. Waxaa jiray kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Xoghayaha Xisbiga Shuuciga ee Vietnam, kuwaas oo looga hadlay arrimo ku saabsan iskaashiga laba geesoodka ah, xiriirka caalamiga ah, iyo mashaariicda horumarineed. Wafdiga Itoobiya waxay sidoo kale la kulmeen ganacsato waaweyn iyo shirkado horumarsan oo ku shaqeeya tignoolajiyadda casriga ah sida robotics iyo high-tech industry. Waxa kale oo ay booqdeen mashaariicda dhismaha magaalooyinka sida "Ocean Park". Intii ay joogeen, labada dhinac waxay kala saxiixdeen heshiisyo badan oo ku saabsan iskaashi dhinacyada ganacsiga, maal-gashiga, horumarinta awoodda aadanaha, iyo warshadaha duulista (aviation industry). Waxaa sidoo kale Dr. Abiy ka qaybgalay shirweynaha caalamiga ah ee "P4G – Partnership for Green Growth and Global Goals", halkaas oo uu ku soo bandhigay waayo-aragnimada Itoobiya. Vietnam, oo ka mid ah dalalka Koonfur Bari Aasiya, waxay dhaqaalaha u furtay adduunka sannadkii 1986 iyada oo loo marayo siyaasadda "Đổi Mới" ama dib-u-habayn dhaqaale. Tan iyo markaas, Vietnam waxay ka mid noqotay dalalka ugu horumarka badan, iyadoo laga saaray liiska dalalka saboolka ah looguna beddelay kuwa dakhliga dhexe leh. Maanta, Vietnam waxay nafteeda ku filan tahay xagga cuntada, waxayna noqotay hormuud xagga dhoofinta wax-soo-saarka beeraha sida bariiska, bunka, iyo khudradda. Waxaa kale oo ay noqotay xarun warshado sare leh (industry hub), iyadoo dhoofisa qalabka elektarooniga ah, dharka, iyo agabka kale ee la farsameeyo. Siyaasadda adag ee ay hoggaamiso xukuumadda Vietnam, oo ay ku lamaan tahay qorshe horumarineed oo xoogga saaraya wax-soo-saarka iyo ganacsiga, ayaa lagu tilmaamaa sababta ay dalkaasi ugu guulaystay koboc dhaqaale iyo horumar ballaaran. Sidaa darteed, booqashadii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ee Vietnam waxay muujisay muhiimadda ay Itoobiya leedahay, waxayna kor u qaadday xiriirka istaraatijiyadeed ee labada dal, taas oo la filayo in ay si qoto dheer u sii xoojiso iskaashiga mustaqbalka.
Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan ayaa heshiis ku gaaray xoojinta iskaashiga labada dal
Apr 18, 2025 58
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 10/2017 (ENA): Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan ayaa ku heshiiyeen in ay sii xoojiyaan iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan iyaga oo ku saleynaya duruufaha iyo fursadaha jira. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Gedhiyoon Timootiwoos ayaa la kulmay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Koonfurta Suudaan, Danjire Manday Samaaya Kumba, iyaga oo ka wadahadlay arrimo badan oo labada dal khuseeya iyo arrimo gobolka ah. Intii uu socday wadahadalka, Dr. Gedhiyoon Timootiwoos waxa uu si rasmi ah ugu hambalyeeyay Danjire Manday Samaaya Kumba magacaabistiisa cusub ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Koonfurta Suudaan. Sidoo kale, Dr. Gedhiyoon wuxuu xusay in Itoobiya ay ka go’an tahay in si dhow ula shaqeyso Wasiirka cusub si loo xoojiyo xiriirka labo geesoodka ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan. Danjire Manday, isaguna dhiniciisa, wuxuu muujiyay rabitaankiisa ah in la sii adkeeyo xiriirka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee qotada dheer ee u dhexeeya labada dal. Ugu dambayntii, labada wasiir waxay sidoo kale carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo nabadda gobolka, iyaga oo isla gartay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo gaari lahaa hadafkaas, sida lagu sheegay xog ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya. #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya #Diblomaasiyad
Bulshada waxaa looga baahan yahay inay ka qaybqaataan nabadgelyada iyo midnimada bulshada— Cabdiqaadir Rashiid
Apr 18, 2025 53
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 10/2017 (ENA): Dhawaan ayaa la soo gabogabeeyey socdaal uu hoggaaminayey Madaxweyne Kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo loogu kuurgalayey mashaariicaha, xoojinta nabadgelyada iyo baahiyada shacabka. Haddaba Madaxa Xafiiska Nabadgelyada Deegaanka Soomaalida, Mudane Cabdiqaadir Rashiid ayaa sheegay in xukuumada DDS ay ka go'antahay dhisidda midnimada shacabka, adkaynta amniga iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha ah si loo hirgaliyo qorshayaasha horumarineed ee xukuumadda. Ugu dambayntii waxa uu sheegay in socdaalkii lagu soo maray goballada uu dhaliyey natijooyin muhiim ah oo isku xidhaya bulshada iyo hay'adaha nabadgelyada deegaanka.
Ilaalinta hawada dalkeenna iyo dardargelinta horumarka taariikhiga ah ayaa ah shaqo aan sii xoojin doono – Letanel Janaraal Yilmaa Mardhaasaa
Apr 18, 2025 144
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 10/2017 (ENA): Taliyaha Ciidanka Cirka ee Itoobiya, Letanel Janaraal Yilmaa Mardhaasaa, ayaa sheegay in ilaalinta hawada dalkeenna ka sokow, ay si xooggan u wadaan dadaallo lagu soo nooleynayo taariikhda ciidanka cirka Itoobiya. Janaraalka ayaa u mahadceliyay injineerada iyo farsamayaqaanada dayactiray diyaaraddii DHC-5 Buffalo ee horey uu u isticmaali jiray madaxweynihii hore ee Itoobiya Mangistu Xaylemariyam, xilligii uu dalka ka baxsanayay muddo ka badan 37 sano kahor. Diyaaraddan oo muddo dheer aan adeeg bixinin ayaa dib loogu soo celiyay shaqadii iyadoo lagu sameeyey dayactir buuxa iyo casriyeyn lagu daray tignoolajiyadii ugu dambeysay. Warbixin kasoo baxday ciidamada difaaca ayaa sheegtay in diyaaradda loo tijaabiyay si isdaba joog ah kadibna dib loogu daray adeegga ciidanka. Janaraalka ayaa sidoo kale xusay inuu arkay dhalinyaro wax soo saar iyo hal-abuur leh oo ka shaqeeya shaqooyinka ciidanka, taasoo muujinaysa kobaca iyo hal-abuurka ka jira. Taliyaha ayaa caddeeyay in ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa cirka, aysan ku koobnayn iibsiga qalab difaac oo kaliya, balse ay dadaal ugu jiraan inay noqdaan kuwo wax soosaara oo madaxbannaan. Waxa uu xusay in ciidanka cirka uu si firfircoon uga qeybqaato mashaariic badan oo kala duwan. “Ciidan cir oo awood weyn ayaa u baahan dal weyn,” ayuu yiri, isagoo tilmaamay in ciidanka cirka ee Itoobiya uu yahay mid ilaalinaya hawada dalka isla markaana dib u soo nooleynaya taariikhdii ciidanka, una hoggaansamaya isbeddellada casriga ah si uu u noqdo awood qaran. Diyaaradda DHC-5 Buffalo oo asal ahaan lagu sameeyay Kanada, ayaa leh muhiimad taariikhi ah maadaama ay ahayd diyaaraddii uu madaxweynihii hore ee Itoobiya u adeegsaday baxsashadiisa markii uu dalka ka cararay kuna degay Kenya, sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta bulshada ee ciidamada difaaca. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Ciidamada_Difaaca #Ciidanka_Cirka
Itoobiya iyo Vietnam ayaa kala Saxiixday Heshiisyo Xoojinaya Iskaashigooda – Wasiirka Arrimaha Dibadda Gedion Timotiyoos (Dr.)
Apr 18, 2025 52
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 10, 2017 (ENA) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Gedion Timotiyoos ayaa sheegay in Itoobiya iyo Vietnam ayaa kala saxiixdeen heshiisyo lagu xoojinayo iskaashigooda. Wasiirku wuxuu xusay in Itoobiya iyo Vietnam ay u dabbaal-degayaan sannadguuradii 50-aad ee xidhiidhkooda diblomaasiyadeed. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in booqashada Rasmiga ahayd ee Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Ahmed uu ku tagay Vietnam ay ahayd tii ugu horreysay ee hoggaamiye Itoobiyaan ah uu ku tago waddankaas. Wasiirku wuxuu tilmaamay in booqashada Ra’iisul Wasaaraha iyo kulamadii heerka sare ee uu la yeeshay madaxda Vietnam ay guul kusoo dhammaatay, isla markaana ay labada dal kala saxiixdeen heshiisyo kala duwan oo loogu talagalay in lagu sii xoojiyo iskaashiga. Wasiirku wuxuu si gaar ah u xusay muhiimadda heshiiska u oggolaanaya Ethiopian Airlines inay bilaabato duullimaadyo toos ah oo ay ku tagto Vietnam, isagoo carrabka ku adkeeyey in marka duullimaadyadaasi bilaabmaan ay kobcin doonaan ganacsiga, xiriirka labada shacab iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu faahfaahiyay in heshiisyo kale oo ku saabsan waxbarashada, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo maalgashiga la saxiixay, si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac. Intaa waxaa dheer, Wasiirku wuxuu sheegay in kulamo la xiriira heshiisyo mustaqbalka ah ay sidoo kale dhaceen, kuwaas oo kor u qaadi doona iskaashiga labada dal iyo ballaarinta habka wada-shaqeynta. Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyey in heshiisyadani ay suurta gal ka dhigi doonaan dhisidda xiriir xooggan, hay’adaysan, oo waara, kuwaas oo faa’iido u yeelan doona labada dal. Sidoo kale, Wasiir Gedion wuxuu xusay in Itoobiya loo doortay inay martigeliso shirweynaha P4G (Partnering for Green Growth and the Global Goals 2030) ee sannadka 2027, taasoo muujineysa aqoonsiga sii kordhaya ee Itoobiya ay ka helayso caalamka. Wuxuu caddeeyay in madashan caalamiga ah ay Itoobiya siin doonto fursad weyn oo ay ku soo bandhigto hoggaaminteeda dhinaca tamarta la cusboonaysiin karo iyo dadaalladeeda horumarka cagaaran ee caalamka. Wasiirku wuxuu hoosta ka xarriiqay in Itoobiya ay horumarin weyn ku sameyneyso tamarta la cusboonaysiin karo, gaar ahaan iyadoo ballaarinaysa wax-soo-saarka korontada laga dhaliyo biyaha, isla markaana ay si dhab ah ugu heelan tahay inay mustaqbalka si buuxda ugu guurto nidaamka gaadiidka ku shaqeeya koronto. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in barnaamijka "Green Legacy" ee Itoobiya uu noqday tusaale caalami ah oo lagu wajaho isbeddelka cimilada, isagoo dhaafsan danaha qaranka oo kaliya. Sida uu sheegay Wasiirku, doorashada Itoobiya loogu xushay martigelinta shirweynaha P4G waa caddeyn muujinaysa saameynta sii kordhaysa ee dalka iyo sida ay uga go’an tahay arrimaha waara. Wuxuu intaa ku daray in madashu ay dhiirrigelin doonto waddamada kale inay qaataan habab iskaashi oo ku dhisan tusaalaha horumarka cagaaran ee Itoobiya. Ugu dambeyn, wuxuu xusay in shirweynahan uu xoojin doono doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay oo ay la jaanqaadi doonaan dowladaha si loo heli karo dhaqaale ku filan oo loogu talagalay ilaalinta deegaanka iyo dadaallada horumarka waara.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Vietnam ayaa sare u qaaday sumcadda Itoobiya ee caalamka – Danjire Dhase Dalke
Apr 18, 2025 55
Addis Ababa; Duugato/Miyaasiya 10, 2017 (ENA): Safiirka Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Kuuriya, Dhase Dhaalke, ayaa sheegay in booqashadii Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ee Vietnam ay abuurtay iskaashi kor u qaadaya sumcadda Itoobiya ee caalamka. Safiirka Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Kuuriya, Dhase Dhaalke ayaa ka warbixiyay in booqashadii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu ku tagay Vietnam. faahfaahintiisa, ayuu Ku xusay in xidhiidhka diblomaasiyadeed ee rasmiga ah ee Itoobiya iyo Vietnam uu bilaabmay sannadkii 1976. Waxa uu sheegay in Vietnam, sida Itoobiya oo kale, ay tahay dal leh xidhiidh diblomaasiyadeed oo mabda’a ku dhisan; Waxa uu sidoo kale sheegay in ay isku mowqif ka yihiin arrimaha cimilada iyo deegaanka. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa xusay in intii ay ku sugnaayeen dalka Vietnam ay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaas. Waxa uu sheegay in kulamadaasi ay abuurayaan fursado la isaga kaashan karo arrimaha labada dal iyo kuwa caalamka. Waxa kale oo uu sheegay in Itoobiya iyo Vietnam ay ka wadahadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha caalamiga ah iyo kuwa labada dal. Itoobiya oo ku taal Afrika iyo Vietnam oo Aasiya ah ay yihiin dalal dhaqaale badan abuuraya; Tani waxay u ogolaanaysaa labada dal inay abuuraan fursado suuqeed oo midba midka kale uu ku yeesho, khibradna ay isku dhaafsadaan, ayuu yidhi. Wuxuu intaas ku daray in Vietnam ay leedahay waayo-aragnimo qoto dheer oo ku saabsan dhoofinta wax-soo-saarka warshadaha, gaar ahaan dharka, hargaha, waxyaabaha ka hargaha, iyo sidoo kale miraha iyo khudaarta suuqyada caalamiga ah. Sidoo kale, Danjiruhu wuxuu xusay in Vietnam ay tahay dalka labaad ee bunka ugu badan ee wax-soo-saara adduunka, halka Itoobiya ay kaalinta saddexaad kaga jirto, wuxuuna sheegay in labada dal ay isla gaareen heshiis ku saabsan khibrad is-weydaarsi dhinacaas ah. Danjire Dhase wuxuu sidoo kale caddeeyay in qayb ka mid ah heshiisyadaasi ay labada dhinac isla meel dhigeen in la dhiso hannaan dabagal ah oo heer wasiir ah, gaar ahaan wasaaradaha arrimaha dibadda, si loo hubiyo hirgelinta heshiisyada. Ugu dambayn, wuxuu xusay in Itoobiya iyo Vietnam ay noqon karaan Marinka istaraatiijiga ah iyo buundooyinka isku xira Afrika iyo Aasiya, taas oo xaqiijinaysa in labada dal ay si siman uga faa’iidaystaan iskaashiga. #Wakaalladda Wararka_Itoobiya #ENA
Maalinta Booliiska ee 116aad ayaa la xusayaa 26-ka bishan
Apr 17, 2025 41
Addis Ababa, Duugato / Miyaasiya 9/2017 (ENA): Maalinta Booliiska ee 116aad ayaa la xusayaa Duugato /Miyaasiya 26 iyadoo halku-dhiggeedu yahay “Booliis horumar u ah waddan isbedelay”, waxaana qorshaysan in munaasabado kala duwan lagu xuso. Iyadoo la maamuusayo maalintaas, waxaa la shaaciyay in tartanka cayaaraha booliiska ee ururka taliyaasha booliiska Bariga Afrika ee 5aad lagu qaban doono garoonka Abebe Biqilaa intii u dhaxaysa Duugato /Miyaasiya 19 ilaa 25, 2017. Sidoo kale, waxaa jiri doona siminaar iyo madal dood-cilmiyeed ah oo soconaya laga bilaabo Duugato /Miyaasiya 23 ilaa 25, 2017, kuwaasoo lagu qaban doono Matxafka Sayniska, sida ay sheegeen Booliiska Federaalka. Munaasabadda xuska ugu weyn ee Maalinta Booliiska ee 116aad ayaa dhici doonta Duugato /Miyaasiya 26, 2017, waxaana lagu qaban doonaa fagaaraha Masqalka iyadoo ay dhici doonto dabaaldeg ciidan oo heer sare ah. Ugu dambayntii, waxaa bulshada lagu booriyay inay ka qaybgalaan barnaamijyadaasi si ay taageeradooda ugu muujiyaan booliiska.
Hawlgaladda qorshaysan ee lagula dagaallamayo dambiyada lagu dhibaateeyo bulshada ayaa la sii xoojin doonaa
Apr 17, 2025 45
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 9/2017 (ENA): Taliyeyaasha sare ee Booliiska Federaalka iyo kuwa magaalada Addis Ababa ayaa si wadajir ah u qiimeeyey xaaladda amniga ee magaalada Addis Ababa. Kulanka ayaa lagu sheegay in hawlgallo qorshaysan oo laga sameeyey dhammaan degmooyinka magaalada Addis Ababa lagu qabtay dad lagu tuhunsan yahay dilal, ganacsi sharci darro ah, afduubasho dad, iyo dambiyo kale oo la xiriira amniga. Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay eedeysanayaal ku lug lahaa xatooyo baabuur, hub sharci darro ah, ka ganacsiga maandooriyaha iyo dawooyinka sharci darrada ah, xatooyada telefoonka gacanta, iyo xatooyo ka dhan ah qaybaha baabuurta sida taayirrada iyo taangiyada shidaalka. Booliiska Federaalka ayaa sheegay in hawlgalku uu kor u qaaday nabadda iyo amniga magaalada, isla markaana uu hoos u dhigay heerka dambiyada. Sidoo kale, waxaa la go’aamiyey in hawlgallada qorshaysan ee lagula dagaallamayo dambiyada lagu dhibaateeyo bulshada la xoojiyo oo si joogto ah loo sii wado, iyadoo la kordhinayo iskaashiga hay’adaha ammaanka, la xoojinayo awoodda ilaalinta iyo dabagalka dambiyada, lana dhisayo kalsoonida bulshada ee adeegyada booliiska, la taageerayo ciidamada ilaalinta rayidka ah, iyo in lala shaqeeyo hay’adaha bixiya adeegyada gaadiidka si amniga si buuxda loo sugo.
Danjire Birhanu Tsegaaye ayaa ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Qaranka ee Jabuuti
Apr 17, 2025 35
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 9/2017 (ENA): Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Birhanu Tsegaaye, ayaa maanta lagu maamuusay abaalmarinta qaran ee dalka Jabuuti. Danjire Birhanu ayaa sheegay inuu si weyn ugu farxay in la gudoonsiiyo billadda qaranka ee “June 27 Officer Dans la Légion d’Honneur” oo uu ka guddoomay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil, sida uu ku sheegay fariin uu soo dhigay bartiisa baraha bulshada. Danjiruhu wuxuu uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, taageerada joogtada ah iyo doorka uu ka qaatay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Wuxuu intaas ku daray in Jabuuti tahay dalkiisa labaad, isla markaana xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Jabuuti uu yahay mid ku saleysan saaxiibtinimo qoto dheer iyo walaaltinimo soo jireen ah oo ka dhaxeysa labada shacab. Sidoo kale, wuxuu xusay in iskaashiga dhaqaale ee labada waddan uu tusaale u yahay wada shaqeynta sii kordheysa ee labada dal ay ku leeyihiin arrimaha gobolka iyo Afrika oo dhan. Ugu dambeyntii, Danjire Birhanu wuxuu uga mahadceliyay dowladda Jabuuti taageerada ay u muujiyeen intii uu joogay dalkooda. #Itoobiya #Wakaaladda_Warka_Itoobiya
Madaxweynaha Taaye Asqasilaase ayaa la kulmay Agaasimaha Guud ee UNOPS Jorge Moreyra da Silfa
Apr 17, 2025 36
Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 9/2017 (ENA): Madaxweynaha Itoobiya Taaye Asqasilaase ayaa la kulmay Agaasimaha Guud ee Xafiiska Adeegyada Mashruuca ee Qaramada Midoobay (UNOPS), Jorge Moreyra da Silfa. Intii uu socday wadahadalkooda, Madaxweynaha ayaa dalbaday in UNOPS ay taageerto Itoobiya si loo dhiso awoodda la xiriirta habraacyada kala duwan ee wax iibsiga ee dowladda, iyada oo kor loo qaadayo kartida fulinta mashruucyada. Waxaa la xusay in UNOPS ay ka shaqeyso mashruucyo kala duwan oo ka socda Afrika, isla markaana loo baahan yahay in fursado la siiyo shirkadaha Itoobiyaanka ah ee wax soo saarka iyo adeegyada si ay uga qaybgalaan, iyo in xafiiska UNOPS ee ku yaalla gudaha Itoobiya la ballaariyo. Agaasimaha Guud ee UNOPS Jorge Moreyra da Silfa ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay wadahadalka miro-dhalka leh ee uu la yeeshay Madaxweynaha Taaye Asqasilaase. Ugu dambayntii, sidoo kale wuxuu xusay in UNOPS ay danaynayso inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay dowladda Itoobiya. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya